CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (3) |
Ahmed Arwo |
September 4, 2005 |
Maqaalkii hore waxa ka dhashay in aan dadweynahu badi la socon in xisbi sheegashada wasiirado tahay mid aan banaanayn. Haddaba waa in la ogaadaa dimuquraadiyadu waa mid salkeedu yahay tartan iyo doorasho. Si uu wasiirku u noqdo xisbi waa inuu soo maraa tartan iyo doorasho. Nidaamkaasi waa kii dalkeena ka jiray 60-ilaa 1969. Dadku waxay inta ila soo xidhiidhay isku raacsanyihiin in dib loogu noqdo nidaamkaas hore. Waayo waxa la waayi doonaa rag aan cidi dooran oo ku amar ku taagleeya awood been ah oo ka baxsan nidaamka. Waxa wasiir noqon doono rag dadweynuhu soo xulay lana xisaabtamo, kuna yimi doorasho dadweyne. Nidaamkan Maraykanka ee la soo xulo rag aqoon sare iyo waayo-aragnimo leh inama dhaqayo, waayo dhinaceena waxa la soo xulaa rag badankoodu aan aqoon iyo khibrad la sheego midna lahayn.
MABAY KICINE GOORMAY JABTAY
Waxa cinwaankani yahay sheeko gaaban oo la xidhiidha nin dhakhtar ah oo ilmo yar oo afar billod jiray loo keenay, lugta bidixna ka jaban. Wuu la yaabay, waxuuna arkay inaan ilmuhu jabin ee la jabiyey. Haddaba, waxa taas ka dhigan hawlaha lagu carqaladaynaayo doorashada ee soo if baxaaya, iyadoo hadduun loo dhaqaaqay in la xaqiijiyo riyada dadweynaha ee raagtay.
Waxa wax lala yaabo ah:
- Maanta oo axad ah 4da September 2005, waxa la soo saaray liiska goobaha doorashada ee Hargeysa, waxa liiska ka muuqdo 11 meelood oo hore loogu daray Awdal. Lama fasilin sida ay arrintana meel mar u tahay, iyadoo toos uga soo horjeeda sharcigii doorashooyinka ee barlamaanku ansixiyey. Wasaaraddu mey caddeyn waxay ku salaysay iyo sida ay arrintani u waafaqsantay sharciga loo ansixiyey doorashooyinka iyo gobal-xadeynta.
- Maalintii khamiista waxa fursad u yeeshay inay soo banaan baxaan xisbiga UDUB. Waxa fagaarayaasha ka hadlay wasiiro qaarkood ku tiraabaaya caadifad qabiil, sida Oday Cabdi Xasan Buuni oo ku tiraabay caadifad qabiil isagoo weliba la yaaban ragga leh waar sharciga doorashada aynu ilaalino, oo qodobka xadaynta ee ku salaysan 1960 aynu dhowrno. Ninka yidhi sharci aynu ku dhaqano ma qabiilbuu u hiiliyey, misa wuxuu daafacay hirgelinta qaran ku dhisan sharci iyo horumar. Waxa wasiirka ugu da'da weyn golaha looga fadhiyey mahadnaq iyo inuu si odaynimo arrinta uga taliyo. Weyse seegtay. Waxa xusuus mudan hadaladii Odayga laga maqlay labadii doorasho ee hore, iyo qaar kale oo badan oo rag reer Boorame ihi ii sheegeen, waxna ka tilmaamaaya kaalinta uu kaga jiro Awdal oo reer Awdal ka dheregsan yahay.
Arrintan dhulka waxa habboon in Komishanku qalqalooc la,aan ku fuliyo sharciga ay ansixiyeen barlamaanka iyo madaxweynuhu. Ha dhaafaan la jiifiyaana banaan. Waxa aynu dhisaynaa hay'adii sharci dejinta, yaan lagu dhisin sharci darro. Xaraf xaraf ha loo fuliyo sharciga doorashada, iyadoon Hargeysa iyo Boorame aan midna loo dabcin. Aynu ku socono odhaahda caanka ah ee Ina Sanweyne: Sharcigu ma yaqaan sodog, seeddi iyo saaxiib toona.
- Magacaabista horjoogayaasha degmooyinka aan lahayn guddoomiyaal la doortay. Waxa meesha ka muuqda in la xulaayo rag hawl gaar ah loo diro. Waa rag u darban inay fuliyaan HAWL-GAL UDUBAYSAN. Waxa magacaabista ku jira Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco oo uu magacaabay wasiirka arrimaha gudahu. Iyana waa cibaaro cusub. Komishanka waxa ku habboon inuu eego sida arrintani u xisbiyeysantay. Ma aha inuu ilaaliyo hanti kutakrifalka oo keliya ee waa inuu qadariyaa awood-kutakrifalka oo ka saamayn weyn tan hore.
- Idaacadda Hargeysa oo noqotay afka xisbiga UDUB. Iyadoo faalooyin lid ku ah mucaaridka la sii daayo, weli se aan marna loo ogalaan in Mucaaradka jawaabtooda la baahiyo. Ma aha in komishanku qadariyo barnaamajyada khaaska ah ee idaacadda xisbiyadu ka sii daynaayaan oo qudha. Waa inuu miisaamaa warka, faalada, murtida, heesaha, madadaalada, wareysiyada iyo wax kasta oo ka baxaaya idaacaddu inay si dhexdhexaad ah ku baxaan, oo xisbiyada si siman looga waramo, aanna leysu duur xulin. Waa inay xaqiijiyaan inaan wasiiradu ku yeelan farogelin ay ku maareeyaan xulka barnaamajyada, ooy xaqiijiyaan madax banaanida hawl wadeenada idaacadda, wariyayaal iyo iskudubaridayaalba. Xogwaranka ka baxay Radio Hargeysa kuna saabsanaa banaanbaxyadii xisbiyada, waa houmar cusub, hase yeeshee iskuma dheelitirna. Taasna waa mid ay sixi karaan komishanku. Waa inay qaladaadka maalin maalin ay u saxaan ooyna isgaadhsiin.
- Komishanku waxa uu soo saaray meelaha laga codeenaayo. Waxa habboonayd inay eegaan sida loogu kala badan ayahay dalka oo ay u kordhiyaan meelaha dadku ku badan yahay. Iyagoo ka qiyaas qaadanaaya, sidii doorashadi madaxweynaha loogu codeeyey. Waxa la sheegayaa inaan taas la eegin. Si gaar ah magaalada Hargeysa goobihii kiyuugu dheera aan wax sidaas ah loogu darin, kolka weli meelihii uu gaabnaa aan waxba laga jarin.
- Xoghayaha Guurtida oo fagaare kala hadlay dadweynaha. Waa yaab, goormay shaqaalaha guurtidu noqdeen siyaasiin. Waxa iyana meesha yimid rag leh waxaanu la hadlayna dadweynaha oo dhexdhexaadnimo sheeganaaya, haddana leh, waxaanu nahay xisbiga dawladda. Iyana waa cibaarada adduunyada iyo astaamaha aakhir saamanka.
- Shaqaalaha dawladda ee la eryaayo, haddii eheladooda lagu arko inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka, amba ay UDUB u balan qaadi waayaan. sow ma aha gardaro lagu sameeyey sharciga iyo distoorka.
QUBANAHA OLOLAHA
Waxa oday Geeljire yidhi, " Kulmiye waxaanu Oodweyne ugu lisnay libaax, oo waxaanu siinay caano libaax". Haddaba waxaan leeyahay Kulmiyoo Caano libaax dhammay, yaa maanta joojin kara! Waxa sare u kacay xowliga uu Kulmiye ku socdo, min Boorame ilaa Ceerigaabo. Wuxuu olalaha keli ku yahay illaa maanta gobolka Sool, oo afar murashax ay si la yaab leh uga hawl galeen Caynaba.
Waxa iyana is bedeshay balanqaadkii ahaa in Madaxweynuhu socdaal ku maro gobalada Bari. Waxa maanta la leeyahay waxa halkiisii ka tegay ku xigeenka Madaxweynaha. Waxa ballankan baajiyey xilligan olalaha waa mid niyad jab ku ah taageerayaasha UDUB ee goballada Bari. Mudane Axmed Yaasiin se muxuu uga booday Oodweyne iyo Burco oo uu Berbera uga duulay Sanaag. Waxa suufiyadu ii sheegeen inuu siyaaranaayo Maydh, si uu u soo qaato ducada Sheekh Isaxaaq, weliba laga yaabo inuu muriidka Sheekha laftiisa u soo kaxaysto Burco! Isagoo Mudane Yaasiin qabo in guushii doorashada Madaxtooyada ay u sabab ahayd siyaaradan uu isagu sameeyey, kolka dhinaca kale Silaanyo ka baaqday!
Guddoomiyaha UCID gool ayuu ka dhaliyey xafladdii qalin jabinta ee Jaamacadda Hargeysa markuu xisaabtan ula dhaqaaqay waxqabadka dawladda Riyaale oo dhinac fadhiya, waxuu se si aan habboonayn ula tacaalay Haatuf, oo arrin dacwad ku jirta oo ay tahay in maxkamadda loo daayo, ayuu dhex galay. UCID, aad ayey ugu baahantay warbaahinta, waxaanan filayaa in khilaafkani soo afjarmo. Diiraddana la saaro, olalaha iyo qiimaha ay doorashadu leedahay.
Tanina waa ammuur kale oo yaab leh. Waxa aynu maqli jirnay in dhulka seddex qof iyo in ka badanba isla goob loo caseeyo. Waxa taas ka dhigaysa mid sahlan, kolkaad arrintan maqasho. Waxa Jariidada Haatuf lagu qoray qisadan. Waa guri dawladdu leedahay oo uu maamulo wasiirka Hawlaha Guud, horeyna ay ugu jirtay Hay'adi. Gurigii wuxuu ku soo noqday wasaaradda. Waxa Wasiirka ka yaabiyey seddex waraaqood oo ka yimid Madaxtooyada oo midwaliba uu siinaayo guriga qof. Waxa madaxtooyadu ugu horaantii siisay Guddoomiye Qaybe, haddana waxa laga dabo keenay Wasiirada Maaliyadda iyo Kan Ganacsiga. Labada Wasiir weyba isu ciidan doonteen, inkastoo ayna isku dhicin, hanjabaad iyo aflagaadaba wey dhex martay. Arrintani waxay ay kuu sawiraysaa hogaanka UDUB sida uu yahay. Ma kula tahay inaad cadaalad iyo Horumar ku gaadhi doontu taliska aragtidiisu sidan tahay.
Waa sawir kale oo kuu xaqiijinaaya tacaddiga UDUB. Waxa xabsiga si gardarro ah loogu taxaabay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab. Waxba ka odhan maayo sifaha Yaasiin, waxa inaga filan sida ay shaqaalahiisu oo kor u dhaafay 40tameeye ay xabsiga isu soo hor tubeen, dhaawacna qaarkood askartu soo gaadhsiisay. Waxayse mutaysteen mahadnaq iyo qadarin. Waxa ay muujiyeen in ninka fiican loo abaal gudo. Waxa ay rumeeyeen inaan awoodda dadweynaha cidini loodin karin. Waxa ay ku kalifeen UDUB iyo dawladeedu inay in ka yar seddex saacadood ku sii daayaan Dr. Yaasiin. Waa guul ku dayasho leh.
Dhinaca kale waxa dalkan Ingiriska soo gaadhay laba musharax oo markhaati u ah in dad tayo lehi tartanka ku jiraan. Waxa na soo gaadhay Maxamed Maxmuud Cumar Xaashi, iyo Cabdirahmaan Cabdiqaadir. Murashaxa hore wuxuu ka tartamayaa Gobolka Hargeysa, kan kalena gobolka Togdheer. Waa laba nin oo aqoon, khibrad, talo qaadasho,talo wadaag, codkarnimo, halkannimo, wadan u shaqayn, madaalenimo, cadaalad jacayl, iyo daacadnimo lagu yaqaan. Waxay yihiin rag aan shaadhkoodu ku madoobaan saaxadda siyaasadda, marna aan aan ka bixin halganka dhismaha dalka. Maxamed waxuu ahaa hogaankii ururka UFFO ee soo dedejiyey samayntii SNM, kolka Cabdirahmaan uu ka mid ahaa raggii aasaasayaasha ururka SNM ee Londhon. Waxa reer Hargeysa iyo reer Togdheer nasiib u yeesheen inay ragani ku jiraan tartanka doorashada. Waxa looga fadhiyaa inay ragga sidan oo kale ah ee liiska ku jira golaha keenaan. Taas ayaa lagu dhisi karaa barlamaan kaalintiisa ka soo baxa, oo dalka u horseeda nidaam ku salaysan sharci iyo cadaalad, kana fog musuqmaasuq iyo eex. U fiirso waxaad maanta fali, oo ha qoomamayn berrito.
U GARGAAR CADAALADDA, U DAMQO DAN YARTA, U HIILI AQOONTA, DIID JAHLIGA, GAAJADA, IYO DUUDSIGA. U CODEEY ISBEDELKA. BARO SIDA NINKA XUN LOO TUURO.TAAS AYAAD KU GAADHI DOONTAA GUUSHA AAD TABAYSO. KA FIIRSO OO YAAN CODKAAGU CADOW KUGU NOQON.
ILAAHAYOW XAQA U HIILI. AAMIIN.
Ahmed Arwo
No comments:
Post a Comment