QAYBTA SADDEXAAD
WAAXDA FULINTA
XUBINTA IAAD
QODOBKA 80AAD
MADAXWEYNAHA lYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta, oo ka gaar ah kana madaxbannaan waaxyaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka.
QODOBKA 81AAD
WAAXDA FULINTA
Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay Ra Rooban tahay:
* Madaxweyne;
* Madaxweyne-ku-xigeen;
* Iyo Golaha Wasiirada ee Madaxweynuhu magacaabo.
QODOBKA 82AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2. Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3. Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.
4. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5. Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid kaleba}.
6. Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7. Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8. Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9. Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo.
QODOBKA 83AAD
HABKA DOORASHADA
1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.
2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.
4 Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.
5. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
QODOBKA 84AAD
DHAARTA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa Iagu dhaarinayaa ka hor intaanay xilka la wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
QODOBKA 85AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA
IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
1. Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.
2. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad mooyaane.
3. Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.
QODOBKA 86AAD
BANNAANAANTA JAGADA IYO HABKA UU
MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE KU-XIGEENKU
XILKA UGA TEGI KARO
Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan:
1. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.
2. Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.
3. Geeri ku timaadda.
4. Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xilka-tegis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.
5. Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan faqradda 4aad ee qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada GoIe in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.
QODOBKA 87AAD
MUSHAHARKA & GUNNADA
Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawadda ee ay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya xeer.
QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA
1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
QODOBKA 89AAD
HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY
1. Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.
2. Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee bo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Kuxigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Kuxigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakuada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda dudmada Golayaasha.
Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka bo magacaabay; isla markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.
3. Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa Madaxweyne-ku-xigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen. Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay, iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.
4. Haddii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Waxaana doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo Iixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay.
XUBINTA 2AAD
QODOBKA 90AAD
AWOODAHA MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:
1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.
2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasurada.
3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:
b. Hanti-dhowraha Guud;
t. Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
j. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawadda;
x. Xisaabiyaha Guud;
kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha;
d. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
r. Danjirayaasha;
s. Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
dh. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.
4. Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander-in-Chief).
5. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay'adaha ku shaqada leh.
6. Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.
7. Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.
8. Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).
9. Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.
10. Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.
11. Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.
12. Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;
13. Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
14. Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.
QODOBKA 91AAD
AWOODAHA MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay;
1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.
2 Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.
3. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-
b. Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.
t. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;
j. Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo
x. Geeri ku timaada.
QODOBKA 92AAD
AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNAHA EE
LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH
1. Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu, waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go'aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go'aan ka gaadhayaan.
2. Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu.
3. Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority)
QODOBKA 93AAD
HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE EE QARANKA
1. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska koowaad ee Qaranka.
2. Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.
3. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka.
XUBINTA 3AAD
QODOBKA 94AAD
GOLAHA WASIIRADA
1. Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go'aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.
2. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.
3. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.
4. Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka.
5. Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka bo dooranayo Golaha Wakiilada.
6. Wasiirka waxa bo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka badan.
7. Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.
8. Lama xidhi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeerilaaliyaha Guud.
QODOBKA 95AAD
SII-HAYNTA XILKA
1. Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka istiqaalad dhiiba ama xilka laga fadhiisiiyo isaga ayaa xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.
2. Waxaa ka reebban muddada uu Wasiirku ama Wasiir-ku-xigeenku sugayo in xilka laga tiriyo inuu cid xil u magacaabo ama heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula gab.
QODOBKA 96AAD
EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA
MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA
IYO WASIIRADA
1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:
b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t. Ku xad gudub Dastuurka.
Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).
2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madaxbannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.
3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.
1 comment:
mashallah love of Quran and hadith will bring us Muslim closer so we have to chose the right path and learn quran and its hadith in the true manner
Post a Comment