16 November, 2008

Layskuma hayo xisbiga Kulmiye inuu yahay ‘isbadal doon’, balse ma keeni karaa Isbadalkaas uu doonayo, oo ma yahay ‘isbadal keen’…?.

Anigoo su’aashaas maskaxda ku haya ayaan markii ugu horreysay tegay magaalada ‘Cardif’ ee dalkan UK. Isla mar ahaantaana markii ugu horreysay (the first time ever) an ka qayb galay shir Kulmiye leeyahay. (1). Kulmiye Iyo Kaardhif Aynu ku horreyno shirka Kulmiye ee ka dhacay magaalada Kaardhif (Cardif) oo ah caasimada qabiilka ‘welishka’ ee dalkan boqortooyada midoowday (UK).

Wuxu shirkaasi ka dhacay (15/11/08) xarunta maamulka gobolka (council) ee Cardif. Shirkani wuxu ahaa shir ay iskugu yimaadeen laamaha xusbiga Kulmiye ee dalkan UK, sida London, Cardif, Manchester, Bristol, Birmingham, Shefield..iwm. Kaasi oo lagaga wada xaajoonayay waxqabadkii laamaha ee sanadkan ee dhinacyada maaaliyadda iyo wacyi galinta. Intii aynu tegin xarunta shirku ka dhacayay, waxaynu ku horreynay ‘Guriga Badda Cas’ (Red Sea House) ee ku yaalla xaafada Butetown ee magaalada Cardif. Halkaasi oo ‘hadhimo sharafeed’ loogu sameeyay laamaha xusbiga ee ka kala yimiday dacalada UK, iyo waliba marti sharaf kale oo ka socday dalka Somaliland.

Kadibna waxanu u sii ambaqaadnay madasha shirka oo ahayd meel aad iyo aad u bicilsan. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Somaliland ee Cardif, oo iyaga loo marti ahaa, ayaa hadalka kusoo dhaweeyay laamaha kale iyo marti sharafta ka qayb gashay shirkaasi. Kadibna waxa iyaguna warbixino iyo doodo ku lug leh waxqabadkii xusbiga ee sanadkan is wedaarsaday laamaha xusbiga ee ka kala yimiday UK. Marti sharafta ka socday dhinaca golaha wakiilada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen; Xildhibaan Axmed Nac-nac, ; Xildhibaan/Prof Maxmad Cumar iyo xildh.Axmed Weyne ayaa iyaguna madasha shirkaasi ka hadlay oo guubaabo iyo dhiirri galin usoo jeediyay laamaha Xusbiga Kulmiye ee UK. Waxa loogu halhays badnaa oo hadheeyay shirkan isaga ah shilalkii qaraxyada ka dhacay Hargeysa iyo geerida Xidhibaan Yuusuf Tuke. Waxana mar walba la xusayay loona faataxaynay dadkii ku geeriyooday gacanta shuftada. Sidoo kale marxuun xildhibaan Yuusuf Tuke aad iyo aad ayaa loo xusuustay looguna faataxeeyay. Si kastaba ha ahaatee, shirkaasi wuxu ku dhammaday jawi is af-garasho iyo guul, waxana lagu heshiiyay in halganka halkaas laga sii wado, lana laban laabo wax qabadka laamaha UK, iyo shir weyne kale oo xubnaha laamahaasi Kulmiye ee UK ku kulmi doonaan.

Sawiradii shirkaasna waxaynu wali ka sugaynaa mudane AXMAD CARWO, oo kamaradii ka buuxsantay dabadeena jabtay…! (2). Kulmiye Ma keeni Karaa Isbadal..? Inagoo ka shidaal qaadanayna khibradii nooga soo koradhay shirkaasi Kulmiye iyo Cardif; ayaa waxaynu isku dayaynaa inaynu is weydiino isla mar ahaantaana ka jawaabno inuu Kulmiye keeni karo isbadal amaba yahay isbdal keen. Layskuma hayo inuu xusbigani yahay isbadal doon, taasina waxa u markhaatiya shir weynihii golaha dhexe ee Kulmiye kana dhacay Burco. Halkaasi oo lagu soo doortay musharrax Madaxweyne xigeen (Saylici), oo ah masuul an horey uga mid ahaan jirin dawladii SNM iyo dawladii Siyaad Barre toona. Taasi waa isbadal doon xusbiga Kulmiye ku faani karo, laguna faanin karo, oo muujinaysa inuu run ahaantii xusbigu rabo is badal siyaasadeed oo hor leh. Qof shacbi weynaha caadiga (ordinary citizens) ka tirsan oo an ka qayb qaadaan maamuladii hore ee miltari iyo jabhad toona ee dalka ka jiray, oo waliba da’a yar, in la doortaayi waxay ka mid tahay guulaha is badal doonka ee la taaban karo, looguna soo hiran karo xusbigan Kulmiye. BALSE, ‘doonis is badal’, iyo ‘keenis is badal’ waa ay kala duwan yihiin, kulmiyana waa leeyahay waana muujiyay kaska ay ku rabaan is badal. Su’aashuse waxay tahay, Kulmiye ma leeyahay kartida uu ku keeni karo is badalkaasi uu doonayo.

Doorashada C/Raxmaan Saylici waxay ka mid tahay kaska kulmye ku rabo is badal, wuxuna ku kasbaday kashka iyo kaska dad badan oo arrintaas daraadeed ugu soo qulqulaya Kulmiye.‘Saylici waa saleelee, anigaaba saaka ku biiri raba’…!. Hase yeeshee taasi kalideed kama kama tarjumayso inuu xusbigan yahay is badal keen. Waxana lays weydiinayaa:Wali kulmiye ma ciidan doonbaa oo wuxu rabaa calankii jabhadda ee casaa (calan cas).. oo waa siduu Marxuun AARE NUUR CUSMAAN (AUN), sheegay ?Mise toloow Kulmiye waa cod doon oo wuxu rabaa calanka diimuqraaddiyadda iyo Qaranimada, oo waa ka dhab is badalku..?(3). Gebagabo iyo gunaanad Inagoo ka duulayna jawigii shirkaasi, ayaynu isku dayaynaa inaynu ka jawaabno su’aalahaasi kuna soo gabagabayno qormadeenan. Waxaynu dareensanahay in kulmiye hayo jidbadii iyo jidkii is badal doonka. Walise waxad moodaa inuu xusbigani u baahan yahay kalsooni iyo karti dheeraad ah inuu la yimaado si uu ugu keeno isbadalkaasi uu higsanayo, uguna wada kasbado dhamaan dadweynaha isbadal doonka ah. Tusaale; dhinca gobolka Awdal oo diwaan galintiisii lasoo gabagabeeyay, inkastooyna dhammaan dadka reer Awdal is wada diwaan galin, oo kaliya 40% is diwaan galiyeen. Ayaa xusbigani Kulmiye wuxu tirsanayaa ugu yaraan 75,000 (shan iyo todabaatan kun) ka mid ah 140,000 ee is diwaan galiyay inay uga codeeyn doonaan isla gobolkaasi Awdal. Hadaba dadkaasi Kulmiye tirsanayo, dee sida Kulmiye u yahay Isbadal doon ayuunbay iyaguna u yihiin is badal doon. Macnaheeduna ma aha inuu midkoodna iskii u keeni karo is badalkaas isaga ah. Waxana dhici kartaba in dadku is badalka ay rabaan ka heli karaanba xusbi kale.

Sida qaalibka ahna xusbi waliba wuxu isku dayi doonaa inuu yidhaahdo is badal baan rabnaa oo aynu keeni doonaa, waana qayb ka mid ah ololayaasha siyaasadeed marka doorashooyin soo dhaw yihiin. Marka ay noqoto Awdal, Kulmiye kaliya kuma kasban karo codkooda musharaxa madaxweyne xigeen, ee ay soo doorteen. Wuxu ku kasban karaa, fahmitaanka gobolkan, iyo baahida gobolkan oo daraasaad weyn iyo wacyi galin ballaadhan uu ku sameeyo, muujinyana inuu wax ka qaban doono. Isla mar ahaantaana uu xusbiga Kulmiye muujiyo in Musharaxa Madaxweyne xigeenku (Saylici) , haddii uu noqodo madaxweyne xigeen, uu yeelana doono awood ballaadhan oo si gaar ah ugu wajahan wax ka qabadka baahiyaha iyo baylahda badan ee taalla Awdal ee dawladda UDUB sida goonida ah u badday.

Hadal iyo dhammaantii; Kulmiye, wuu yahay is badal doon, dadkuna waa rabaan is badal. Isbadalkaas la rabana waxay xusbiga iyo taageerayaashiisuba ku wada keeni karaan inay yeeshaan kartida iyo karaamada ay dhexdooda isku fahmi karaan, isku kasban karaan, iskuna baran karaan. Gaar ahaan xusbiga KULMIYE, waxa ku waajib ku ah inuu is ‘buushi bixiyo’, oo calanka cas ka fogaadaan, calanka diimuqraaddiyadana fadka saaraan oo cirka ku shareeraan. Taasi oo kaliya ayaa Kulmiye siin karta kartida uu ku keeni karo isbadalka u koowsaday.

Abdiqani Ateyeh
HiilDanYare
hiildan@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: