19 June, 2008

Kulanka 26ka juun

WAR-SAXAAFADEED KA SOCDA GUDDOOMIYAHA JAALIYADDA SOOMALILAND

EE WALES MUD. AXMED XASAN CARWO.

26 JUNE IYO KULANKA ISKU XIDHKA SOOMALILAND IYO WALES

Waxa sharaf ii ah inaan halkan ku baahiyo kulan iyo shir-hawleed lagaga hadlaayo wax-qabadka, baahida iyo ka faa'ideysaiga barnaamajka isku-xidhka Somaliland iyo Wales ( Wales Somaliland Communities Link), oo uu soo qabanqaabiyey xafiiska Jaaliyadda ee SPA, isagoo la kaashanaaya Golaha Wakiilada ee Wales. Waxa xuskan oo ku beegan sanad-guuradii 48naad ee maalinta xorriyadda Soomaliland, waxa ka soo qayb galaaya siyaasiin Wales iyo Soomalilandba ka socda oo uu horkacaayo Wasiirka Koowaad ee Wales Hon.Rhodri Morgan AM iyo mudane Hon. Alun Michael MP . Waxaa marti sharaf noo ah Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Wasiir Xigeenka Qorsheenta Mudane Ahmed Hashi Abdi.

Marwo Edna oo shaahaadad sharaf caalami ah ay 27 bishaan guddoonsiinayso Jaamacadda Wales ee Swansea, oo lagu maamuusay hawlaha caafimaad ee la xidhiidha dumarka iyo caruurta Soomaliland, ayaa mar kale kor u qaaday magaca iyo meeqaamka qaranka Somaliland, waxaanan ugu hambalyeeynayaa guusha aan cidi ku labayn ee ay si is-daba-joog ah ay dalkeena u soo hooyso.

Haddaba kulankan waxaa lagaga hadli doonaa mawaadiic muhiim ah oo dhammaan la xidhiidha ka midho-dhalinta barnaamajka isku-xidhka oo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimaadka oo kaalinta ugu weyn kaga jira kulankan, iyadoo Marwo Ednina lagu sharfay hadalka ugu muhiimsan (Guest Speaker). Waxa iyana ku jira doodo shaqo ( Workshops) iyo qudbado taabanaaya dhinaca xanuunka dhimirka ( Mental Health), doorka tacliinta iyo isku-xidhka dugsiyda, iyo kaalinta gurbajoogu kaga jiro isku-xidhka labada dal ee Somaliland iyo Wales.

Waxaan mahad u soo jeedinayaa dhammaan inta hawshan isku soo dubaridday, welina ku jira shaqadeeda, oo ay u horreeyaan ururka SPA, maamul iyo shaqaalaba, waxay muujiyeen hawlkarnimo iyo is-xilqaan ay guul ku gaadheen. Waxaanu kulankani marna aanu qabsoomeyn martida labada dal ka socda la'aantood. Waxaan la iloobi karayn Jaaliyadda Soomaliland ee Wales oo rag iyo dumar, dhalin iyo waayeel mar walba u heelan horumarinta dalka hooyo iyo mataaneenta labada dal ee Jaaliyaddu u tahay biriijka isku xidhaayey.

Barnaamajka oo dhan waxuu si gooni ah ugu lifaaqan yahay warsaxafadeedkan, aan se si kooban u iftiimiyo kulanka iyo goobta iyo xiliga uu dhacaayo.

Waxa kulanku dhacayaa 26 June 2008

Saacadda 09.00 am ilaa 14.00 pm

Gobta Wales Millennium Centre

Bute Place

Cardiff, CF10 5


Iyadoo dalabku badan yahay si aad uga qayb-gasho kulanka taariikhiga ah is-diiwaangeli oo la xidhiidh Harris@walessomalilandlink.org mobile 07506487092 amba Abdi@somalilandwaleslink.org mobile 07974120862


MAHAD ALLE IYO GUUL

Ahmed Hassan Arwo, Guddoomiyaha SPA

samotalis@gmail.com Mob; 0777 367 5397

Guddoomiyaha SPA

______________________________________________________________________________

No comments: