03 December, 2008

Fadeexado Musuq-Maasuq Oo Hadheeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka

Fadeexado Musuq-Maasuq Oo Hadheeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, December 3, 2008 (Haatuf) – Waxa toddobaadyadan dambe soo ifbaxayey warar ku saabsan fadeexado musuq-maasuq oo uu masuul ka yahay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, kaas oo la sheegay inuu lunsaday tobanaan kun oo dollar oo ay lahayd hay’adda Komishanka Doorashooyinka Qaranku.
Siday noo sheegeen ilo ku dhawdhaw Komishanku, gudoomiyaha Kabaweyne lacagaha uu lunsaday waxa ka mid ah $17 kun oo dollar oo uu ku andacooday inay ku baxeen hawlo degdeg ah oo Komishanka la soo kulmay xiligii ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka socotay gobolka Saaxil.

Hase yeeshee gudoomiyaha Komishanku waxa uu ku fashilmay in uu soo bandhigo xisaab-celin macquul ah oo uu ku caddeynayo habkii iyo cidihii uu kharashkaasi ku baxay, waxaanay ilo ka tirsan Komishanku ay sheegeen in ay jiraan lacago kale oo la tuhunsan yahay in uu Kabaweyne lunsaday.

Ilahaasi waxay intaasi ku dareen in lacagaha ku maqan Kabaweyne laga isticmaalay miisaaniyaddii ay deeq-bixiyeyaashu ugu deeqeen Komishanka Doorashooyinka. Arrimaha musuq-maasuqa ka sakow waxa kale oo gudoomiyaha Komishanka lagu dhaliilaa in aanu lahayn kartidii hoggaamineed iyo waayo-aragnimadii maamul ee uu ku kala socodsiin kari lahaa hawlaha ballaadhan ee uu komishanku u xilsaaran yahay in uu qabto

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: