Ethiopia oo la baxaysa ciidamadeeda | |||||
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in dhamaan ciidamadeeda ay kala bixi doonto Somalia dhamaadka bisha soo socota, taasi oo soo gabagabeyneysa labo sano oo ay halkaasi ku sugnaayeen oo ay kula dagaalamayeen kooxaha Islaamiyiinta. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa ku sheegay warqad uu u diray QM iyo Midowga Africa, in ay tahay wax aan habooneyn in ciidamada militeriga ee Ethiopia ay sii joogaan Somalia, iyagoo halkaasi u tagay buu yiri inay ka hortagaan dhibaato ka dhacda Somalia, markii kooxha Ilsaamiyiintu ay weerar ku soo qaadeen 2006 si ay u ridaan dowladda taagta daran ee Somalia. Seyoum Mesfin waxa uu sheegay in in aanu rajo wanaagsan ka lahayn fursadaha ciidamo caalami ah oo dejiya oo loo diro Somalia, iyadoo dadaalka dib u heshiisiinta kooxaha Somalia uu aad gaabis u yahay. Weriyayaasha ayaa sheegaya in Dowladda Ethiopia ay dhibaato xun kala kulan tay Somalia, dagaalka ay ku jirtana dhibaato xagga dhaqaalaha uu sii gelinayo. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
29 November, 2008
Ethiopia oo la baxaysa ciidamadeeda
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment