14 April, 2009

Banaan bixii xisbiga Kulmiye ee maanta iyo warbixintii ay BBC du ka soo dirtay.

[Monday, April 13th, 09] :: Banaan bixii xisbiga Kulmiye ee maanta iyo warbixintii ay BBC du ka soo dirtay.
news image
Dhegayso: Ismaan-diidkii u dhexeeyey dawlada Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa isagoo weli sii socda, waxa dadka taageersan Xisbigaas Kulmiye ay isugu soo bexeen oo ku soo urureen, xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay, magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

 

 

Dhinaca kalena, urur siyaasadeedka 'Udhis' oo wadey tallaabooyin, ay ku dhex dhexaadinayeen dowladda iyo mucaaradka ayaa waxaa uu sheegay in ay dawlada Somaliland diidey waan-waanta ay wadeen ee uu ku doonayey in xiisada lagu qaboojiyo.

Taliyaha booliiska Somliland Maxamed Dubbad Saqadhi ayaa BBC u sheegay in ay mucaaradka u fasaxayaan oo kaliya inay isugu yimaadaan xaruumahooda, waxaa kale oo uu sheegay taliyaha inay baaritaan ku hayaan, qof ay xisbiga Kulmiye sheegeen in aanu ka tirsaneyn taageerayaashooda oo xabad ka riday xaruunta Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye ayaa horey waxa uu u sheegay in aanu aqoonsaneyn waqti kordhinta ay sameeyeen golaha Guurtida Somaliland

No comments: