05 December, 2008

Maxay isu cassileen madaxdii hindiya ee Amaanka.Maxayse isu casiliwaayeen madaxdii amaanka S/land.By ismail abdi jiir.

Waxa ka dhacday Somali lanad 29/10/08, Dhacdo argagixiso oo aad u fool xun, Somali landna ay ka tashandoonto aayaha danbe si aanay u dhicoin dhacdo lamida taas oo kalle, waxna ay ka qabandoonto ciddii ka danbeysey ee smalleegtay dhacdaa foosha xun. Waxa haddaba 26/11/08 waxa ka dhacday dalka hindiya magaalda Munbay dhacdo iyana fool xun. oo geysatay dhimasho iyo dhaawacba. daba adduunwynaha marka Madaxda amaanku hawshooda ay ka gaabshaan ama laga hoos saaro in lagu guuleysto waxyaabo dhaawacaya amaanka deganaansha, xassiloonida mujtamaca ama bulshada, iyo dhismihii dowladnimo.

Dowladuhu way xisaabtamaan wayna is canaantaan wayna is qanciyaansi shacabkii ay masuuliyadda ay u hayeen ay la wadaagaan dareenkooda, ama ay u tusaan in ay hawshaa wax ka qabteen madaxdii arrinkaas ka seexatay ama ay nasiibdaradu ku dhacday oo jaanis u waayey in ay ka hortagaan masiibadaas ay is cassileen oo ay xilkii ka dhaadheceen. Haddaba Is casillidaa madaxda adduunku is casisho yaalla waxa ka danbeeya xukuumadda ay ka tirsanyihiin oo ku dirqida in uu is cassilo jagadana baneeyo,Haddii kalle xilka laga qaadi doono, si markaas ay dowladdu u hesho fursad ay bulshada mar labaad kusoo hor istaagto, una sheegto in ay wax-qabad dhabasamayn doonto.


Haddaba akhristow Sidaas u aragtaa habka ay u waajahday dowladdan somaalillad dhacdaddii 29/10/08, iyo Sababta ay wax uga qaban waydday Madaxdii howshaas ku fashilantay, Sidda Wassiirka arrimaha Guddaha, Madaxa Sirdoonka Soomaalilanad, iyo ciddii kalle ay khusayso. Haddaba inagga oo ah dowladd yar oo aan weeli adduunyadaba ictiraf ka haysannin dhaqaalle baddana aan lahayn, Ayaa haddana waxaynu leenahay Hay'ad Sirdoon oo leh ciidamofara-badan ma la odhankaro Booliska S/land iyo Ciidanka NSStu waabay isleegyihiin ama isku dhowdhowyihhin, Ciidankaas Sirdoonku Boqolkiiba sagaashan ama ( 90 % ), Waxa ay joogaan oo ay ka shaqeeyaan Caassimada Hargeisa, oo ahayd halkii la bartilmaansaday lagana fuliyey weeraradii axmaqnimadda ahaalana ataagay Madaxtooyaddii Dalka Halkaas oo ay ku nafwaayeen Saraakiil, Ciidamo, Siyaasiyiin, Cuqaal, waxgarad waayeel, Marti sharaf, iyo qaybaha kalle ee Bulshada, in baddan oo kallena ku naafoobeen, iyo qaar weeli dhawaaciii cisbitaalada ugu jirra.

Halkaas oo uu farro cidiyo leh ku baxsaday Madaxwaynihii dalka Muddane Daahir Riyaalle Kaahin. Haddaba akhristow Miyeynu Siisan karnaa falkaas intaas leeg ayaanu dowladdu talaabo ku haboon oo ay wax kaga qabanayso gudaheeda Sax iyo khaladba aanay Qaadin, waa arrin layaab leh waa arrin aanay qaaddan karrin muwaadinka reer soomalilad ee horrumarka jeceli. Isku soo wadda xooriyoo ma la odhhan karaa Bulshada reer somalailand welli may baran qaybta ay ku leeyihiin dowladnimadda, Umana arkaan in dowladdu ay ku fadhido rabitaanka bulshada, Shacabka soomalilandna yahay halkii laga dabqaadanayey Ee haddii ay ku saxaana aad shaqadda sii waddan karto haddii ay ku diidaana Xaalkaagu yahay ka lugee, Taas oo sida keliya ee lagga baadbaadi karaa ay tahay is hagaajin muuqata oo Mujtamaca wax u cuntama laga iibiiyo, waayo ma lihin maxay waxani u dhaceen way dhici kartaa dhibaato waayo caddow baynu leenahay laakiinse su;aashu waxa weeye sidee loo waajahay. Waxa dhacday Markii dowladdu aragtay Bulshadda reer s/lanad oo ay kusoo habsatay aafooyin iyo dhibaato aad u xun oo lahaa xasuuq iyo bara kac, wlligoodna dowlad madaxa kagga fadhiisata oo siday doonto yeesha mooyaane aanay arag dowlad ku shaqaysa rabitaanka Bulshada, Ayaa waxay keentay In bulshaddii reer Somaliland ay noqoto Bulsho aan la xisaabtamin dowladooda.

Taas oo keentay in dowladuna Jaaniskaa ay ka faa iddeysato oo ay sideydoonto yeesho. Haddaba waxaan ku boorinyaa Bulsha weynta reer somalilad in ay samirkooda iyo dulqaadkooda ay sii xoojiyaan, indhahana ay ku hayyaan cid kasta oo waddanka ka dhalinaysa dhibaato ama amaam darro, Waxaanad ogaataan in dowladda maanta jirtaana ay ku fadhiddo rabitaankiina ama foodka muwaadinka,ta kalle ee Timaaddana ay ku imanayso rabitaanka Bulshada iyo foodkiina. Sidaas darteed Bulsha reer soomali lanad xaq ayey u leeyihiin in ay la xisaabtamanaan Dowladda maanta jirta iyo Midda soo socota laftigeeda, Markastana dowladdu waa inay tix gelisaa Dastuurka Somaliland, iyo awaamiirtiisa siiba xeerarka kala danbeynta, ama wadda shaqaynta qaybaha dawladdu ka koobantahay Sidda Maxkamadda, Hanti.dhowrka,

Baarlamanka, Guurtidda, Komiishanka, iyo Xisbiyadda, oo dhamaantood ah Astaanta Qaranka S/land. Waxaan illaahay inooga baryayaa in somaliland ku guulaysto Ahmiyadeeda, hawlahha diwaangellintuna inoogu dhamaadaan si wanaagsan, si aynu u qabsano doorashooyinkeenii sanadka danbe, Tubtii aaynu haynana aaynu xaqiijino inaan ciddana inaga weecin karrin. Aamin. Wa bilaahi towfiiq.

Ismail Abdi jiir. London.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: