27 November, 2008

Somaliland oo shaacisay ciddii ka dambaysay qaraxyadii 29ka October


hadhwanaag 2008-11-27 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xukuummada Somaliland ayaa markii ugu horeysay si rasmiya ugu dhawaaqday natiijadii ka soo baxday baadhista qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee Hargeysa ka dhacay 29 October 2008.isla markaa uu farta ku fiiqday inay ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.


Sida waxa sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [C/laahi Cirro] oo Shirjaraa’id ku qabtay maanta xafiiskiisa. Wasiirku waxa uu daaha ka feyday in dadkii isku qarxiyey sadexdii meelood ee kala ahaa Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsiga Dawlada Ethiopia ku lahayd Somaliland, iyo Xarunta hay’ada horumarinta u qaabilsan qaramada midoobay ee UNDP inay isku qarxiyeen dad uu ku sheegay inay dhamaayeen lix qof oo mid ka mid ahi uu u dhashay Somaliland. Isla markaana ay u xidhan yihiin dhowr iyo toban qof oo si weyn loogu tuhunsan-yahay inay gacan ka geysteen qaraxyadaasi. “Dhacdadii dhacday 29 October ee dhimashada,dhaawaca, iyo khasaarahaba geysatay ee Dawlada Somaliland gil-gilshay waxa laga jooga maanta sagaal iyo labaatan cisho, markaa sagaal iyo labaatanka cisho ee gacanta lagu hayey baadhisteedi si xaqiiqada loo ogaado” ayuu yidhi Wasiirku Cabdilaahi Cirro. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey


“Iyada oo ay weli baadhisteedi socoto oo ay natiijada u danbeysa ay maxkamadu leedahay ayaan doonayaa maanta inaan idiin iftiimiyo oo ummada u sheegno, in badan ayey dhegtu taagnayd.”Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ku eedeeyey in qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Hargeysa 29 bishii hore ay ka danbeeyeen Kooxda Al-shabaab, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Weerarkii maalintii dhaweyd [29 october] halkaasi ka dhacay ciddii ka danbeysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawlgalka fulisay kuwii dhintay iyo kuwa noolba meelkastaa oo ay joogaan-ba waxa weeyaan Ururka la yidhaahdo Al-shabaab.”Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Wasiirku intaa ku daray hadalkiisa oo uu yidhi


“Kooxda Al-shaabab markii ugu horeysay ee ay Somaliland soo weerarto maaha, waxay soo weerartay marar badan oo is-daba jooga weerarkii ugu horeeyey waxa uu dhacay 19/9/2000, waxay afduubeen gaadhi ay lahayd WFP, kooxdii Afduubtay waxa madax ka ahaa Nin-kii la odhan jiray Kuutiye ee kooxdii Dhoqoshayna watay waxa ku xigay dilkii nin la odhan jiray Martin oo 30 Dec 2002 ee Huteel Star horteeda ka dhacay, waxa ku xigay dilkii dhacay 05/10 2003 oo Boorme ka dhacay oo Alaneli tonelli, waxa ku xigay dilkii lamaanihii sheikh oo isaguna dhacay 8 November 2003, waxa ku xigay dhacdadi lacagta ahayd ee Wajaale laga dhacay ee 22 Novenber 2003, waxa ku xigay dilkii gabadhii Sawaaxiliyada ahayd ee lagu dilay tuulada la yidhaahdo Diin-qal 19/3/2004.


”“Waxa ku xigay miino aad u fara badnayd oo lagu qabtay Hargeysa 27 April 2006, waxa ku xigay hawlgal balaadhnaa oo lala doonayey joob-joogayaashi doorashadii Barlamaanka oo Xamar laga soo abaabulay oo nimanka Al-shabab Madaxda ka ah gaar ahaan Marxuum Aadan Xaashi Caydhow iyo Ninka layidhaahdo Axmed Cabdi Godone, Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen kaasina waxa uu dhacay 22 September 2005, waxa kooxda madax u ahaa Axmed Cabdi- Godane waagaas ayuu ka baxsaday Somaliland intii ka danbeysayna Waa Madaxda Sare ee Al-shabaab”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Cirro.


Md. Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayey cidda uu u nisbaynayo inay ka danbeeyeen dhacdadii is-miidaaminta ahayd ee ka dhacday Somaliland 20 October 2008, waxa uu yidhi “Kiiskan isaga ahna isaga [Axmed Cabdi Godane] iyo Mukhtaar Al Mansoor [Mukhtaar Roobow] labadoodaasi ayaa kiiska abaabulkooda lahaa, halkan ninka isaguna abaabulaha koowaad ka ahaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Green Card mareykan ah sita inuu sax ahaa iyo in kale mooyaane Baasa-boor Soomaali ahna laba jeer kaga soo degay marna Airport-ka Hargeysa kaga dhoofay labada goor-ba Baasa-boorku waa isla kii hasayeeshee, Magaca ayaa kala bedelen, marna waxa u qoran Cabdilaahi Guutaale, marna waxa u qoran Axmed Muuse iyo Nin-kale oo la yidhaahdo Nuur Sheekh Muxumed oo baxsaday iyo nimanka imika arrintan u xidhan oo markaan maxkamada u gudbino aad xaqiiqdooda ogaan doontaan”


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Cirro waxa uu sheegay inuu ummada reer Somaliland uu u cadeynayo hadii ay yihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha in Cadowga kowaad ee Somaliland yahay Al-shabaab. Isla markaana kiiskan ay maxkamadu cadeyn doonto.


“Cadowga Somaliland ee ilaa maalinta hore ilaa maanta waxa kiisas ah ee is-daba jooga ah cidda ka masuulka ah ee aan caalamkana u sheegaynaa, ummada Somaliland-na aanu u sheegaynaa ee aanu leenahay waa cadowgiina 1-aad ee ogaada Waa Al-shabaab , iyaaga Madax ka ah maalintii dhawayd markii ay arrintani dhacday waxa uu ina Cabdi- Godane ku khudbadeeyey Waajibaad ayaa la soo gutay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen, waxa isaguna ku jiray Xasan Turki”ayuu yidhi. Mar Wasiirka la weydiiyey Su’aal ahayd, Cidda Is-qarxisay, iyo tiradooda? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Cidda Is-qarxisay ee aan ilaa imika haynaa waa 6 nin, lixdaa nin ilaa imika laba qof ayaanu aqoonsanay haybtoodi, lixdaa nin mid ayaa ka reer Somaliland ah shanka kale waxay ahaayeen reer Koonfureed”
Mustafe-janaale
source:Hadhwanaagnews.com
Reporter Hadhwanaagnews.com

Hargeysa Somaliland





No comments: