Magaalada Gabiley waxaa ay ku caan baxday amni iyo nabad galyo iyada oo hadii aad gurigaaga oo furan ka seexato aanay jirin cid wax kuu gaysanaysa ama wax kaa xadaysa inkasta oo mararka qaar lagu arki jiray tuug nacas dharka caruurta Xadda oo isla markaaba laga qaban jiray magaaladda iyada oo aad dareemayso inuu ku cusubyahay oo uu meel kale ka yimi.
Tan iyo maalintii uu Madaxwayne Daahir Riyaale kaahin Cafiska ku sii daayay Maxaabiista Jeelasha Somaliland oo ay aad ugu badnaayeen Tuugtii waawaynayd ee Hargeisa ayaa waxaa soo shaac baxaya dhacdooyin iyo falal tuugo oo ku soo badanaya magaalada Gabiley, waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya xalay guribaa la xaday iyo masaajidbaa kabo laga xaday, iyada oo taasi ay Gabiley ku yarayd marka loo eego Magaalooyinka kale ee dalka Somaliland halka ay gaadhsiisnayd tuugaddu.
Waxaa jira tuugada dadka somilada ahi ay sameeyaan inay kala duwantahay ama tuugta laftoodu ay kala iimaan dhawyihiin tusaale ahaan tuugta qaarkood kuma habsaamaan inay wax ka xadaan Meelaha ilaahay lagu caabudo sida Masaajidada halka ay qaar kalena kabaha dadka cibaadaysanaya ka daba qaataan waxaa habeen dhawayd Masaajidka wayn ee Masjidu Nuur ee Caasimada Gobolka Gabiley laga xaday Gabadh ku cibaadaysanaysay
Masaajidkaasi Boorso ay ugu jiraan lacag gaaraysa 50$ oo ay raashin ku soo iibsanaysay iyo Mobile-keedii oo ahaa Nokia 110 nooca loo yaqaano, gabadhaasi oo aan waydiiyay qaabka looga xaday iyada oo salaadii cishaa,I ku jirtay waxay ii sheegtay in ay masaajidka ku tukanayeen laba dumar ah oo kaliya dabadeed iyada oo gudanaysa waajibaadkeedii salaada ayaa waxaa ay maqashay sanqadh ay umalaysay dad tukanaya Salaada ka dib markii ay gashay Sujuuda ayaa Boorsadii oo garab taala ay ka dulqaateen tuug eeganaysay inta ay sujuuda galayso, gabadhii markii ay salaadii ka baxday ayay ambabartay oo ay iska agwayday Boorsadii ay lacagta iyo mobile-ku ugu jireen kadibna dibada ayay ubooday oo hareeraha eegtay cidna way ka wayday.
Gabadhaasi waxa ay noo sheegtay in ay Lacagta bakhaarka ay raashinka ka qaadato usiday oo ay la kulantay wakhtigii salaada oo la xidhay bakhaarkii ka dibnay ay masaajidka uleexatay si ay usoo cibaadaysato dabadeedna ay arintan la kulantay iyada oo is lahayd marka aad salaada ka baxdo ugee bakhaarka lacagta. Waxaa kale oo iyana ku farabadan masaajidada qaar tuugada kabaha xadda oo farabaas ku haya dadka cibaadaysanaya.
Ugu danbayn waxaa maqaalkaygan ku soo koobi lahaa waxaa haboon in shacab iyo dawladba gacan bira la iska qabto tuugadan soo kordhaysa oo loo soo gudbiyo meesha saldhig boolis ugu dhaw hadii aad la kulanto tuugada noocan oo kale ah, Xukuumadana waxaan kula talin lahaa inay fiiro gaar ah uyeeshaan tuugta gaar ahaan kuwa dhibaya ama ceebaynaya Baytka illaahay iyo Muslimiinta gudanaysa waajibaadka Salaada.
Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Gabiley Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment