18 October, 2008

Haweeney tujineysa salaadda jimcaha

Amina Wadud oo tujinaysa jameeco sanadkii 2005
Ururka Islaamka ee Britian oo ku casuumay qof dumar ah oo muslimka Mareykanka ah inay tujiso salaadda Jimacaha ee maanta ee ka dhacaysa magaalada Oxford ee waddankan Britian.
Tallaabadan ayaa mid keeni doonta carro xoog leh oo ay ka soo horjeestaan qaar ka mid ah muslimka waddankan.
Warbixinta Haweeneyda guji oo dhegeyso
Professor Amina Wadud oo cilmiga Islaamka ka dhigta jaamicadda Virginia Commonwealth University, ayaa dhalisay buuq weyn markii laba sano ka hor ay sidan oo kale Imam u noqotay oo ay tujisay dad badan magaalada New York.
Masaajidyo dhawr ah ayaa diiday in xilligaasi oo ahayd 2005 ay haweeneydaasi salaad jameeco ah ku tujiso halkaasi, iyadoo markii danbe loo wareejiyay dhisme goob kaniisad oo ku taala magaalada New York.
Qaar badan oo ka mid ah muslimiinta caalamka ayaa cambaareeyay tallaabadaasi oo ay ku tilmaameen wax ka soo horjeeda sharciga Islaamka.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: