27 October, 2008

SIDAY U ARKAAN DADWEYNAHA REER BOORAMA SIDA AY U SOCOTO HAWLAHA DIIWAAWIN GALINTU

Borama(SNN)Waxaa ka muuqada guud ahaan in la dhaliilsan yahay sida ay u socdaan hawlaha diiwaan galinta ee ka bilaaban tay gobolka Awdal, taasina waxa u dhaliisheedu ay cirka isku sii shareertay markii maanta galinkii hore ay waraaqihii ka dhamaadeen goobihii laga diiwaan galinayey.Waxaana la arkaayey dadweynaha oo tuban goobaha laga diiwaan galiyo kuwaas oo sugaya mar uun in ay galaan goobaha diiwaan galinta kuwaas oo au ka dhamaadeen waraaqaha diiwaan galinta,iyada oo aanay wax hawl ahi ka socon goobahaas oo albaaba loo laabay.

Hasa yeeshee galinkii danbe waraaqihii waa la keenay oo hawshii diiwaan galinda ayaa bilaamantay.Waxa iyaduna jirta in ay fariinta SMS ay mobile-ka ugu dirayeen gudiga diiwaan galinta taas oo ay ku sheegayaan in ay 15 maalmood goobaha diiwaan galinta qaarkood furanaan doonaan oo ay ka sii socon doonaan, laakiin wali waxaa jira cabashooyin badan oo ku aadan arimahaaswixii intaas dheer ka dhegayso halkan cabashada dadweynaha oo cod ah

HALKAN KA DHAGEYSO ARAGTIIDA DADWEYNAHA QAYBTI1
HALKAN KA DHAGEYSO ARAGTIIDA DADWEYNAHA QAYBTI2


SALALNEWS BOORAMA
XASAN CIISE

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: