14 March, 2009

Xabaal Qiiqaysa Oo Lagu Arkay Magaaladda Hargeysa

Xabaal Qiiqaysa Oo Lagu Arkay Magaaladda Hargeysa, Si Weyna Argagax Iyo Naxdin Ugu Abuurtay Dadweynaha Magaaladda


(Xabaal Qiiqaysa Oo Lagu Arkay Magaaladda Hargeysa, Si Weyna Argagax Iyo Naxdin Ugu Abuurtay Dadweynaha Magaaladda)

hadhwanaag 2009-03-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Dunidan aynu ku dulnoolahay waa fillim, isla markaana laga dheehdo muuqaalada mucjisooyin kala midabbo ah, kuwaasoo intooda badan Rabbi ugu talagalay in ay Addoomihiisu wax ku qaataan. Haddaba waxa galinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd lagu arkay Xaafad ka mid ah Magaladda Hargeysa oo Xabaal la jaar ahi qiiqayso, taasoo naxdin iyo infariir gelisay dadka intii aragtay iyo intii sheeko ku maqashayba.

Koox dhalinyaro ah oo Khamiistii shalay Kubad ku ciyaarayay meel u dhaw Xabaalaha Sheekh Muuse Ducaale ayaa arkay Xabaal ka mid ah Xabaalahaas oo qiiqaysa arkay, ka dibna waxa ay qaylo dhaan ugu tageen qaar ka mid ah dadweynaha degan Xaafadaha Isha Boorame iyo Qandahaar oo ka tirsan Degmada Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo iyaga oo yaabsan orod ku tagay Xabaashii qiiqaysay. taasoo yaab iyo anfariir ku noqotay dadkii dul tagay Xabaasha. qaar ka mid ah dadweynahaas oo Hadhwanaagnews Xafiiskeeda Hargeysa la soo xidhiidhay ayaa sheegay in markii ay arkeen Xabaasha oo qiiqaysa biyo iyo ciid ku bakhtiiyeen, hase ahaatee, wakhti aanay cayimin ka dib ay haddana arkeen iyada oo xabaashii ay bakhtiiyeen qiiqaysa, balse ay markaa dambe ay quraan ku akhriyeen.

Axmed Yuusuf Xuseen oo ka mid ahaa dadkii xabaasha qiiqaysay u gurmaday, ayaa Hadhwanaagnews.com caawa khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay, ugana waramay dhacdadan layaabka leh ee uu goob-jooga u noqday. waxaanu Axmed Yuusuf sheegay in Xabaashan Salaasadii todobaadkii dhamaaday lagu aasay Marxuun aanu magiciisa noo sheegin. Waxaanu Axmed intaasi ku daray in dhacdadani ay ahayd mucjisadii ugu horeysay ee noocan oo kale ah ee uu noloshiisa arko, waxaanu xusay in guud ahaanba dadweynihii ka xaadiray ama u gurmaday Xabaasha qiiqu ka baxayay in ay isku raaceen, in dhacdadaasi ahayd mid muddan in lagu cibro qaato.

Si kastaba ha ahaatee, Xabaashan qiiqday ayaa ahayd dhacdo dadweynihii dul-tagay ku cusbayd, isla markaana si weyn u naxdin geliysay intii dul tagtay iyo intii sheekho ay ku soo gaadhay.

Sumxaan-LLaah:-
Illaahay Qabriga h innoo nuuro.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal
HadhwanaagnewsReporter
Office/Hargeysa/Somaliland
E-mail. mrmursal@gmail.com





Haddaba Walaalayaal waxaan la soconnaa in Cadaabul qabrigu
yahay wax jira oo dadka marka nafta laga qaado hadduu Cadaab gelayo jaga sii bilaabmeyso maalinta uu qabriga la kowsado
arrin ah in ilaahey tusey ninkan oo qabrigiisu gubanayo
waxa weeye maaha markii koowaad ee la arko laakiin waxaan filayaa waa markii koowaad ee Hargeysa laga arko.
Waxa jirtey Nin Taarik ku Salaad ah ayaa maalintii dhintey la
arkey qabrigiisii oo qiiqaaya markaasa Culimadii Waxay u tageen
Hooyadii waxaaney ku yidhaahdeen nooga warran wuxu ku sugnaa inankaagu waxaaney tidhi wuxu ahaa nin salaaddu ku Culus tahay oo aan salaadda Tukan markaasey qisadii u sheegeen oo yidhaadeen Qabrigii inankaaga oo qiiq ana Gubanaya ayaanu aragney, Waxa kale oo jirtey Nin ayaa naftu ka bixi weydey asxaabi ahaa markuu qaldhebayey maraasaa Nabi Maxammad scw loo sheegey in Ninkan dhibaatadaasi heysato oo naftii ka bixi la adahay markaasaa Nabi Maxammad
wuxu yidhi waalidkii ma nool yihiin waxa la yidhi Hooyadii ayaa nool markaasuu yidhi ii geeya markuu u tegey ayuu weydiiyey
muxu ahaa ama kugu sameyn jirey Wiilkaagu waxay tidhi Hooyadii wuxu ahaa nin aad u Cabaado badan oo Salaad badan Soon badan Sadaqo badan kheyr kasta u dheereeya
laakiin wuxu igu sameeyey arrin Caloosheyda raad ku yeelatey oo ah inuu Hadalkeyga ka sarrreysiin jirey hadalka Xaaskiisa
keygana hoos u dhigo Nebigu wuxu yidhi Xaabo ii keena waxay tidhi maxaad ku sameyn wuxu yidhi Noloshaan ku gubaya
sababtoo ah ilaaha nafteydii Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye
Cadaabbuu weligii ku jirayaa kaga bilaabmeysa qabriga marka la dhigo Calaashan arrintaas uu kugu sameeyey adigoo hooyadii ah
Waxaaney tidhi Rasuulkii ilaahayoo w waan saamaxey ee markhaati ka noqo markaasuu Nabigu Cid u direy Ninkii
waxa loo tegey isagoo ashahaadada ku celcelinaaya oo sidaas naftii kaga baxdey waxaan uga socdaa arrintan waxyaabaha leysku cadaabo inaan qaarkood taataabto.wabillaahi tawfiiq



A,Sellin

http://samotalis.blogspot.com/


__
.

__,_._,___

No comments: