Sirius Star waxaa saaran shidaal qiimihiisu yahay 100 milyan oo dollar
Burcad badeedda Soomaalida ee afduubay markabka weyn ee shidaalka sida ee laga leeyahay Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in aanay dooneyn inay waxyeello u geystaan 25 shaqaale ee saaran halkaasi.
Wareysiga Daybad Dhegayso
Wareysi ay BBC la yeelatay nin ka tirsan burcad badeedda oo magaciisa ku sheegay Daybad ayaa sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay la galeen dadka leh markabka.
Daybad waxa uu sheegay in ay ogsoon yihiin dhibaatada ka iman karta ficilada ay sameeyeen, laakiin waxa uu sheegay nabad la'aanta ka taagan Somalia iyo biyaha oo ay ka kaluumeeystaan maraakiib shisheeya ay ku qasabtay burcadnimada.
BBC ayaa sidoo kale la hadashay Kabtanka markabka Marek Nishky oo u dhashay waddanka Poland, oo sheegay inaysan jirin wax ay ka cawdaan, oo ay shaqaalihiisa ay bed qabaan, loona ogolaaday inay la hadlaan qoysaskooda.
Saciid Cali Muuse BBC London
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment