Hargeysa.samotalis. Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in aanay Doorashada Madaxtooyada oo lagu waday inay qabsoonto 29 March suurto-gal ahayn inay wakhtigaas dhacdo.
Saraakiisha Komishanku waxay arrintan kaga dhawaaqeen Fadhi ay isku soo hor-fadhiisteen maanta Golaha Wakiilada oo Su'aalo halkaasi su'aalo la xidhiidha arrimaha doorashada ku waydiiyay, kana dhegaystay warbixino iyo xogo ku saabsan xilliga ay ugu talo-galeen inay qabsoonto doorashada Madaxtayadu. ""Komishinka Doorashooyinka Qaranku wuxuu iminka ka soo baxay hawl- dedaal wayn oo ah diiwaan gelintii codbixiyeyaasha. hawshaasi oo aan filayo inay taariikhda wadankeena tiir ka mid ah horumarkiisa ay noqon doonto. Somaliland waxay u ahayd diiwaan-gelintu kolkii labaad wadankan dadkiisu muu ka soocnayn dadka kale. ku dheeraan maayo shacbiga dalku, ku yar iyo ku weynba si laxaadle ayay uga qeyb qaateen, arintaas deeq-bixiyeyaashuna tacab badan bay ku lahaayeen.
Hawsha iminka komishinka u taala ee deeq-bixiyeyaasha iyo hay'addan lacagaha la soo mariyo ee Inter-Peace oo u dhaxaysaa waa in si hufan looga shaqeeyo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee laga soo ururiyay wadanka oo qiyaastii Milyan Iyo Afar Boqol ku dhawaad ah, si caalamiya oo qawaaniinta caalamiga ah ku salaysan oo la isla wada ogyahay looga saaro wixii isdiiwaan-geliyay hal mar wax ka badan, taasi waa diyaar Ha'yado caalamiya ayaa eegaya tayada mishiinada Serfarka" Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md, Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-sweden). Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo yidhi: "Doorashada Somaliland iyo muddaynteedu waa tacab aad u weyn deeq-bixiyeyaashuna kaalin bay ku leeyihiin, ha noqoto inay dhaqaalihii bixiyaan, ha noqoto inaanu ula nimaadno miisaaniyadii doorashada, ha noqoto inaanu heshiis la galno qolyaha lacagtu ay soo marto, taas macnaheedu waa in shuruudaha aasaasiga u ah in lacagta la helo oo ay kow ka tahay in aanu heshiis la galno ciddii lacagtu soo maraysay, iyo in miisaaniyad la isla sameeyo doorashada lagu qabto inta aan deeq-bixiyeyaasha looba tagin."
Waxa kale oo uu sheegay in Dawladu ay balan-qaaday inay bixiso kharashaadka si loo ogaado halka ay wax ku baxayaan. Waxaana uu intaa raaciyay in Deeq-bixiyeyaashu la kulmeen Komishanka iyo Axsaabta Qarankaba. Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiyaha guddida doorashooyin in wixii ku lug leh mudaynta doorashada ay isla eegi doonaan dhinacyada ay khusaysaa.
Gudoomiye ku-xigeenka Komishanka Mr. Cali Bikalo oo isna xog waran siiyay maanta mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa tilmaamay inay jiraan dad dhawr jeer is-diiwaan-geliyay. Hase yeeshee ay haystaan qalab awood buuxda u leh inay soo saaraan dadkaa ku noqnoqday diiwaan-gelinta.
Mr, Axmed Maxamed Xaaji Daahir oo isna ka mid ah Gudida Doorashooyinka ayaa sheegay in aanay ilaa hada hayn wax dhaqaale ah oo ay hawsha ku wadaan, waxaana uu tilmaamay in ilaa ay helaan miisaaniyada aanay jirin wax ay qaban karaan. Isaga oo ku dooday in hawlaha tirada badan ee u yaala ay ka mid tahay sida dalbashada warqadaha codayn ay wakhti qaataan iyo waliba tababarida shaqaalaha, wacyigelinta dadka, isla-markaana aanay suurto gal ahayn in wakhtigan yar ee ay hada haystaan aanay kaga gaadhsiin Karin dhamaystirkan hawlahan baaxada leh.
Gudoomiyaha Komishanka oo ka jawaabayay su'aal uu waydiiyay mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa sheegay in wakhtiga Xagaaga ka hor ay qabanayaan Doorashada oo aanay la sugayn wakhtiga Kulaylaha.
Masuuliyiinta Komishanka oo ay XIldhibaanadu waydiiyeen inay farta ku fiiqaan wakhtiga ay hubaan inay hawluhu ku dhamaystirmi karaan doorashadu ku qabsoomi karto ayaa waxay ku andacoodeen sidan: "Haddii ay yimaadaan xaalado si kastaba ha ku yimaadaane, keeni kara in mudadaa lagu balamay ay doorashadu ku qabsoomi kari waydo, xaaladaas waxa heshiisku odhanayay waxa wada jir uga go'aan qaadanaya Komsihinka Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka. mudada lagu baahi bixi karo waanu ka shiraynaa, markaa wakhti lagu wada qanacsan yahay ayaa la soo saari doonaa. Laakiin muddo aan ku odhanayo waa wakhtigaasi ma jirto balse gacanta ayaa lagu hayaa." Sidaa waxa ku dooday Md. Cali Bikilo oo ka tirsan Saraakiisha Komishanka.
Waxa muuqata in dawladdu tahay tan ka luga jiidaysa in doorashadu xiligeeda dhacdo, iyadoo aan weli soo bandhigin miisaaniyaddii 2009 oo ay ku jiri lahayd kharashka doorashada. Waxa iyana la soo qaadan karaa in Wasaaradda Qorshayntu ku baaqday abaar aan miyiga iyo oday dhaqmeedku sheegin oo uu siyaasadeeyey wasiir Sanyare.
No comments:
Post a Comment