17 November, 2008

Burcad badeed afduubay markab

Maraakiib fara badan ayaa lagu afduubtaa xeebaha Somaaliya
Ciidamada Badda ee Waddanka Mareykanka ayaa sheegay in burcad badeed Somali ah ay weerareen kadibna ay qabsadeen markab weyn oo kuwa saliida qaada ah oo uu leeyahay waddanka Sacuudi Carabiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu yahay kii ugu weynaa ee burcadda Soomaalidu ay qabsadaan ilaa hadda, kaasi oo qeyb ka ah weeraro is daba joog ah oo ka dhacayay biyaha gobolkaasi. Markabkan shidaalka qaada ayaa lagu soo waramay in ay saarnaayeen 25 shaqaale ah, oo sita dhalashooyin kala duwan.

Burcad badeedda Soomaalida waxa ay qabsadeen in ka badan 30 markab sanadkan. bishii aynu ka soo gudubnay Golaha ammaanka ee QM waxa uu ansixiyay keenista maraakiib dagaal oo ajnabi ah, in la geeyo biyaha gacanka Cadan, si ay ula dagaallamaan burcad badeeda.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: