10 August, 2008

Saylicipress.net | Aragtida Saylici Press:Dagaallo Sokeeye Oo Khatar Gelin Doona Jiritanka S/land

Aragtida Saylici Press:Dagaallo Sokeeye Oo Khatar Gelin Doona
Jiritanka S/land Oo La Filayo Inay Ka Curtaan Gobolka Selal
Dable reer Djibouti ah oo loo magacaabay guddoomiye-nimada Selel

Sida laga warqabo booqashadii u danbaysay ee uu madaxwayne Rayaale ku
tegay Djibouti ayaa ahayd mid ka danbaysay amar uga yimid madaxwaynaha
dalkaasi Djibouti ka dib markii uu Rayaale magcaabay gobollo iyo
degmooyin cusub oo ka tirsan Somaliland, gobolladaasi oo uu ka mid
ahaa gobolka khatartra badani ka soo socoto ee Salal, iyada oo la
sheegay inuu madaxwayne Geelleha Djibouti ka abaal mariyay Rayaale
magcaabista gobolkaasi kuna dardaaray inuu u magcaabo beesha Ciise ee
ka talisa Djibouti maadaama ay daris la tahay xarunta gobolkan ee
Saylac.

Haddaba inkasta oo uu shacabka reer Somali Land ka xanaaqay
booqashadii Rayaale uu Djibouti ku tegay iyo sidii quudhsiga lahayd ee
looga soo dhaweeyay dalkaasi, haddana shalay ayuu Rayaale u magcaabay
hoggaanka gobolkaasi nin ka soo jeeda beesha Ciise oo magiciisa la
yidhaah Cawaale Ismaaciil Xasan oo ahaan jiray dable ka tirsan
ciidanka Djibouti wax aqoon ahna aan habayaraatee lahayn, lana filayo
in dhawaan la keeno gobolka Salal si uu uga taliyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in magcaabista xubintan
ajnabiga ahi ay qulqulatooyin iyo dhibaatooyin dabo dheer ka abuuri
doonta dulahaanba dalka Somali Land, waxanaa laga cabsi qabaa in
dagaallo sokeeyo oo cawaaqib xumo dhaxalsiiya degamada halkaasi ka
curan doonaan maalmaha innagu soo foolle.

Dagaal sokeeye oo halkaa ka qarxana waxa uu keeni doonaa
natiijooyinkan soo socda:

1. in ay Somali land noqoto meel labada darif ee bari iyo galbeedba ka
olosha, taasina ay keento in Somali wayn si sharci ah u soo fara
geliso.

2. in nabadddii ay Somali land ku faani jirtay noqoto mid hawada ka
baxda oo noqota sheeko iyo xusuus.

3. in ay dad daris ah oo wada dhashay isku aakhiro seegaan.

4. in ayna habayaraatee dalka ka qabsoomin wax doorashooyin ahi
maadaama ay dalka colaad sokeeye ka jirto.

5. in laga quusto citiraafkii muddada badan lagu taami jiray.

Magcaabista dablahan reer Djibouti oo ah mid dhul lagu kala iibsaday
ummad balaladhan oo Samaroon la yidhaahna xuquuqdoodii cuskanaysa
waaqica iyo taariikhda lagu tirtiray ayaa ah mid aan sinaba ku hirgeli
doonin, iyada oo ay beelaha Samaroon iyo beesha Ciise aqoon wayn isku
leeyihiin oo ay dagaal ahaan is yaqaannaan, halka ay beelaha
Samaroonkuna horeba ugu maahmaaheen "Ciise inta uu nabad kugu yeelay
colaad kugu yeeli maayo".

Gobolkan ay masaa`iibtu ka soo socoto ayaa ah mid xanbaarsan magaca
Selel oo ah alle ha u naxariistee halyey u dhashay degmada Saylac oo
la odhan jiray Selel Idriss Caweer Gadiid Cismaan oo ka mid ahaa
beesha reer Sheekh Cismaan (Abrayn), waxaanu ku aasan yahay dooxa
Selel gaarahaan meel u dhaw jiidda Qabriga Shircoon Qarni.

Ugu danbayn waxaa dadka fajac iyo yaab ku riday sida uu askari reer
Djibouti ahi uga talin doono dhulkii Axmad Guray,Selal Idiris, Ugaas
Nuur, Rooble Af-deeb iyo X.Diide, waxaana hubaal ah ah in ummad waynta
Samaroon ay ku habsan doonto addoonnimo iyo dullinimo aan hore loo
arag nooceeda oo kale haddii aaney karaamadooda badbaadin oo ayna
dhulkooda lagu dul iibiyay soo dhacsan, taasoo ku faral yeelaysa
jihaad fi sabiili laah maadaama ay masaladu karaamo iyo cirdi
taagantahay iyo waliba hanti iyo khayraad ay carruurrtoodii ka
gaajaysan tahay oo shishiiye hadiyad loo siiyay.

Bahda Saylicipress

No comments: