28 August, 2008

Shirweynaha KULMIYE: Waa Astaan Muujinaysa in Xisbiga KULMIYE Diyaar u yahay Hogaaminta Dalka sanadka 2009

Marka la eego dareenka dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka hooyo gudihiisa iyo debadiisaba waxaan shaki ku jirin inay niyadoodu ahayd mid aad u hooseeysa sanadahan danbe, gaar ahaan marka la eego hogaanka dalkeena oo ku guul darraystay wax ka qabashada baahiyaha guud ee dalka ka jira sida Sixir bararka, Musuq-maasuqa, Maamul xumada, Boobka hantida umada, Cabudhinta saxaafada, Xadhiga joogtada ah ee muwaadiniinta iyo waliba kala danbayn la'aanta masuuliyiinta dawlada oo u muuqda in aanay lahayn hogaan dabrra iyo cid ay ka dhowrsanaadaan too oo la xisaabtanta toona, iyada oo Madaxweyne Rayaale uu beryahan danbe u muuqdo nin aan muumuli karin wasiirrada dawladiisa marka la eego ficilada is daba jooga ah ee ay ku kacayaan wasiirradaasi.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo halkan aynaan ku soo koobi karin ayaa ah sababta ugu weyn ee dadweynaha Somaliland uga niyad jabeen xukuumada hada dalka ka jirta, waana sababta ay in badan oo dadweynaha Somaliland ka tarsani ay u Rabi tuugayeen inay helaan Xisbi kale oo dhaama kan UDUB ee imika talada haya , taasoo ah dariiqa kaliya ee ay ku soo celin karaan rajadooda dibna ay ugu soo noolayn karaan sumcada Qaranka Somaliland oo hoos u dhacaysay sanadba ka ka danbeeya mudooyinkan u danbeeyay.

Hadaba Xisbiga KULMIYE oo isagu ah xisbiga mucaaridka ah ee ugu weyn Somaliland oo ah Xisbi ay isugu tageen waxgaradka, aqoon yahanka, ganacsatada, dhalinyarada , haweenka, culimada iyo indheer garadka Somaliland ayaa Shirweynaha golaha Dhexe ee xisbigaasi uu magaalada Burco ku qabtay waxa uu si la yaab leh usoo jiidanayay indhaha dadweynaha Somaliland iyaga oo dareemayay in Xisbigani uu yahay ka kaliya ee fahmi kara dareenkooda, si wadaniyadi ku dheehan tahayna wax uga qaban kara dhibaatooyinka dalka ka jira una horseedi kara dalkeena aqoonsi buuxa oo Somaliland ay ka hesho caalamka.

Iyada oo sida badankeenu aynu ka warqabano ay xukuumada Somaliland geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u fashilan lahayd shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE, iyada oo si dadban iyo si toos ahba ay dawlada iyo Xisbigeeda UDUB ay awoodooda oo dhan isugu geeyeen sidii uu shirweynahaas KULMIYE u burburi lahaa, ayaa hadana nasiib wanaag Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxay sidii mar walba caadada u ahayd sameeyeen inay u dul qaataan oo ay iska dhegooleeyaan gardarradaas kaga imanaysay dhinaca Xukuumada, waxaanay masuulyiinta xisbiga KULMIYE si karti, wadaninimo iyo samir ku dheehan yahay ay u qabsadeen shirkooda, taasina waxay muujisay oo calaamad iftiin lehu tahay in Xisbiga KULMIYE uu yahay mid u bislaaday diyaarna u ah hogaaminta dalka marka la gaadho doorashooyinka soo socda ee sanadka 2009.

Marka la eego marxalada adag ee uu dalkeenu imika ku sugan yahay, waxaan markaas shaki ku jirin in lasoo gaadhay xiligii dadweynaha Somaliland ay si geesinimo ah ugu hawl gali lahaayeen in ay dalkooda ka sameeyaan isbedal muuqda oo horseed ka noqda soo celinta rajada luntay ee shacbiga, una hawl galaan wax ka qabashada boobka hantida qaranka, musuq maasuqa, maamul xumada iyo cadaalad darrida baahday ee dalka ka jirta, waxaana dadweynaha Somaliland ee geesiyiinta ah looga baahan yahay in sidii ay horeba caanka ugu ahaayeen dulmi diidka inay is barbar taagaan hiil iyo hoona u fidiyaan Xisbiga KULMIYE oo imika u muuqda rajada kaliya ee ay ummada reer Somaliland leedahay kaasoo aynu u hanweynahay inuu soo afjaro in ka badan shan sanadood oo musuq maasuq iyo niyad jab ah oo xukuumada hada jirtaa ay ku maamulaysay dalkeena hooyo ee qaaliga ah.

Kaysar Cabdilaahi

Tafatirka Somali Voice

Bristol.UK

kaysar@europe.com


No comments: