28 March, 2009

Muddo-kordhinta loo bartay waa in laga gudbo


"Muddo-kordhinta loo bartay waa in laga gudbo, distoorkana labada qodob ee ku saabsan kordhinta Madaxweynaha iyo Wakiillada halaga saaro"Waraysi khaas ah - Garyaqaan Ibraahim Xaashi

XEERARKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND – Buug Cusub oo Xilligan loo BaahnaaLondon (Jam)- Buug cusub oo lagu soo ururiyay dhammaanba xeerarka doorashooyinka iyo kuwa kale ee la xidhiidha ama saamaynta ku leh doorashooyinka, ayaa waxa soo diyaariyey Garyaqaan Ibraahin Xaashi Jaamac, tifaftiraha mareegta somalilandlaw.com.

Buuggan oo ka kooban 264 bog waa laba qaybood – qayb af Ingriisi ah iyo qayb af Soomaali ah. Qaybta af Ingriisiga ah si gaar ahaan ayey tafsiir ugu samaynaysaa qodobadda muhimka ah ee xeerarka iyo distoorkaba, waxanay ka hadlaysaa marxaladihii loo soo maray, sugnaanta nabadgelyada Somaliland, dhismaha golyaasha iyo xildhibaannada la dooranayo, dejinta xeerarka doorashooyinka iyo hirgelinta habka diimuqraadiga ee weli ku gudo jirno.

"Saddexda xeer ee doorashooyinka, distoorka iyo xeerar kale ayaa iyaguna saameeya habka iyo qabashada doorashooyinka. Aniga oo ilaa muddaba ku tarjumay xeerarkaas af Ingriisi, waxay ila noqotay in loo baahan in lagu soo ururiyo buug si hawl yar cid kastaa meel ka wada akhristo.

Buuggan waxa saldhig u ah ka gudubka habkii beelaadka ahaa sagaashaneeyadii Somaliland nabadda iyo dalka dib ugusoo dhistay iyo tallaabooyinkii la soo qaaday si hab doorashooyin guud ku dhisan loo hirgelinlahaa. Aftidii iyo saddexdii doorasho ee la qabtay waxay ahaayeen bilowgii, hadanna waxa innagu soo fool leh dooroashooyinkii labaad madaxtooyada, degaanka oo sannadkan ah iyo kuwii baarlamaanka oo ah sannadka soo socda. Markaas ayey dhammeystirmeysaa marxaladdii qkwaad ee safarkan dheer ee dimuqraadinimadu."

Garyaqaan Ibraahim wuxu ku guubaabiyey dawladda iyo xisbiyada in aanay dib u dhicin doorashada madaxweynaha ee la cayimay, lagana tashado kuwa kale ee xiga ay ugu horreyso kuwii golayaasha degmooyinka, waxaannu aad carrabka ugu adkeeyey, in muddo-kordhinta loo bartay laga gudbo, distoorkuna labada qodob ee ku saabsan kordhinta muddooyinka Madaxweynaha iyo Wakiillada laga saaro lagalana mid dhigo Guurtida iyo golayaasha degmooyinka oo aan la hayn muddo-kordhin, taas oo macnaheedu yahay dawlad ama gole dambe oo isku haleynayaa muddo kordhin ma jirayo, haddii dhibaato timaaddana intaan la ina ictraafin, wadatashi golyaasha oo dhan iyo xisbayadu isku raaceen ayaa lagaga gudbi.

Haddaba, waxa u suurtagashay wariyaha Jamhuuriya Times ee London Khadar Xasan Cali inuu su'aalo buuggan ku saabsan weydiiyo Garyaqaan Ibraahim Xaashi, kuwaas oo u dhacay sidan:

Su'aal: Buuggan hadda internetka ayaa laga helaa ee sidee waddankii aad u gaadhsiinaysaa?

Jawaab: Waxa nuqullo cayiman loogu talogelay haya'daha Somaliland iyo goobjoogayaasha soo saaraya oo qaybinaya ururka Progressio iyo Michael Walls oo ka tirsan Jamacadda Kulliyadda London (UCL) iyo Somaliland Focus, aad iyo aad way taas ku mahadsan yihiin.

S: Ururinta xeerarka Somaliland muddoba waad ka soo shaqeysay, buuggani muxuu soo kordhiyey?

J: Baahi weyn ayeynu u qabnaa ururinta iyo daabacaada xeerarka wadanka. Inkastoo mareegta somalilandlaw aan ku soo ururiyey xeerar badan, waxa loo bahan yahay buuggaag xafiisyada, maxkamadaha iyo meelaha kaleba laga heli karo, waxaan ku guubaabinayaa xukuumadu in ay si deg deg ah u bilowda faafin rasmi ah oo lagu daabco xeerarka iyo dikriitooyinka, kuwii horena in la ururiyo oo la daabaco.

S: Sida aynu la wada socono waxa jira qoddobo door ah oo doorashada la xidhiidha, kuwaasoo muran inta badan ka dhasho fasiraadooda sida qoddobka (23-aad) furashada ururada siyaasiga ah, qodobka 88-aad farqaddiisaa 2aad oo dhigaysa in aan madaxweynuhu xilka kaman karin laba jeer in ka badan?

J: Buuggan iyo xeerarkaba badankooda wax xasaasi ah maaha guud ahaan. Labadan qodob ee aad soo hadalqaaday waa kuwu muran hore uga dhashay, waanan soo hadal-qaaday. Ka 23aad, saameyn weyn buu ku leeyahay xaddidaada tirada xibiyada ee Qod. 9aad dhigayo, waana arrin muhiim ah oo waa in aynu ka fiirsano. Ma jiro wadan habka dimuqraadiyadda iyo xisbiyada qaatay oo sharciyan xadidda tirada xisbiyada oo sifooyin kale ayaa loo maraa si looga taxadiro xisbiyo badan oo qolo, qayb, qalaanqal ama dano gaar ah, goblaysi, takoor, diin-ka-dhaweysi xisbiyadda kale iwm ku dhisan. Weynu isku dayi karna in shantii sannadoodba mar la furo xisbiyada, laakiin waa in aynu xeer ka soo saarnaa sida loo baabi'nayo saddexda xisbi ee jira hadda haddii qaar kale meeshoodii soo galaan, wakiilladoodan iminka u fadhiyana lagu qasbo in ay xisbi kale ku wareegaan haddii aynaan Qod. 9 aad ee distoorka beddellin, waayo dee mar kaste sadex xisbi wax ka badan lama oggola.

Tan Qod.88aad ee ku saabsan Madaxweyne Kaahin, inkastoo lagu kala duwan yahay micnaha kalmadda "qabashada" jagadan oo aan la mid ahayn "u doorashada" jagadan, arrintu waxay isugu soo shubaneysa Qod. 26 (2) aad ee Xeerka Doorashada Madaxweynaha (2001) oo waajib gaar ah saaray Komishanka Doorashooyinku in markay helaan liiska murrashixiinta ay "hubinayaan in murrashaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhammaan shuruudaha u dhigan heerkooda, Murrashaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii soo sharraxey si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimey." Haddii fasiraadda qodob distoori ah mugdi ku jiro, Komishanka waxa waajib ku ah inay fasiraad ka doontaan si degdeg ah Maxkamadda Distooriga ah, haddii kale cid kasta oo arrintani saameyso xaq bay u leeyihiin in Maxkamadda arji kaga cabanayaan Komishanka u gudbiyaan. Waxay ila tahay shakhsiyan, maaanta Somaliland waxa ku habboon in doorashadani waqtigii loo cayimay dhacdo oo haddiiba arrintani muran gasho, waa in si degdeg ah go'aan Maxkamadda ay ka doontaan Komishanku, amase ka hor xubnaha xisbigaas ee arrintani saameyso. Ma aha laakiin, tani in dib-u-dhac keento, waa masuuliyadda hore waxayna saaran tahay xisbi kasta oo inay soo magacaabaan cid buuxisa shuruudaha

S: Ibraahim, maxaad ku talisay in wax laga bedello xeerarka?

J: Talooyin badan oo ku fadhiya kuwii ay soo jeediyeen goob-joogayaasha caalimiga aj ayaa ku jira buugga. Kuwaas waxa ka mid, xeer keliya oo doorashooyinka xukuma, dhammeystirka diimuqraadiyenta, kala-xadeynta gobollada iyo degmooyinka doorashooyinka, qaybinta kuraasta, horumarinta diiwaangelinta iwm.

Buuggani oo elektroonik bilaash ah hadda waxaad ka heli kartaan boggan: http://www.redsea-online.com/index.php



Jamhuuriya Online

No comments: