19 September, 2005

CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (4)

Maqaalkii seddexaad waxa aynu ka hadalnay arrimaha la xidhiidha xuduudaha gobalada oo sharciga doorashadu leeyahay ha noqdaan kuwii lixdankii. Waxa la yaab ah, in Wasaaradda Gudahu sida Komishanku sheegay tobaneeye jeer ballan baajisay ay soo saartay arrin la yaab leh.

Waxa ay Awdal raacisay 7 goobood, Hargeysana 2 Goobood, Ceel Sheekhna waxa la yedhi waxa wadaagaaya seddexda gobal ee Awdal,Hargeysa iyo Saaxil. Waa go'aan ka fog xaqiiqda sida ku cad khariidadii doorashada ee lixdankii oo gacanta ugu jirta Wasaaradda Gudaha. Waxa ha sii darran in Komishanka xalkiisu noqdo laalis. Waxa si sharaf leh yeelay xisbiyada oo seddexduba ku adkaystay in sidii lixdanka la yeelo.Waxa markaas la filaayey in hawsho fududaato. Ogow dhulkani ma aha dhul Somaliland ku soo biiray lixdankii ka dib, waa dhul jiray oo la og yahayhalka ay raacsanayd, laga se werwereegaayo. Waxa se soo baxday in komishanku garab maro sharcigii doorashad iyo xaqa distooriga ah eemuwaadin kastaa xaq u leeyahy in loo helo hab iyo meel uu ku codeeyo.

Maxaa loo waayey garsoor cad. Miyey tahay in xeer jabjab iyo la jiifiyaanabanaan lagu dhiso hay'adda loo igman doono sharci dejinta.Arrintan yaan looarkin qabyaalad, yaan cidna laga sheegan. Cidna laga rarimaayo, waayo dalkuwaa mid loo siman yahay. Waxa keliya ee ay tahay in la eegaa, waa sidiisharciga doorashada ee baarlamanku ansixiyey Madaxweynahuna sexeexay , loohirgelin lahaa. Arrintana waxa eedeeda leh waa Wasaaradda Gudaha iyoKomishanka. Marna eed ma leha labada gobal ee Hargeysa iyo Awdal, waxaarrinta qasaayaa waa garsoorkii oo baaqday. Waxa aan filaaya inkastoo aysaacad dambe tahay in ammuurtani ku dhammaato nabad iyo xaq, ooyna marnanoqon mid dhooqaysa doorashada.

Maqaalkii hore waxaan ku guubaabiyey in labada musharax ee Maxamed XMaxamuud Cumar Xaashi iyo Cabdirahmaaan Cabdiqaadir, Hargeysa iyo Burco aysharaf u tahay inay ka mid noqdaan tartamayaasha. Waxaan mahad u celinaayadadweynaha Hargeysa iyo Burco ee sida heerka sare ah ugu soo dhoweeyeylabadan murashax ee qiimaha badan, una muujiyey sida ay ugu kalsoon yihiin.
DAB DHAXAMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA Su'aashan waxa aan uga jeedaaa,kolka cidda hawsha loo diray ee loo igmadayinay dalka hagto oo ay hoggaamisaa gaabiso ,maxaa lagu toosiyaa?. Waxajawaabteedu tahay in la shido oo la dardar geliyo. Taasina waa tan maantalooga baahan yahay inay dadweynahu gartaan. Waa inay doortaan xisbiyadamucaaradka ah si ay u helaan ciddii faraska shaabuuga la dhici lahayd, siuu xawliga orodka u badiyo.

Dawladda maanta jirtaa waa mid fadhiidnimo ay uweheliso daacad darrro. Mid siyaasadeedu tahy danaysinimo shakhsiyadeed,oon marna u jiidh nixin maatida, makasta iyo miskiinka toona, mid aanixtiraamin sharciga iyo distoorka, mid xaqsoorka ka aradan, mid xaqamuwaadinku u yahay col. Waxa dhibaatadaas oo dhan lagu xakamayn karaa markaaad shacbiyahow garataan inaydun u coddeysaan ciddi tubta toosan ku sooridi lahayd, ciddii tusi lahayd inay dhowraan sharciga., ciddii kahorjoogsan lahayd inay laba canleeyaan hantida danyarta lagauruuriyey.

Golaha wakiiladu waa xakamaha dabraaya kol kasta ooydawladdu dar dhaafto. Waa wakiilada ka turjumaaya dareenka iyo doonistadadweynaha, kuna qasban inay la xisaabtamaan dawladda, waayo iyagana waxadaba jooga dadkii soo dirtay.Bal aan dhan kale ka eegnee, maxaa laga sugayaa xildhibaanka la dooranaayo,sidee se loo asteeyaa kan hawshan fulin kara.Waxa laga rabaa inuu noqdo mid u hawlan sharci dejinta iyo la xisaabtankadawladda.

Taas marka ay tahay hawsha keliya ee laga sugaaya, waxa habboonin qofka loo igmanayaa noqdo, mid akhriyi kara oo fahmi karaa qawaaniinta,mid garan karaa nidaamka dawliga ah ee ka dhexeeya seddexda waaxood eeFulinta, Sharcidejinta iyo Garsoorka.Qof baran kara oo horumarin karaaqoontiisa la xidhiidha barlamaanka adduunyada horumartay.Wax uu reer hebel gaar ahaan wax ugu qaban karaa ma jirto. Sida keliya eeloo rabaa reer ahaan waa in reer waliba iska dhex arko inuu talada ka dhexmuuqdo.Waa mid bedeli karta in degmo waliba maamulka guud katirsanaato.

Ogow inaga degmo iyo reer waa isla mid, waayo degmooyinkeenaayaa ku saalaysan qabiil. Waana arrin adag si looga baxaa. Sidaas arteedwaxa habboon in halka afka baarkiisa lagu duraayo qabiilka dadka wax labaro, oo loo sheego in xildhibaanka ay dooranayaan noqdo mid hawsha golahawax ka tari kara. Wanaaga uu xildhibaan leeyahay waa mid saamayn doontagobalada oo dhan. Xildhibaanka xumi reerkiisa iyo dalkoo dhanba xumaan ayuuu soo jiidayaa, kan fiicanina waa mid wanaagiisa la wado dhadhamin doono.Sifooyinka xildhibaan tayo iyo taag lihi, waxa u hormood ah aqoon iyokhibrad. Waa in laga dheeraadaa qalin doorayaashii lahaa "dawladdu waaaniga".
Iyagoo isku qaldaayaa Golaha Fulinta oo ah tan dawladda loo yaqaan,iyo hay'adii la xisaabtami lahayd oo ah Golaha sharci- dejinta amba golahawakiilada. Ninka labadan isku QALDAYAA MEEL INA GAADHSIINMAAYO.Waa nin ladoortaa cid aan dhaameel loo ruxin, cid cadaaladda ku sifowday, codkar ah,dad-wedid leh, hogaan adag, maskax furan, samir badan, aakhlaaq qoys iyomid qofeedba leh, Nin Alle ka cabsi leh, naxariis badan oo u damqada marbainta dulman, inta itaal yar iyo inta taakulaynta u baahan. Sifooyinkaaskolba cidda aad dooranayso cidda ugu dhow ayaa ku habboon inaad ku kalasaarto tartamayaasha. Waxa taas dhinac socta midda xisbiyada.

Waxa habbooninaad eegtis wax qabadka dawladda oo ka turjumaaya tayada xisbigaxukuumadda ee UDUB. Haddaad dhaliishantay hawlgalka dawladda, u codeemucaaradka si aad u xakamayso daw-dhaca aad ku aragtoUDUB. Dheelitir masuuliyadda qaranka ee dhan ka raran. U ogolow inmiisaanka mucaaridku ka dhex muuqdo talada dalka, taasi ayaa dhelitiraysahab ku dhaqanka dawladnimo.Waxa weli socota magacaabistii aan maqaam iyo meel toona loo eegin. Waxasoo kordhay wasiir ku xiggen lagu magacaabay Wasaaradda Boosta. Muwaadinkala magacaabaa ha ogaado inuu yahay nin xaq u leh inuu hawl qaran qabto, maaha in lagu magaabo mansab kolka ujeedo ka baxsan tan wasiirnimo laga rabo.Waa inuu ogaadaa in haddii uu fuliyo hawl ka dhan ah musuuliyadda loodhiibay isaga iyo qeerkiiba in if iyo aakiraba xisaabi ka horeyso.
Ma ahasida waiiradii dhowaan la magacaabay u dhaqmayaan, in hawshoodu noqoto inaysi ka baxsan sharciga ugu ololeeyaan UDUB oo shalayto ay meel walba kaceebeeynayeen. Waxa murug leh, in ruux muwaadin ah oo shaqada loo dhiibayxaq u lihi, noqdo mid xaqa ka gabada, una dhaqma siduu yahay ajnabi.Hawshalaguu igmaday taag oo qaranka u qabo, cidna ha ka yeelin inaad sharciga kahortimaadid. Cidna kursiga ha ku duudsiyin. Kolkaad naftaada sharafto eedka ilaaliso inay noqoto daabka midida lagu dilaayo cadaaladda, yaad if iyoaakiraba sharaf ku noolaan doontaa.Askari ilaa wasiir ha ogaadaan in ruux kasta oo qaangaadh ihi naftiisa kamasuul yahay. Marna ma banaana in lagu andacoodo waa ley amray. Wax kabaxsan diinta islaamka ah iyo sharciga dalka cidina kuguma amri karto.Haddii sharci darro lagugu amro, awood sharci oo aad ku diido ayaadleedahay. Waxa loo raaci doona qof waliba waxuu gaysto, reer, sareeye iyohooseeye midna ku kafaale qaadimaayo. Haddaad addunka ciqaabteeda kabaxsatid, waxa hubaal ah inaad miisaanka aakhro la hor uman waxaad fashay.Waa ley amray iyo hebelbaa sargaal ahi kuma samato bixinayso. Cid kale waxha tarin, ee badbaadi naftaada, u nax ubadkaaga oo xusuuso ciqaabtaaakhiro.Dhandhan maalmeed iyo waji dhaq, ha u loogin dantaada ma-guurtadaah.Waxaad tahay muwaadin xor ah oo dalkiisa u shaqaynaaya.

Adiga iyoMadaxweynahu dalka waa u siman tihiin, midba hawl gaar ah ayuu hayaa,Sharciga iyo distoorka ku dhaqankiisa waad u siman tihiin ee ogow. Haddaad ku cabirtid cidda aad foodka siinayso aqoonta, kartida,daacadnimada iyo akhlaaqda, xataa haddaynaan isku raacin cidda aynuxulanayno, waxa xaqiiq ah in la heli doono gole hormood u noqda qaran kudhisan sharci iyo nidaam.Haddaynu se ku cabirno dheef maalmeed gaar ah, iyodan shakhsi, waxa meesha iman rag dhaameel sugayaal ah, oon waxba doorinkuwii hore loo eeday.Qubanaha Ololaha.Waxa dalka gees ilaa gees ka socda olole siyaasadeed oo si nabad ah usocda. Waxa se ayaan darro ah in xisbiga UDUB ee Awdal gacan saar ula tagotaageeryasha gabadha keliya ee Gobalka ka sharaxan Ikraam Xaaji Daa'uud,taasoo dhalisay in walaalkeed nabar 9 qodob qaatay lagu dhufto. Iyana waatilmaan wax ku qaadasho leh, oo iftiiminaysa hab dhaqanka UDUB.Waxa lamaarag ah in ninka lagu eedaynaayo qaska iyo shacri jebinta uu yahay odaygiiBuuni, ee 1960 ahaa Raisal Waasre Ku Xigeen...Somalilaanday odaynimo waataas.Madaxweyne Riyaale Oodweyne gaadh isna caano libaax soo dhan,kolkaKu-xigeenkiisu tegay meesha aad looga yaqaan ee Dhoqoshi oo dadkeedixusuusiyey sida Wasiirka Guduhu ula dhaqmay markay guteen waajibkiiwadaniga ahaa ee ay ku qabteen argagaxisadii dishay gabadhii Kiiniyaankaahayd. Gudoomiye Siilaanyo isna siyaaradii sheekha sanadkan booqay,Guddoomiye Faisal Boorame booqay wacdaran geysay, isagoo dhan walbau riday.
Odhaah Xusuus mudan:Madxaweyne ku Xigeen oo Berbera ka hadlay waxuu yidhi:..."Udub waa digo,digana waa lagu gubtaa". Waa dhab, oo gubasho adigaa ku gubtay oo waxa xusuus mudan badhtankii sanadka weedhihii kaa soo baxay eed sida cad kagarun sheegtay maamule xumida UDUB. Digada aad ku sheegtayna waa run kale oodu duur xushay.
Waxa se is qaban la ficilkii ka dhashay dacwadaadii meel ayku dambaysay cidi ogeen, iyo durdurada aad ugu ololeynayso xisbiga,madaxdiisa aad KA MID TAHAY KU TILMAANTAY QAAR SHARCIGA KU TUNTA.

Waxa soo baxaysa in shaqaalaha dawladda loo cago jugleeyo, oo lagu kalifayinayna ka maqnaan banaanbaxa UDUB, kii lagu arko golaha mucaaridkana larukhsayn doono.Waxa la sheegay in caaqil reer Burco ah u xidhnaabadhasaabka Burco si loogu dirqiyo inuu UDUB u ololeeyo.Waa tabo aanshaqaynayn oo ku danbayn doona guul darro.Haddaba aan ku gunaanado tilmaan uu ka baxshay Abwaan Hadraawi, in dadku isbedelay oon dhacdooyinkani ahayn qaar dabri kara.

Dadku maaha kii hee
maqli jiray daryeelkee
arki jirey darxumadee
saadaal ku degi jirey
Dadku maaha kii hee
dib waxay u eedaan
marka hore ku dagan jirey
Dadku maahe kii hee
gudin lagu dulbaaxsado
daabka looga dhigan jirey.

Ha noqon daabka Hadraawi sheegay, hana yeelin in cid aad taqaan laguutilmaamo,
ha iloobin inta ballan laguu qaaday. Garo inaad shaqo, iskuul,dhakhtar, jid
iyo biriijba aad xaq u leeday. Yaan maalkaaga lagugu laaluushin.

19 Sep, 2005
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: