Hargeysa (RBC)19.09.2008.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Ismaaciil Kabaweyne oo ku sugan Madaarka Cigal shalay subaxnimadii markii ay soo cagadhigatay diyaaradii qalabka siday, ayaa warbaahinta u sheegay inuu qalabkaasi yahay qalabkii u dambeeyey ee ay sugayeen, waxaanu xusay inay diyaar u yihiin qabashada Diiwaangelinta.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay joogaan koox khubaro ah oo loogu talo galay inay qalabkaasi ku tababaraan shaqaalaha gacanta ku haynaya ee ku qabanaya hawsha Diiwaangelinta.
Qalabkaasi oo wajigiisii hore dalka hore u soo gaadhay, waxa uu iugu jiray Kombiyuutaro, Kamarado iyo agab kale oo ah kuwa lagu fuliyo hawlaha diiwaangelinta.
Axsaabta dalka iyo Ciidamada Booliska, ayaa qalabkaasi goobjoog ka ahaa markii dalka la keenay, waxaanay u soo galbiyeen xarunta guud ee gudida doorashooyinka, halkaasi oo lagu xafidi doono inta ay hawshu ka bilaabmayso.
Dhinaca kale isla shalay gudida doorashooyinku waxay isla shalay gobolada u kala direen shaqaale iyo gaadiid qaaday kumanaan foomam ah, kuwaas oo loogu talogalay inay dadku sii buuxiyaan si ay u sahlanaato hawsha diiwaangelinta oo si rasmiya u bilaabmi doonta bisha October.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment