Kulmiye iyo udubaa kaftamay.
Xadhigii xirsi cali, eedayntii in uu al-shabaab ku lug leeyahay ee aanay waxba ka jirin, iska hadalka wasiirka arimaha gudaha, iyo adhiga haraadku xeryaha berbera ku laayay kaftan baa ka dhashay.
Kulmiyaa hor bilaabay, udubna waa u jawaabtay.arimo aad loola yaabo iyo eedaymaa udubtii inoo soo bandhigeen bal arkoo ila eega.
Muddo aada markii erayo laysku asqeeyay
Amuuro laysla yar eegay
Eedaymihii xirsi iyo aafadii adhigaa
Adeerkeen la su'aalay ee la ogaaday
Halkay arimuu marayaan iyo been abuurka wasirka (ciro).
Ayaa dubtiiba xanaaqday oo xayraan bay ku dambaysay
xarfahan bay ku hadleen.
Hadii aanan adeerkay, adeerkay kulmiyoow
Kibirbaa ku hayee, inta aan ku karbaasho
Karin boodhle ku taago
Kalabshaha jalam leeya iyo keeno kuugu dedaalin
Kaftan kayga aadan ka caagin.
Kulmiye:
Bal daya waa taase, udubeey horta maxaad meel aan loo fadhiyin ugu fadkudisaa ee aad kiiska isaga waashaa.adeer waxbaan katiinadaynayaa iyo sheekooyinkaa aan caruurtana xitaa lagu cabsiin iska dhaafoo dadka iyo umada uga waran waxa muwaadinkan xirsi cali iyo kuwo kale oo badaniba ku xidhan yihiin.
ma waxa aad bulshada ku khasbaysaa in aay muwaladkan Al-jaabiri macal haye uga noqdaan xolahoodii.
Udubeey, horta maxaad u baraystay in aad xeerarka iyo shrciyada dalka u degsan adigu jebiso sida heshiiskan aad qarsoodiga ula gashay muwaladkan al-jabri. bal yaabka aanu aragnay hadana adigii aan ilaa iyo malintii lagu asaasay dembigaba ka bixin ee dalkaba curyaamiyay ayaa marba muwaadin xidhaya oo ku leh waa dembiile—waxa aan ku waydiiyaya adigu miyaanad weligaaba daqiiqadana ha noqotee jeelkaba urina oo aadan foodaba la yara gelin, mise waad iska ilaalisaa ileen waad is-ogtahay waxyaalaha aad faraha kula jirtaa in aanay ciqaabtoodu ka yarayn dil iyo dacas.
Udubeey imaqal:
Xukuumadiiba xad gudbaysa
Xoolaheeniiba dhamaan u xereesay xaaji carbeed.
Xaqlihii baa laga dhaarshay
Xaajigeena riyaalena ma yaqaano xal keene
Xadhiguu ku raftaa
Hadii aad xamastiisa
Halka uu xoolaha toonsho
Ku xeraysto doolaraadka
Aad xagooda yar eegto
Xadhig baad ku dambayn oo
Xirsi baa taas ku xujoobay.
Xoolihii dekeda, xantoobsiga total ee
Xaajigeena riyaale iyo xoor xoor oo saaxiibkiiyi
Ku xaw xawsanayaan xalimaayo dadkaygu
oo waa mid aan xaq ahayn.
Xaqiiqdii xaajigaas lama xasidaye xisaabtuu ka naxaa.
Hadii aad xaalado dhawr ah oo
Xuquuqdii umadeena ,xoriyadii bulsh awaynta
Xakameeyay dhamaan
Aad xagoodaba eegto ood xaajigaa wax su'aasho
Xadhig bad ku dambayn oo
Xirsi baa taas ku xujoobay
Udubaa soo jawaabatay:-
Arinta xirsi.
Xirsiga aad ka hadlayso ee xabsiga aanu u jiidnay
wuu xujoobay adeer oo xadkiibuu yara dhaafay
xirsi heedhe adeer, xiligii berigii xaladaydu aad iigu xumayd
xoog xooga aan wax ku doonay
xaawilaayay in aan xanibo oo ishor taago
xeerarkii dejiyinaayay xalinta doorasho guud
xiligaa xirsi heedhe, xantaydiibuu suuqa keenay
xeelado aan qarsanaayay iyo xadhko aan guntay buu
xirsi heedhe adeer xaliyay oo fufuray
xarbi aanan filayn iyo xeegaduu igu laaday.
Isagaa xirsi heedhe, xishoon waayay adeere
Ana waan yar xanuunjay oo xabsibaan u diray.
horta waxa had iyo jeer fahmi waa ka jiraa qaab siyaasadeedka aan adegsado iyo hab maamulkayga, dad aad ubadani ma fahmaan oo aad iilama socdaan.hadaba aan umada u sheego una waadixiyo barnaamijka maamulkaygu ku shaqeeyo, nooc distoorkiisa, kuwa uu la bahda yahay iyo maluugta siyaasadeed iyo meersiyada uu hiigsanayo.
Ku dayasho:-
Maamulkaygu adeer malaayiin macnayaal
Murti aadan aqoonin iyo majiiruu ku socdaa
Marxuumkii ina dhaafay, Mingistihii la yaqaanay
Mudanihii Samuel DO, murti wayne Bukaase
Mufekerkii Charles Taylor
Mugaabigaa maanta jooga
Madaxdii afrikaanka
Macalimintaasuu ka dab qaatay oo mabda'ooda sitaa.
Distoorka:-
Kulmiye, wax kaa soo hadhay xeerbaa la jebiyay iyo distoorkaa laga talaabsaday.maanta ayaan runta kuugu dhiijinayaa hadii aay awr dhalayso.distoorka aan adegsanaa maaha kan inoo qoran ee soodaanigu xarxariiqay ee waa mid kale oo istaahilna dhaafay oo maraa waaxid shubay oo yaqaana habka madaxda kursiga loo adkeeyo hadiiba aay liiliijiyaan xoogag mucaarad ah iyo kacdoono bulsho.bal akhri waa kane, adba waad u qushuuci.
Distoorkaan qoranay mid kaloo ka duwan oo
Dadka aan ka qarsho, ayaa ii degemsan .
Adna daashaye heedhe, dimuqraadiyad aan
Dunideenaba oolin, dadka uun lagu waalaa
Dibnahaagu barteenoo, doon doon keed aad ku wareertay.
Daacadoow horta heedhe
Dikreetooyin dalaal ah
Dabran oo af xidhan
Dana gaara aan ka wato
Wax daliil lahayn
Dudsiyaaya xuquuqda
Danaha beesha xidhaaya
Dawladeena habsaan shay oo
Dulayeey dadkeena
Dafiraayaa dan oo dhan
Dalkaba baaba'a ka yeelay
Distoorkaygu waa midhadh kaas iyo
Dar kaloo ka daran oo hadii aan ku dareensho
Daaha kaaga yar qaado aad dawakhaysid adeere
Danahaaga ku foofo ha is daalin ninyoow ( kulmiyoow ).
Qaab ka maamulkaygu u shaqeeyo:-
Meeshu waa afrika oo mar walayba siyaasad macnaheed ma taqaan
Ana manta hadaad marti ii noqoteen oo bulshadii
Maamul wanaagsan oo murwaadkiisa la yaabo
Maanka aay ku hayaan aay maluugtooda gashay
Midhkaasi waa ma jiraan iyo waxaan meshaba oolin
Maamulkayga adeer, midhadh kan baa u sala
Horta mood iyo nool, wixii maalka aduunyo
midigtaydu haleesho waa in aan
meelaystaa oo si mug wayn u mirtaa.
Maamulkaygu adeer, madhxintan aad ka hadlayso
uma yeesho muraade waxa uu makalaa oo
maraqooda cabaa mudanayaashii u dedaalay iyo
kuwii meeshaba keenay.
Maamulkaygu adeer, madadaaliyo been macne aadan fahmayn
Buu ku wadaa moodhi kaarka
Rakaabku waa ka mabsuud ,dadkuna waw rixiyeen oo raali bay ka yihiin.
Maamulkaygu adeer, waxooga fara guuda iyo doolar buu faraqaa
Dadkana uu ku falaayoo ku fushaa arinkiisa
Maan gaabka aan waxa arkayn iyo miskiinkuu la faqaa oo marxabuu ku dhahaa.
Inta aan hal marduuf, waxoogaa money ah
Midigtaa uga dhiibo oo magac aanu mutaysan iyo
Maamuus aan ku ladhaan u marshaa midhahan
Umadaan ku diraa, dadka soo qabqabo
Dawladayda adkee diric baad tahaye
Dacawadaasaan baraayoo duruustaas baan u dhigaa.
Marka aan wax dareemo ee dirqi lay geliyo daawadii u darayd ee
Dadkaba uu ku falaayay baan door ismood ku duraa
Markaasuu dawakhaayoo dan yartii bulshadeena
Nin doorkii la yaqanay dadkaba uu ku tuntaa.
Marka uu dibiree dafahaa marayo ee dry jiin layaqaan
Iyo dar kaloo ka daran aay dareenkiisa lunshaan
Door ismood waa belee markaasuu daawlad amaan
Distoorkiiba la sugay, danyartiiba la hagaajay
Agoomihiiba la daryeelay, dalkiiba noo hagaagay
Dugsiyadiibaa la badshay, dariiqyaa la dhisay
Dibnihiisa soo mariyaa oo door ismood waa
Belee ducada ii badiyaa.
La soco qaybta dambe (guurrtida iyo riyaale ,qaab wada shaqayn tooda )
Maxamed jaamac cali (faroole)
abudhabi
________________________________

No comments:
Post a Comment