11 March, 2009

TACSI GEERIDA MARXUUM MAHDI CALI GAAS






INAA LILAA WA INAA ILAYHI RAAJACUUN


Anigoo ku hadlaaya magaca Reer Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa, xaasaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan Jaaliyadda Soomaliland ee Wales geerida ku timid Marxuum Mahdi Cali Gaas oo ku geeriyooday maanta 11/03/2009 magaalada Hargeysa.


Mahdi Ali, Alle ha u naxariistee waxuu ahaa nin oday ah oo ka sii joogaa ragii jaaliyadda ugu muddada dheeraa ee degganaa Cardiff. Waxuu ahaa nin hawlkar ah, shaqo jecel, tijaarada ku wanaagsan oo ganacsi dhul iyo geddisleynba ka sameeyeey meelo badan oo gudaha dalka iyo debedaba ah.

Waxuu ahaa nin waxtar badan oo hawsha bulsho qayb weyn kaga jira. Waxaa lagu xusuustaa shaqo jaceyl iyo dheerigelin uu dhalinta u tilmaamo inay muruqooda iyo maankooda maalaan. Waxaan la iloobi karin waxtarka uu u lahaa bulshada inta ugu jilicsan ee qaxootiga cusub iyo haweenka u badnaa. Mahdi waxuu ahaa oday dadku u sinnaa oo Soomalinimo waxba uga hooyseyn, kaftan, dabci san iyo dadwadnimo uu yar iyo weynba la saaxiibo leh, wadaad iyo waranlaba af-garan jiray. Waxuu ahaa nin xaaja kasta oo adag kaftan ku gala.

Beryahan dambe waxuu u badnaa dalka oo uu xaas labaad ku guursaday isagoo aaminsan in tafiir cusub uu kaga tago dalka hooyo, taas oo uu Illaahay ka risqay 5 caruur ah iyo hooyadood oo Hargeysa deggan. Cardiff waxuu kaga tegay xaaskii weynaa iyo 3 will iyo 4 hablood oo badankoodu xaas iyo ubad leeyihiin. Dhammaantood iyo reer Cali Gaasba waxaan leeyhay samir ogaada, ducadana badiyaa, oo ku xuso Aabbe duco iyo sadaqad.

Mahdi waxtarkiisa bulsho waxa wehelisay cibaado badan iyo Alle ka cabsi oo salaad iyo xajba aanu yareysan, sadaqqadna aanu marna ka laaban, waxa dabcigiisa ka mid ahaa xidhiidhinta ehelka oo ay ugu horreyso rixinku.

Marxuum Mahdi Cali Gaas waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo
Cardiff UK



No comments: