Waxa iga yaabisay arrinta xuduudaha waqooyiga Hargeysa iyo Bariga Baki ee ilaa 2002dii laga hadlaayey, ee waliba labada daraf isla dacwada ay isla meel afsaarayaan. Waxa taas sii xoojisa iyadoo dawlad, mucaarid, aqoonyahan ay dhammaan daliishadaan sharciga doorashooyinka oo u dhigan sidan:
REPUBLIC OF SOMALILAND
HOUSE OF REPRESENTATIVES ELECTION LAW
(Law No: 20-2/2005 )
Article 9: Establishment of Electoral Regions
1. In the election of the House of Representatives of the Republic of Somaliland, the country shall be divided, in accordance with Article 109 of the national Constitution[18], into electoral regions which will have the same boundaries as the six districts which existed on 26 June 1960 and which are now the regions.
Sharciga Doorashooyinka 20-2/2005 Waxuu Qoddobka 9aad sheegayaa in lixda gobo lee jiraa yaalanayaa xuduudkoodii lixdanka oo ay ahaayee n degmooyin kala ah Hargeysa, Boorame, Berbera, Burco, Laascaanood, iyo Ceerigaabo.... Waana qodobkan kan cid waliba ay aqoonsantay garteedana ay ku salaynayso.
Waana qodob sharci ah oo leysku raacay. Waana isla isaga sida uu soo qaatal Suldaan ee ka tirsan dhinaca Awdal waxaana hadalkiisa uu si garnaqsi ah ugu saleeyey xuduudkii 1960 iyo sharciga doorashooyinka ........Waxgaradka Awdal waxay garnaqsigooda ku yidhaahdeen:
Sida dastuurka Somalilnd qorayo xuduudaha waxaa lagu saleeyay sidii lixdankii, hadaan nahay dadka deegaankaas ma diidanin, waana la og yahay sanduuqa la dhigi jiray Boodhka meesha uu ka tirsanaan jiray, cadceed duhur ah sacabo laguma qarin karo.
Xukuumadu hadii ay dhiirigelinayso in qabiiladu xuduudaha jeexdaan dee maamulka ha ku wareejiso, hadiise ay dadka dhex u tahay waa in cida dambiga leh ay gacanta wax kaga qabato. Goobaha la rabshay waxaa ka soo horjeeda kuwo la mid ah siday uga hirgeli doontaa marka kuwayaga la diiday is weydiiya?
Waxa sidoo kale u soo waramay wariye Hashim Goth oo codhaan ku gunaaday in reer Awdal ogol yihiin sharciga iyo xuduudii 1960kii ka dhegeyso halkan...Guji hoos
Warbixin ku Saabsan Caqabadaha Hortaagan Diwaan Gelinta Codbixyayaasha G/Awdal
By Hashim Goth
Dhinaca kale Salaadiinta Hargeysi waxay iyana codsanayaan in la fuliyo sharciga oo xuduudka loo daayo sidii lixdankii...waxaaana ka mid hadalkooda.............. waxaannu halkan ku caddaynaynaa in wixii ka yimaadda ama khasaare ah ee ka dhaca halkaa ay masuul ka tahay xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale, sababta oo ah waxaannu ugu tagnay ergo ka kooban salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo beesha Sacad Muuse ah, waxaananu ula tagnay goobaha la isku hayaa gobolka ay ka tirsanayaan, kuwaas oo kala ah xil goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah iyo Todobada goobood oo Waqooyiga Gabiley ah, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex ayna isku hayaan Gobolka Awdal,
waxaananu ka codsanay Madaxweynaha in goobahaa diiwaangelineed ama codbixineed ee la isku hayo maanta in la waafajiyo sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay Baarlamaanku ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay, kaas oo dhigaya in xuduudaha gobollada iyo degmooyinku ahaanayaan sidii ay ahaayeen 1960-kii,
Isla weedhahaas oo kale ayey ku hadleen xisbiyada qaranku iyo mas’uuliinta dawladduba. Waxa la yaab leh oo waa maxay waxa leysku hayaa. Degaanka ballaadhan ee ay labada beelood oo ehel, abtinimo, xidid, iyo darisnimo aan go’ayni ka dhaxaysaa ma waxa laga waayey cid arrintan isla garata.
Yaa se xalka laga sugaayey. Sow ma ahayn in dawladdu soo afjarto murankan taagnaa lixda sano, iyadoo ayna jirin xamaasad doorasho. Hadday intan kala saari weyday waa maxay ujeedada laga leeyahay gobbolada cusub iyo degmooyinku. Ma muranku ha sii kordhaa. Waa maxay sababta loo magacaabay badhasaabo iyo madax degmeedyo aan jirini. Bal ila akhri qodobka dastoorka eek u saabsan dhismaha gobolada iyo degmooyinka oo u qoran sidan:
Haddaba muwaadin waa maxay ujeedada iyadoon ilaa manta la horgayn Golayaasha Sharcidejinta, loogu xafladeynayaa oo kaba daran loo qorayaa shaqaalahooda. Hadda tamar ay kuwii jiray ku saxdo ayey weyday ilaa manta. Ma ogtahay in labada degmo ee waliba mid u gudbay gobalnimo ee Baligubadle iyo Salaxlay ayna lahayn xuduud sugan iyagoo jiray in ka badan 10 sano, sidoo kale Darasalaam, Cadaadley, Xagal, Allaabaday iyo qaar la mid ah oo ah degmooyin dhammaan la ansixiyey inayna weli lahayn wax xuduud ah.
Haddaan u soo noqdo meelahan muranku ka joogo. Waxaan leeyahay waa u magic xumo in iyagoo isla oggol sharciga xuduudka doorasho, iyagoo ah dad marna aan kala durkeen, kala maarmin, dan iyo wada-dhalasho isku xidhay, in laga waayo cid labada dhinac ah oo si cad oo xaq ah isku raacda xalka xuduudku ahaa. Waxaan idinka dalbayaa in la helo dhan walba 10 nin oo si wacan isu yaqaan, waa tiro labaatan ah kana tirsan degaanka hadalku ka jiro oo si xaqa ugu wada dhawaaqa halka xadku ahaa.
U hiiliya xaqa. Adkeeya walaalnimadiina, oo ogaada inaydun tihiin daris aan oodi kala xidhin, ehel darin ku wada fadhiya. Waxa dhammaan ina deeqaa waa cadaaladda. Hadalka toosiya, oo idinkoo garnaqsan weedhaha dab-shidka ah iska jira. Kii hadalku ka duulo miyir ha loogu jawaabo.
Waxaan idinka sugayaa labaatan liibanay oo murankan ku soo afjara sida uu sharcigu dhigaayo ee labada dhinacba qirsan yihiin. Ogow dadka intiisa badani arrintan dhab uma oga, waxayse is leeyihiin xaqbaad ku joogtaan oo waatan waayeelkiinu leeyahay annagaa sharciga iyo xuduudada 60kii ku taagan ee waa dhinaca kale kan siitada goostay...markaas la yaabimaayo dhallinta hadalka kulul isku dhaafsanaysa warbaahinta. Waa se mid baaq labaatan geesi oo labada dhinac ihi si hawl yar u damin karaan. Waa in laogaadaa in xadkani yahay mid looga dan leeyahay in si ku meel gaadha wax inoogu qabsoomaan.
Ma aha mid dad iyo dal midna lagu raraayo. Aan idinku gubaabiyo inaydun si dhekhso ah oo dareekeed leh isu baaqdaan, oo waad istaqaaniine carooga nabadda inta garaaci taqaan loo yeedho. Fariintan kii akhriye ee wax ka qaban karow, ha la fadhiisan, ha la socon, ha la kuclayn, ee la orod ilaa intaad dhigaaga dhinaca kale u gacan galinayso. Yaan leysku halayn. Dawlad ha ku halayn waa ta xaalka halkan gaadhsiisay. Sharciga barlamanka ka soo fulay, ee Madaxweyne sexeexay ee haddana aan suconayn ku qanaca.
Illaahay waxaan ka baryayaa inuu xaqa ina waafajiyo, iyo inuu talada inoogu dhiibo inta cadaaladda u ehel ah, inta nabadda jecel, inta u shaqaysa dadkooda een ka shaqaysan.
Mahad oo dhan Allah ayaa leh.
Axmed Carwo
Cardiff,U.K
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments:
Post a Comment