01 December, 2008

“Dad Ay Culimadeena Waaweyn Ka Mid Tahay Ayaa Carruurtoodii Kismaayo Iyo Xamar Ku Maqan Yihiin… Waxaanan Aaminsannahay Dadkii Falkan Fuliyay Inagaa U



“Dad Ay Culimadeena Waaweyn Ka Mid Tahay Ayaa Carruurtoodii Kismaayo Iyo Xamar Ku Maqan Yihiin… Waxaanan Aaminsannahay Dadkii Falkan Fuliyay Inagaa U Badnayn”
Madaxweyne Riyaale- shir jaraaid.

Hargeysa, December 1, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Somalililand, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa shalay markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay weerarkii is-qarxinta ahaa ee 29-kii October 2008 lala beegsaday saddex goobood oo Hargeysa ku yaal, waxaanu sheegay in dadkii fuliyay weerarkaas ay intooda badan ahaayeen dad u dhashay Somaliland oo ay isticmaaleen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isagoo dhinaca kalena digniin u jeediyay qaar ka mid ah Culimada waaweyne oo aanu magac-dhabin balse uu sheegay inay carruurtoodii ay joogaan Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo hadalka Madaxweynuhu ka duwanaa warbixintii uu wasiirka Daakhiligu maalmo ka hor siiyey warbaahinta, taas oo uu ku sheegay in kooxdii fulisay weerarka argagixisada ahi ay u badnaayeen dad u dhashay Koonfurta Somalia.

Madaxweyne Riyaale oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada oo ka mid ahaa goobihii weeraradaas argagixiso 29-kii October lala beegsaday, ayaa waxa kale oo ku sheegay in weeraradan u dambeeyay iyo kuwo hore oo dalkan lagu soo qaadayba ay ahaayeen kuwo yool looga dhigtay in lagu waxyeeleeyo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, iyadoo lagala dagaalamayo inay noqoto dawlad, sidaas darteed wuxuu ummadda Somaliland u soo jeediyay in si wada-jir ah xukuumad iyo shacabba gacmaha laysu qabsado sidii qaranimada iyo jiritaanka Somaliland loo difaaci lahaa, isagoo xusay Madaxweynuhu in ay xukuumad ahaan sameynayaan ciidamo gaar ah oo la dagaalama argagixisada, kuwaas oo si gaar ah loo tababari doono. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne sheegay inay xukuumad ahaan diyaareen xeerkii lagula dagaalami lahaa argagixisada dhowaana ay goleyaasha Baarlamaanka u gudbin doonaan si ay u ansixiyaan.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Riyaale shirkiisa jaraa’id kaga hadlay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee maanta ka bilaabmaysa gobolka Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay waxyaabaha horumarka ah ee ay kooxaha cadowga ku ah Somaliland yoolka ka dhigteen, sidaas darteed waxa uu shacbiga u soo jeediyay in qofkastaaba u hawl-galo sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada si ay diiwaangelintu u noqoto mid hirgasha.
Hase yeeshee Madaxweyne Riyaale oo shirkaas jaraa’id hadal dheer ka jeediyay isla markaana ka cudur-daartay in wax su’aalo ah la weydiiyo, ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray eheladii dadkii dhacdadii weeraradii argagixiso ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Maanta waxaan jecelahay inaan si kooban uga hadlo dhacdadii halkan ka dhacday iyo diiwaangelinta oo ah hawl muhiim ah oo gobolka Hargeysa ka bilaabmaysa. Marka ugu horeysa waxaan tacsi u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadkii falkaa waxashnimada ah ee 29-kii October dalkeena lagu soo qaaday ee lagu beegsaday Madaxtooyada, Xafiiska Itoobiya iyo UNDP, Illaahayna waxaan uga baryayaa kuwii dhaawacu ka soo gaadhay inuu Illaahay caafimaad siiyo, kuwii ku dhintayna Alle u naxariisto,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ka waramay falal wakhtiyo kala duwan ka dhacay dalka kuwaas oo qaar ka mid ah lagu dilay dad ajnebi ah oo Somaliland ka waday hawlo samo-fal, isagoo falalkaas ku tilmaamay kuwo argagixiso lagu khalkhal gelinayay qaranimada Somailand.

Waxaanu yidhi: “Waxaa lagama maarmaan ah inaan is xusuusino imisa fal ayey argagixisadu ku soo qaaday Somaliland, kii ugu horeeyay wuxuu ahaa baabuurkii WFP ee la afduubay 19 bishii Sagaalaad (September) 2002, wuxuu ka mid ahaa falalka argagixisada ah ee lagu soo qaaday Somaliland. Waxa kale oo ka mid ahaa falalkii argagixiso ee lagu soo qaaday Somaliland, Nin Martin la odhan jiray oo Hotelka Star lagu dilay 30 December 2002, Analena Toneli, gabadhii Nurse-ta ahayd ee Boorama lagu dilay 5-tii bishii October 2003. Waxa ku xigay 22 November 2003 falkii lagu dhacay lacagtii Wajaale oo ninkii shalay qiranayay ee annaa ka dambeeyay wax lahaa ina Cabdi Godane uu madax ka ahaa. Waxa ku xigay falkii lagu dilay gabadhii Kenyaanka ahaa 19 bishii March 2004, oo Diin-qal laga fuliyay. Waxa xigay hawl-galkii la doonayay in wax lagu yeelo doorashadeenii Baarlamaanka ee 22-kii September 2005. Waxaas oo dhami waxay ahaayeen falal argagixiso oo lagu beegsanaayey in Somaliland lagu khalkhal geliyo, maadaama ummaddani dedaal badan samaysay oo kuwa sheegta Al-Shabaab – anigu Al-Shayaadiin baan u aqaanaaye – ay rabaan inay Somaliland kala mid dhigaan meelahaa [Somalia, iwm] waxyaabaha ka dhacaaya. Waxaan xusuustaa berigii u horeysay ee lamaanihii Sheekh iyo Analena la dilay oo ahayd 2003 inaan idhi falalkaasi waa argagixiso, oo dadku aniga ila yaabanaayeen oo ay lahaayeen maxaa dalkeena argagixiso loogu sheegayaa, waayo qofku hadduu iska dilayo dad bina aadam ah oo waxba geysan magac kale oo markaa lagu sheegi karo oo aan argagixiso ahayn run ahaantii ma jiro.”

Madaxweynuhu isagoo cudur-daar u samaynaya sababta ay xukuumaddu weerarka noocan oo kale ah u ogaan wayday ama uga hortagi wayday waxa uu yidhi: “Adduunka waad ogaydeen saddexdii maalmood ee u dambeysay Mumbai wixii ka socday, Maraykan tii ku dhacday waad ogeydeen 11 September, maxaa laga qabtay. Waxaa lays weydiiyaa mar-marka qaarkood waar waxan dhacaaya maxaa wax looga qaban waayay? Su’aalahaas waxa laga yaabaa inay dadkeena ku soo noqnoqdaan. Markii la qiimeeyay xaaladaha dhacaaya, waxa lagu qiimeeyay waxan mala ogaan kari waayay, maxaa looga hortagi waayay. Waa waxaan ku soo dhici karayn maskaxda bina aadamka waxyaabaha noocaas ahi inay dhacayaan, Maraykan oo kale diyaaradahoodu inay duulaan oo magaalooyinkooda galaan dee wax maskaxda Maraykanka ku soo dhici kara ma ahayn” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale, waxaanu intaa raaciyay “Waxaanu ku dedaali doonaa xukuumad ahaan bal in aqoonta ciidamada Amniga kor loo qaado, si ay baraarug u yeeshaan lagaga hortago dhacdooyinka. Tii xiligii doorashadii baarlamaankeena nasiib wanaag waxaa suurta-gashay inaynu sii ogaano oo laga sii hawl-galay, waxa la sii ogaadana waa laga hortagi karaa, laakiin waxaan la sii ogaan dhibaatadiisay yeelanaysaa in laga hortago.”

Daahir Riyaale isagoo ka hadlaya baadhistii weeraradii ugu dambeeyay iyo cidda weerarkaas ka dambaysay waxa uu yidhi: “Baadhistii meel fiican bay maraysaa, wax alla waxaa fal dhacay, way ku jireen dad shisheeye ahi, inagaa mar kasta u badnayn, dadka samaynayay, dad inaga ah oo la duufsaday oo quraankaa Shaydaanka ee diinta Islaamka aan ku jirin loo akhriyay ayaa falalkaa inta badan adeegsada. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gudin yahay imaad goyseen haddaan badhkay kugu jirin. Ninka is-qarxiyay ee Hargeysa inoogu yimid haddaan inagu qarinayn oo aynaan allaabta u soo ururinayn, dee may dhici karteen inuu inagu qarxo. Waxaa markaa loo baahan yahay Shacbiga Somaliland inaan kuligeen soo wada jeedno, kuligeen Bileys wada noqono oo waxyaabahan caalamka ka dhacaaya aan aragti mid ah oo wadaniyad ah anigoo aad ugu amaanaya shacbiga Somaliland inay markastaba aragtidaa leeyihiin oo markastaba falal dhacaayay ay gacan ka geysanayeen. Markaa waxaan soo jeedinayaa maanta inaan baraarugeenaa ku ka weyn qaadano.”

Madaxweyne Riyaale wuxuu sheegay inaan weeraradani ahayn kuwo loola jeedo isaga [Madaxweyne Riyaale] shakhsi aha iyo qofka kale toona, balse waxa uu ujeedada laga leeyahay weeraradan ku tilmaamay kuwo lagu diidan yahay in Somaliland dawlad noqoto, waxaanu yidhi: “Wakhtiyadaa ay dhacayeen falalkani waxay ahayd wakhtigii doorashadii ugu horeysay ee dawladaha hoose aynu samaynay, yacnii waxa la inoo diidayaa inaynu dawlad noqono oo la inagala dagaalamayaa, waayo falalkaas oo dhami waxay dhaceen wakhtiyadii aynu bilownay doorashooyinka, dawladaha hoose 2002, tii Madaxtooyada 2003. Waxaan xusuustaa berigii aan Ingiriiska tegaayay 2004, 13-kii March baan halkan ka baxay, anigoo habeenkaa Addis Ababa maraaya ayaa la ii sheegay in xabaalaha Ingiriiskii dagaalkii IIaad ee adduunka ku aasan yihiin in la jajabiyey. Maalinta Diin-qal loo galay ee lagu dilay qolada GTZ waxay ahayd maalintii aan Baarlamaanka Ingiriiska ka hadlayey. Markaa waad garan-karaysay inaynu taarget nahay oo dagaal inagu socdo loola jeedo qarannimadeenada iyo jiritaankeena, maahin dagaal loola jeedo aniga oo shakhsi ah ama qof kale oo shakhsi ah ee waa dagaal loola jeedo Somaliland iyo qaranimadeeda, taasna waxaan u soo jeedanayaa shacbiga oo aan halkan (warbaahinta) u marinayaa inay sidaa u ogaadaan.”

Madaxweyne Riyaale waxa kale oo uu sheegay inay jiraan carruur reer Somaliland ah oo magaalooyinka dalka ay ka kaxeeyeen hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab, sidaas darteedna waxa uu digniin u jeediyay dad uu sheegay inay ka mid yihiin Culimada waaweyn ee Somaliland oo qaarkood carruurtoodii ku maqan yihiin Kismaayo iyo Muqdisho, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Waxa muuqata oo jirta oo aan maanta inaga qarsoonayn carruurteenii oo magaalo kasta laga kaxeeyay, inamadaa Shayaadiinta inaga noqday ee Koonfurta jooga – Afgaanistaani iyo Ina Cabdi Godane ay madaxda ka yihiin ayaa carruurteena halkan ka kaxeeya oo la lu’gooyaa oo qaarna halkaas ku dhintaan, qaarna laynoo soo tababaraa oo laynoo soo celiyaa.
Waxa muuqata oo halkan aan jecelahay inaan fariintan ka gudbiyo inay dad waaweyn oo xitaa Culimadeenaa waaweyn ay ku jiraan carruurtoodii qaarkood Kismaayo iyo Xamar-taa ku maqan yihiin, ma odhan karo iyagaa diray, laakiin way ka baxsadeen, waxaan leeyahay yeesha geesnimo aad dawladda ku soo gaadhsiisaan, haddaad u yeelan waydaan iyo ninkii soo sheegi waaya waxaanu u qaadanaynaa inaad raali ka tihiin.”

Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay sidii looga hortagi lahaa weeraro dambe oo noocan oo kale ah waxa uu yidhi: “Waxa kale oo aan halkan idiinka sheegayaa inaan beesha Caalamka u gudbiyey baaq iyo inay taageero inaga siiyaan sidii aan ula dagaalami lahayn cadowgan bina aadamka – waa cadow bina aadam baan odhan karaa ee waa cadow cid gaar ah haysta ma odhan karo – maanta caalamku cadow isku mid ah buu yeeshay, haddii awal la kala duduwanaa, in alla inta cadowgaas aanu iskaga mid nahayna waxaanu diyaar u nahay inaanu wax la qabsano. Waxaanu rajaynaynaa in ciidan gaar ah loo sameeyo oo si gaar ah loo tababaro si loola dagaalamo waxaa argagixisada iyo Shayaadiinta noqday. Qaranka Somaliland in ciidan ciidamadaas ka mid ah oo si gaar ah loo tababaro uu jiro oo ay ka jawaabaan waxa dhaca markiiba.

Waxa kale oo aanu diyaarinay sida dastuurkeenu qorayo qodobka 10aad, faqradiisa 7aad, in argagixisada nooc kasta oo ay tahayba aan la dagaalano, sharcigii argagixisada lagula dagaalamayayna waanu diyaarinay, golaha Baarlamaankana waanu u gudbin doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, waayo waa in sifo sharci ah lagula dagaalamaa waxan ka socda oo shareecadeena iyo distoorkeenaba ku fadhiya, kaasna si degdeg ah baanu golayaasha qaranka ugu gudbin doonaa, si looga hortago oo helo cid kasta oo gacan siisa wax looga qaban karo. Waxaa had iyo jeer inagu badan waa tol iyo ilmaadeer miidhan, nin isku kaa qarxinayaa horta tol kulama aha, waa inay kala baxdaa, tol ninka aan nahay waa ninka ogol Somaliland inay jirto, waa ninka ogol in dadka Somaliland nabadgalo, waa ninka ogol nabad inaan ku noolaano, horumarna ku naaloono. Ka inaga soo horjeedaa tol inooma aha inala qolona maaha ee dhammaanteen inagoo meel uga soo wada jeedna waa inaynu la dagaalano, waxaanan aaminsannahay oo aan kalsooni ku qabaa ummadda reer Somaliland ka guulaysan doonto cadow kasta oo isku daya inuu soo maleego tabahaas.”

Waxa kale oo uu Daahir Riyaale markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in weeraradii 29-kii October uu ku lug lahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, magaciisana la yidhaahdo Maxamuud M. Nuur (Faruur) kaas oo isaga hore xabsiga looga sii daayay kadib markii Maxkamadda gobolka Hargeysa ay sheegtay inay ku wayday dacwadii loo haystay oo ahayd inuu ka qayb-qaatay weeraro la fashiliyey oo la doonayay in laga fuliyo dalka ka hor doorashooyinkii Baarlamaanka sannadkii 2005, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne xusay inuu aaminsan yahay in dadka fuliyay falkani ay u badnaayeen reer Somaliland, waxaanu yidhi:

“Baadhista waxaa ka hadlay baan filayaa wasiirka [Daakhiliga] waxaanse anigu aaminsannahay way soo bixi doonaan markasta dadka falka fuliyay inagaa u badnaanayna, cidda kalena waa dad inagu soo gabbaday oo inagu aynu qarinay, taas baan aaminsannahay wayna soo bixi doontaa. Waxaanan aaminsannahay marka ay shuruucdaasi soo baxaan in waxyaabo badan oo indhaha laga lalinaayay… Waxa ku jira ragga tuhunku uu saaran yahay hadda rag laga sii daayay Maxkamadda markii argagixisada lagu qaaday, M. M. Nuur (Faruur) oo reer Burco ahaa oo ay Maxkamaddu berigaa tidhi kiis laguma hayo, waa ninka gobolada dhexe joogay ee soo gudbinaayey raggan qaraxa samaynaayey oo u dhashay dadkeena, qaar badan oo inoo fadhiya baa jira, laakiin baadhistu cid gaar ah annagu calaamadsan mayno, cidii dambigu noo galo uun bay noqon doontaa in la daba-galo.”

Dhinaca kale waxa uu Madaxweyne Riyaale mahadnaq u jeediyay dawladda iyo Madaxweynaha Djibouti oo uu sheegay inuu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee isla maalintii falkani dhacay soo tacsiyadeeyay, waxaanu yidhi: “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa dawladda iyo Madaxweynaha Djibouti oo run ahaantii dhaawaceeniina gacan ka geystay, ahaana Madaxweynaha markii u horeysay telefoon igula soo hadlay isla galabtiiba, ballana qaaday inuu wax badan ka tari doono. Waxa kale oo aan halkan mahad uga celinayaa dhamaan dalalka caalamka intooda badan oo tacsi ka soo diray waxa inagu dhacay.”
Waxa kale oo uu Madaxweyne Riyaale ka hadlay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee maanta ka bilaabmaysa gobolka Hargeysa, waxaanu ugu baaqay shacbigu inay ka qayb-qaataan isla markaana nabadgelayda qof waliba dhinaciisa ka ilaaliyo.
“Ta kale aan jecelahay inaan ka hadlo waxay tahay arrintan Diiwaangelinta, ka mid bay ahayd waxyaabaha taarget-ka laynooga dhigtay, waayo maalin marxadba marxalad tii ka horumarsan baan ku tallaabsanaynaa, shalay doorasho caadi ah baan galnay, maantana tu ka weyn oo diiwaangelin ah iyo ID Card inay Somaliland markii u horeysay yeelato, jinsiyadeeda la xaqiijiyo ayay noqotay, markaa waa dagaal ujeedo badan ah waxaa halkaa inagaga socdaa.

Waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland maanta weliba gobolka Hargeysa diiwaangelintaa inaan dhammaanteen Bileys ka noqono ilaalino oo aan u shaqayno inay sida ugu wanaagsan uga dhacdo, oo aynu cadowgeena tusno inaynu nahay ummad qadiyadeeda ku adag oo aan liicliici karin, lana hadadi karin oo aan wadadooda ka leexanayn inaynu nahay, taas ayaan shacbiga u soo jeedinayaa inay muujiyaan, iyadoo ciidanka Bileyska iyo dadweynahaba la abaabulay sidii ay uga shaqayn lahaayeen ee ay uga midho-dhalin lahayn ujeedadeena, waana markii u horeysay ee dalka intiisa doorashadu ka dhici doonto, markaa taariikh cusub baynu gelaynaa, cadowgeenu ma yara, shaydaan oo dhan baa isa soo huwanaya, markaa kuligeen inaan indhaheena furno, baraarug samayno, wadaniyadeenana in kor loo qaado ayaa loo baahan yahay. Dhibaato kastana waxaan aaminsannahay inaan geesinimo, dedaal iyo isku duubnaan kaga gudubno shacab iyo xukuumad-ba haddii Illaahay yidhaahdo. Waxaan ku boorinayaa dhammaan dawladda, axsaabta qaranka, shacbi weynaha inaan suurto-gal ka dhigno inaan la shaqayno qoladaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay meel-mar u noqoto hawshaa maanta inoo socota.”

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweyne Riyaale ugu baaqay Qaramada Midoobay inay ka noqoto go’aankeedii ay hoos ugu dhigtay derejada afraad heerka ammaanka Somaliland, isagoo sheegay in arrintaas ay ashkato ka gudbiyeen isla markaana ay hadda arrintaas u maqan yihiin wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta, waxaanu yidhi: “Waxaa hadda ku maqan dalalka Jaarka aynu nahay ilaa Kenya wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda, iyadoo aan u diray waad maqlayseen wasiirka Qorsheyntu inuu sheegay in heerkii ammaanka Somaliland-ba hoos loo dhigay, waa arrin layaab leh, marka hore ayaanuba dulmi ku qabnaa ayaan leeyahay heerkaa ay UN-tu ku qiimaysay Somaliland, arrintaasina waa arrin aanu ka dacwiyeyno, arrin aanu aqbali doonana maaha. Dalal badan oo ka nabadgelyo daran Somaliland oo ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Afganistaan ayay UNDP fadhiyaan oo aanay ka tegin, waxaa isweydiin leh maxay kuwaas u joogaan ee Somaliland-na hoos ugu dhigayaan heerkeeda? Waxaanu balanqaadi doonaa xukuumad ahaan dadka inoo martida ah sida Itoobiya, UNDP iyo ajnebiga kale ee dalkeena maal-gashanaya inaanu amnigooda xoojino, xil dheeraad ah oo kii hore oo toban jibaar ah inaanu iska saarno.

Waxaanu ugu baaqaynaa UN-tu inay ka noqoto go’aankaas oo aan isleeyahay waa go’aan aan laga fiirsan, kuna dhisnayn xaqaa’iq, oo arrintan oo kale xaruntooda New York bay ka dhacday oo diyaarado lagu weeraray, markaa ma qabo sabab Somaliland si gaar ah loola macaamilo. Idinka [Saxaafadda] laftiina aad baan idiinku ammaanayaa dagaalka dhinaciina ayaad kaga jirtaan oo dagaalkaasi waa mid aynu ku wada jirno, dagaal maaha cid gaara loola jeedo, waxaanan idiin sheegayaa inaynu hiil u heli doono arrinteena, “Ruba daalatin naafica” wax dhibaato laguula jeeday in Illaahay kheyr kaleba ka soo saaro ayaa suurto-gal, maantana su’aalo kuma talo-gelin ee fariintaas uun inaan gudbiyo ayaan doonayay.”

source; Haatuf

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: