29 July, 2013

2007 TALOOYINKII AXMED CAWRO EE KULMIYE


Waxaan jecleystay inaan maqaalkan aan daabacay September 04/2007, aan dib idiin xusuusiyo, iyadoo aynu ku jirno dabaaldegi sannad guurada seddexaad ee xukuumadda Kulmiye. Waxaan dib u eegey qodobadii aan soo jeediyey xiligaas oo Kulmiye isu ababulaayey Shirweyne. In badan oo muhiim ah ayey Alle mahadi ha ka gaadee laga qabtay, waxna wey dhiman yihiin waana sunaha nolosha oo cidina ma fuliso qorshaheeda boqolkiiba boqol, waa se inaynu isku deynaa. Waxa kale oo igu kalifey waa isla shirweynii Kulmiye oo isna daaqada soo saaran. Waxaan muuqata isla duruufihii xiligaas jirey kolkaas dardarankani waa mid xiligiisii iyo goobtiisii shiishku ku beegan yahay.  


KULMIYE ALLE KA SAKOW ISAGAA GUUSHA ISU HAYA

AHMED ARWO
September 04, 2007

Saaxadda siyaasadda ee Soomaliland, waxa cad in aqlibiyadda shacbigu sugayaan hoggaanka dalka oo lagu wareejiyo Kulmiye, haddii aanu Kulmiye iska daadin. 

Maanta xisbigu waa mid qaran oo matalaaya gobal kasta oo Soomaaaliland ah, waana in laabta lagu hayaa dhismaha qaran loo dhan yahay, gobal waliba iska dhex arko maamulkiisa, la xoojiyaa awoodaha gobolada. Kulmiye waa inuu la yimaadaa barnaamaj u qalma hiilka dadweynaha. Waxaa u bilow ah inay barnaamajka xisbigu ku salaysnaado:

  1. Dib u eegidda distoorka, si loo adkeeyo dimuquraadiyadda iyo hab-maamul-wanaaga, oo ay ugu horreyso kala xadaynta Golaha Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka.
  2. Dhismaha Xukuumad kooban oo tayayeysan.
  3. Adkaynta dhismaha ciidanka, darajo, dhaqaale iyo farsamaba.
  4. Kor-u-qaadka aqoonta iyo ka xooreynta shaqaalaha dawladda arrimaha siyaasadda. Hab-dhaqanaka shaqaalha ( Civil service code) iyo sharciga shaqo-gelinta qaranka (Public Appointments Law)
  5. Xoojinta maamulada gobalada, iyo yareenta forogelinta xukuumadda dhexe.
  6. Xoojinta Wasaaradaha Wax-soosaarka sida Beeraha, xoolaha, iyo kaluumeysiga, iyo horumarinta wasaaradaha bulsho, sida caafimaadka, tacliinta, iyo shaqada.
  7. Xalinta iyo sharciyenta arrimaha dhulka, beeraha iyo degaanada.
  8. Yareenta miisaaniyadda Madaxtooyada.
  9. Dhismaha Bankiyo ganacsi oo khaas ah.
  10. Barnaamaj khaas ah oo khuseeya Gobalada Bari, uguna horeyso lacag bedelka.
  11. Sharciyenta Idaacado xor ah
  12. Dhismaha Kuliyadaha Ciidamada: Boliska iyo Xoogaba( Military).
  13. Maalgelinta Xisbiyadda Qaranka
Waa iga tilmaan uun ee waxaan hubaa in intaas iyo dar kaleba shirka lagu soo qaadi doono. Waxa se loo baahan yahay in dheg loo yeesho rabitaanka dadweynaha, gobal kastana si siman soo-jeedintooda loo maqlo, loona qiimeeyo. Waa in xubnaha cusub ee ku soo biiray aad loo soo dhoweeya, maamulkana lagu kabaa. Waa dhig cusub oo dardartiisa iyo tabtiisa wata. Isla markaas waa inaan la iloobin ragga iyo dumarka u dhabar adeegay dhismaha xisbiga, marwalbana la siiyaa abaal marin iyo qadarin khaas ah. Haddaan wax qabadka xisbiga leysku abaal marin, oon mar walba la xusuusan cidda tiirka u taagtay, weeraha iyo waraabaha ka ilaalisay, cidda maskax iyo maalba u hurtay, la heli maayo cid u darbanaata jiritaanka xisbiga, arrintuna waxay noqonaysaa daneysi, qofba maalinta uu meel kale gacan haadis ka helo u jarmaado. Waxa xisbiga ku haya xubnihiisa waa ixtiraamka iyo qadarinta loo hayo xubnaha hadh iyo habeen u darban danta guud. Yaan leys garab dhigin colka siigadooda la arko kolka tartan jiro, iyo kuwa aan saacadna ka nasan dhismaha iyo hawlaha xisbiga. Xubnaha xisbiga waxa kala qiimeeya oo kala saara, waxqabadkooda, kaalinta ay buuxin karaan, awoodda shacbi ee dabo joogta, ee ma aha dhalashada qofka amba gobalka uu ka soo jeedo.


Bal aan hoos u degnee, sidee Kulmiye guushiisa u tuuri karaa? Waxa arrintan xilkeedu saran yahay xubnaha shirku uga bilaabmaayo 8da bishan Hargeysa. Iyagaan cidi ku labayn mas'uuliyadeeda horeyn iyo dambaynba. Waxay noqon karaan dar himmilada dadweynaha rumeeya oo jeexa dariiqii guusha, amba waxay noqon dar qardo jeexa oo dhabada loo salaxay ka luma, taariikhdana ka gala bog madow oo ku soo noqnoqda taariikhda qaranka Soomaaliland.

Dhabada guusha waxa lagu gaadhi karaa wadajir, is-maqal, is-dhegeysi, wada-shaqayn, is-tixgelin, is-ixtiraam, is-qadarin, kala-dambayn, abaal- marin, qiimeyn, tilmaan, tusaaleyn, is-dhaliil waxtar leh (Constructive criticism), tartan aan shakhsiyeysnayn ee loo tartamaayo sidii guusha loo dhalin lahaa,( Selfless Competition).

Guusha waxa rumeyn kara, shirweynaha oo dood, iyo tartan dabadeed xula Gole Dhexe oo hawsha xisbiga tunka u rita, iyagoo dhammaan aan u kala hadhin, kala leexan oo labadii tartamayba gacmaha is qabsadaan, lagana dhigo muramadii tartanka ka dhashay fikrado ninba si u arkaayey si uu u xoojiyo xisbiga. Waana in fikradaha la soo uruuriyaa oo nin walba la siiyaa fursad uu ku hadlo, ku muujiyo fikirkiisa, isna waa inuu ku qancaa dhinaca loo bato, oo ayna marna raad ku reebin fikirkiisa laga bediyey. Waxa xisbi waliba leeyahay kooxo amba garabo is bahaysta, waa sunaha dimuquraadiyadda ee ma aha mid xisbiga wax yeelaysa, haddii koox kastaa ay ixtiraameyso distoorka, iyo nidaamka aqlabiyadda ( Majority rule). Go'aanka ka soo baxa shirwedynahu waa inuu noqda mid dhammaan reer Kulmiye qaataan, mid wax diidan iyo mid dhammaantiiba ku qanacsan, kol haddii inta badani qaadatay. Go'aanku waa mid loo midaysan yahay, kii soo jeediyey, iyo kii diidanaaba. Ninba mar ayuu fikirkiisu hanan karaa aqlabiyadda xisbiga.Waxayna
sharci ahaan dhammaan xubnaha xisbigu ku qasban yihiin go'aanada aqlabiyadda, oo ah habka keliya ee xisbi dimuquraadi ihi ku jiri karo.

Xisbi doorasho u soo dhowdahay oo maamulkiisu kala furmaa, kala dudaa, kala cararaa guul meelna kuma leh. Waxa xisbiyada qadiimka ah sida kuwan U.K ay ka qaadataa tobaneeye sano iyo siyaade inta ay ka soo doogaan burbur ku yimaada maamulkooda, maxaad u malayn xisbi cusub oo bulshadiisu weli beelaysantay, dawladuna awooddeedoo dhan mid sharci ah iyo mid kaleba saartay burburintiisa. 20taneeye sano ayey ka qaadatay xisbiga talada haya ee Shaqaalahu (Labour Party) inuu ka soo kaco kala-jabkii ku dhacay 1978. Waxa sidoo kale saaxadda ka maqan ilaa 1997 xisbigii mudada badan dalkan ka taliyey ee Qunyarsocodka ah ( Conservative Party), markii is qabsi dhexdooda galay, Raiisul Wasaarihii ugu mudada dheeraana Mrs. Thacher iyadoo xilka haysa xisbigu tukhaantukhiyey. Waa cabasho iyo eed maalin walba dhex taala xisbiga ood hadwalba canaanteedu hadhayso hogaamiye kasta oo cusub. Waxay marayaan shan hoggaamiye ilaa maalintaas, kan maantana, waa Mr. Cameron ee ragbaa u heesaaya oo waxaa maalin kasta warbaahinta ku jira eedo uga imanaaya isla xubno maamulkiisa ka tirsan.

Qof kasta oo xilka loo dhiibo, mid dal iyo mid xisbiba, haddaan mas'uuliinta kale la shaqayn,oo daacadnimo iyo hagrasho la'aan leysu barbartaagin, laguma farxo guusha uu keeno. Ma aha inta qofka xilka loo dhiibo, loo durbaan tumo, haddana hawsha keligii lagu daayo. Far qudhi fool ma dhaqdo, wado-shaqayntu waxay waxay miisaan gaar u leedahay marka xisbigu yahay mucaarid , oo dal Afrika ah ka jira, aan helin taageero dawladeed, bal se dawladdu awooddeeda iyo hantida qaranka kula dagaalayso. Waxa u hiil ah waa tabaruca maskaxeed iyo tan adduunyo ee xubnahiisa. Itaalka dhaqaale ee dadweynahana weynu ognahay. Waxa halkan laga dareemi karaa xilka gaarka ah ee saran inteena qurbojooga ah. Miyeyna ahayn in xilkaa si gaar ah qurbojoogu u qaato, inaynu seeska u aasno xisbiga, u dhisno hab-maamul oo taabogal ah, dhinac hawlgelin iyo mid dhaqaaleba.

Ha noqon nin gacmahu u laabnaayeen, oo la taagan dhaliil oon. Adigu is weydii waajibkaagii ma ka soo baxday. Intee wax aad qaban lahayd kaa baaqday, yaad canaananaysaa haddaad ahayd Gudiga Fulinta, haddaad ahyd Golaha Dhexe, haddaad ahyd Guddiga Laamaha. Xisbigu ma qofbaa leh, ma shaqaale ayuu leeyahay. Haddaad waajibaadkaaga ka soo baxday ood cid gooni ah u aragto inay hagratay, waa banaantay inaad keento ood ka dodo. Haddii se qof waliba eedda iska riixo, oo aynu la mid noqono sida Wasiirada Riyaale, ee laga sheego dhaliisha oo ay dhammaan ku riixaan dhinaca Madaxtooyada. Taasi waxay keentaa niyad jab iyo cuqdad aan laga doogsan. Waxa loo baahan yahay dhaliil ku dhisan run, ka bilaabanta naftaada, wadata toosin, dulqaadna u leh inay dhegeysato darafka kale.

Aan si fudud oo dul xaadis ah u muujiyo, waxyaabaha guusha maamul nooc kasta ha noqdee cilmi ahaan la ogaaday inay muhiim yihiin ku dhaqankoodu, anigoo inta aan dhaqan ahaan iyo dal ahaanba is leeyahay wey ugu mudan yihiin soo qaatay.

  1. Qofkaad qiimeynayso, wanaagiisa ka horeysii, qaladkiisa.
  2. Qaladka qofka si dadban u sheeg, una caddee in aadmigu qaldamo balse lagu kala badiyo sida qof waliba qaladkiisa uga faa'ideysto.
  3. Qofka hawshu isku keen xidho, horeysii qaladkaaga intaadan kiisa sheegin
  4. Amar mutaxan ha bixin, ee dalabkaaga hab su'aalo ah u dhig.
  5. Dhegeysiga badi. Kolka qofkaad la doodaysaa hadlaayo, labada dhegoodba u fur. Maskaxdaada, maankaaga iyo jidhkaaguba ha dhuuxaan hadalka qofka kaa soo horjeeda, nuxurka weedhihiisa qiimee, oo caadifadda iyo cuqdad aad ka qabtay ha ku fiirin.
  6. Ammaanta qof leeyahy ha ku masuugin, tan kooxi leedayna sidoo kale. U bushaaree waxii fiican, waxii xuna ka tacsiyadee mid shaqo iyo mid shakhsiba.
  7. Fikradaada gasho dadka, kana dhig mid aan adiga keli kaa soo bixin.Cidda kula fikradda noqota, ka yeel inay fikirka laftiisa kula unkeen. Waxayga ku bedel waxayna.
  8. Qofka kale duruufahiisa ogow, iyo siday saamayn ugu leedahay fikirkiisu
  9. Noqo qof hadal kooban oo dhegeysi badan. Ha boobin hadalka, kuna bilow ereyo macaan, ladifan oo mudan ixtiraam dhinaca kale ah.
  10. Hadafkaagu ha ahado inaad adiga iyo kan kaa soo horjeedaaba guulaysataan. Ha noqon nin doonaaya inuu jabiyo walaalkii oo isagu keli guulaysto. Ogow taasi inay hadafkii weyne wiiqayso.

Sirta nolahu waa samir, is-qancin, dulqaad. Waxa kaba cadaalad aad adiga iyo walaalkaa u sinaantaan maamulka idinka dhexeeya. Waxa lagu gaadhaa run sheeg, daacadnimo, iyo wadajir. Waxa fashilka muftaax u ah danaysinimo, shaki, nafjecleysi, iyo dulqaad la'aan. Waxa fashilka kaba cadaalad darro iyo sharci aan loo sinayn. Waxa fashilka badhitaara been iyo jaahilnimo.

Aniga aan ku bedelno inaga iyo danta guud. Aan qiimeyno taariikhda qofka iyo tamarta uu geliyey xisbiga. Idinkama aqoon badni, ee taladaa halkaas ila martay.  Faylasuufkii weynaa ee Giriiga ahaa, lana odhan jiray Socrates, ayaa yidhi: " Waxa keliya ee aan aqaan, waa inaanan waxba aqoonin." Waxaan leeyahy waxaan ogahay inaan aqoon wax badani iga maqantay.

Dunidu waxay ku socotaa waa aqoon wadareed leysu geeyey, ninna keli waxba ma aha, qof walibana meel iyo arrin ayuu ku wacan yahay ee gacmaha is qabsada, is-aamina, Illaahayna talo saarta. Waa idinkoo shirka ku soo af jaray go,aankii guusha oo loo wado dhan yahay iyo awoodda oo leysugu geeyo guusha doorashooyinka. Insha Allah waxaan idinla joogi idinkuu go'aamadiina ku hawl galaaya doorashooyinka soo-socda.

Waa iga dardaaran ee hooy yaan la il-duufin, yaan tartanka gudahiina cadow idiin ilowsiin, ha noqonin labadii dibi ee qooqanaa, sida ay isu dilaayeena, iyagoo dhawac iyo daal carabka u soo tuuray, waraabuhu ku wishiriiyey raqdoodii, ha yeelanina indhihii duqanka, samirna ha ka noqonin goon, kibir iyo islaweyni yeyna awood beena idiin sawirin. Tusa ummadda Soomaliland inaydun isu habayseen hogaanka qaranaka, inaydun tihiin awood gobal kasta ka muuqata, soona jiidatay bulsha weynta degmo kasta oo dalkeen ka tirsan. Kiina camalka fudud soo dabra, kan degdegsan la gucleeya, kan gaabiska ah jiida, kan hurda toosiya, ka kaftanka badan la qosla, kan cadhada dhowna kaftanka ka dhowra. Go'a Kulmiye huwda oo dhaxanta iyo dabaysha ka dugsada.

Bir-tilmaameedka Kulmiye ha noqoto cadaalad bulsho, cadaalad maaamul, cadaalad waxbarasho, cadaalad ganacsi, cadaalad laan kasta oo dawladnimo taabata, ha noqdo magaca Kulmiye mid carabka bulshadu u duceeyo, mid noqda astaanta dhismaha dalka iyo dadka Soomaaliland.

REER KULMIYOW KAMARADA TAARIIKHDAA IDIN DUL SAARAN EE WAA WAXA NIN WALBA AY KA DUUBAA. U GUNTADA MASIIRKA UMMADDA.

SOOMAALILAANDEEY WAA KAA KULMIYE EE KADABAA DHAHA.


KULMIYE HA GUULAYSTO

SOOMAALILAND HA NOOLAATO



MAHAD ALLE IYO BARIIDO RASUUL,

Ahmed Arwo








No comments: