04 December, 2008

Kabaweyne Oo Iska Difaacay Fadeexado Musuq-Maasuq Oo Uu Lacag Ku Lunsaday

Maxamed Ismaaciil (Kabaweyne) ayaa shalay shirjaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay ku daadafeeyey in uu lunsaday xadi lacageed oo dhan $17,000 oo dollar (Toddoba iyo toban kun ) taas oo u ku soo baxday wargeyska Haatuf cadadkisii 1902 ee soo baxay arbacadii shalay.
Haseyeeshee Maxamed Ismaaciil (Kaba-weyne) isaga oo daba socda warkaasi Haatuf ku soo baxay ayaa waxa ku tilmaamay mid been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Isagoo oo sheegay in ay arintan caadi ka dhigteen qaar ka mid ah warbaahintu, Mr:Kabaweyne isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “ shirka aan maanta anigu idinku yeedhay waxa weeyi, waayahan dambe waxa dhacday in warbaahinta qaarkood inay fadeeexad ka sheekeeyaan oo lacag la dhacay oo guddoomiyuhu ka dhacay komishanka oo maalin walba ku soo qora fadeexad musuqmaasuq oo hadhaysay hogaanka Komishanka doorashooyinka.
Arintaas oo aanu ka aamusnay oo aanu iska xishoonay oo ay arintaasi tahay arin sal iyo raad lahayn, meeshana waxa xukuma oo jooga komishan iyo dad u qaabilsan maamulka oo agaasime leh oo xisaabaad leh.
Arintaasi meel ay ka timid ma garanayo oo sal iyo raad toona ma leh , komishankana ma yidhaahdo ee waxa uu yidhaa Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) ayaa 77-kun qaatay ayuu yidhaa, maalintii ilaahay soo goyana wuu ku soo celceliyaa.

Bal in arintaasi hadday jirto komishankiina wuu joogaaye maamulkana wuu joogaaye fadeexadaa musuq-maasuq lacagta ah ee ay meel walba galiyey ilaa bogaga internetka waa kuwaase hala waydiiyo oo nin waliba ka waraysta arintaa wixii ka jira. Ta kale qofku ma shaqayn karayo haddii warbaahintu qofka lugaha goynayso waxaanu ka shaqaynaa halka 6 subaximo ilaa 8 fiidnimo, waxaanu u shaqaynaynaa Qaranka , haddii saxaafadu dadka boqnaha jarayso oo ceeb u samaynayso, anigu ma karayno..”

Intaa ka dib waxa isna halkaas shirkaasi jaraa’id ka hadlay agaasimaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Cabdiraxmaan (Ilka case) oo isna xoojiyey beeninta eedaynta gudoomiyaha, isla markaana ka markhaati furay in aanay waxba ka jirin eedaha iyo fadeexada Musuq-maasuq ee u daabacay wargeyska

Haatuf.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: