12 August, 2008

Ogeysiis; sabtida,16/08, 2pm Soo dhoweyn iyo Xog-wareysi l Xildhibaanada kala



Ogeysiis
Sabtida 16/08/2008
14:00 (labada galabnimo)
Soo dhoweyn iyo Xog-wareysi la xidhiidha Xildhibaanada kala ah;
Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore)
Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac),
Pro.Maxamed Cumar Adan (Jiir)
Adam Jibriil, wakiilka Somaliland u fadhiya waddankan UK,



Ururada kala ahWest London Somaliland Community, Somaliland society in Europe (SSE), Somaliland society UK, Somaliland United Group, SIRAG iyo ururo kale oo badan waxay kuugu bushaaraynayaan isla markaana kugu marti qaadanayaan shir ama kulan aad u qiimo badan oo maalinta Sabtida ah haddii Ilaah yidhaa ka dhacaya magaalada London. Haddaba dhammaan Shacab weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK waxaan ogeysiinaynaa in kulankan aynu fursad qaali ah u heli doono inaynu la kulano xildhibaanada magacyadoodu kor ku xusanyihiin isla markaana uu kulankani noqon doono mid ku salaysan xog-wareysi iyo rayi isweydaarsi. Kulanku wuxuu ka dhacayaa haddii Ilaahay yidhaa goobta Oxford House in Bethnal Green, waxa isna halkaas noogu martiya wakiilka Somaliland u fadhiya waddankan UK, Adam Jibriil.



Wixii faahfaahina waxa aad kala soo xidhiidhaa:

Moxamed Taag 07951016681 Lulu Farah 07956263580, Fayasal Cannbalaash ama Abdalah 07940446966




No comments: