Showing posts with label kulmiye. Show all posts
Showing posts with label kulmiye. Show all posts

23 December, 2017

Mustashar Axmed Carwo waxuu dhambaal tacsi ah ka dirayaa geerida Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale


Mustashaar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 21/12/2017, Dalka Ingiriiska.

 Marxuum Maxamed Yoonis waxuu ahaa saxiib qaali ah oo uu na walaaleeyey mabda siyaasi ah anaga oo ilaa aasaaskii xisbiga Kulmiye aan maalina ka nasan dhismihiisa iyo horumarkiisa duruufo kasta oo naga soo martay. Rag xisbinimada aaminsan, oo u dhabar adeegay duufo qalafsan oo in yari u adkeysan karto.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii dawladii Madaxweyne Silaanyo, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii u horeeyay ee xisbiga Kulmiye u magacaabo UK, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga, waxaanu kasoo qayb qaatay halgankii dib u xorreynta dalka, Marxuumku wuxuu in muddo ah u jiifay xanuunkan uu u geeriyooday xalay. Waxa kale oo uu ahaa guddoomiyaha Radio Horyaal, idaacaddii guusha xisbiga qaybta libaax ka ahayd doorashadii Madaxtooyada 2010,

 Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Qoyskii, eheladii, qaraabadii, xigto iyo xigaal, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna waafajiyo Samir iyo duco.Aamiin

Mustashar Axmed Xasan Carwo

25 November, 2017

SOMALILAND: THE FIRST PUBLIC SPEECH OF PRESIDENT ELECT HE MR. MUSE BIHI


Image result for Muuse Biixi

SOMALILAND: THE FIRST PUBLIC SPEECH OF PRESIDENT ELECT 
HE MR. MUSE BIHI

Translated by Ahmed Hassan Arwo

Today 21 November, 2017, The National Election Commission, declared the wining party of Presidential election, held on 13th November 2013 as the candidates of Kulmiye Party, The ruling Party of Somaliland. Mr. Bihi and his running mate Mr. Abdirahman Saylie won 305,909 votes representing 55.19% of total votes casted. The second  Party Waddani won 226,092 (40.73%), while the third Party, UCID got 23,141  ( 4.17%) of the total vote casted.
Thus Mr. Muse Bihi and Abdirahman Saylie were confirmed as President Elect and Vice President respectfully.
Mr, Bihi was touched emotionally by the margin of the win. He is first ever elected Somaliland President with overwhelming majority. In his first public speech as President elect, he showed humility and spirit of thankfulness. After thanking his followers for the trust they bestowed upon him, he expressed the burden of leadership and his unreserved endeavour to unite the nation . Here under is his speech, translated from Somali.
IN THE NAME OF ALLAH THE MOST MERCIFUL, THE MOST GRACIOUS
All thanks to Allah, then to my Kulmiye supporters, and to all citizens of Somaliland. I am humbled and honoured to win the trust of my people with this enormous margin.  I feel intense with the obligation of responsibility. I realise the huge tasks in front of me, to address the immense needs of my people. I shall be President for all, those who voted for me and those who did not. 
First and Foremost I appreciate the smooth running of our electoral process, with the outcome of all accepted free and fair election, as a historic landmark for our country. Let me thank the NEC, the Police and National Army, and above all our peace loving, well mannered and democratically oriented public. We did a great job. The whole nation deserves to be praised. It is not Kulmiye’s victory, not mine, but victory for all of us. The Nation won. It is not me and you, it is all of us who succeeded.
Disputes are human nature. Families quarrel. A father and son squabble, so a mother and daughter. We contested an election with exciting campaigns, bruises and scratches happened from all parties. It is nothing but a part of the game. There is no enmity between us and no hard feeling at all. Each one of us wants to develop and secure our national interest. We have different means to do that. We presented these differences to our people and the people decided. That is why we all prevail.
I feel that I am not the sole winner, UCID and WADDANI candidates as well triumphed. They contested peaceful and spotless campaign that attracted the eyes of the world. The congratulations and commendable message from  International Election Observers, the friendly countries and the world at large is the result of our combined undertaking. Together, we made our people proud and put our country celebrated worldwide for its democracy, a rare attribute to a developing country, lest unrecognised one. We raised our status to be recognised as an independent and sovereign nation. A  sacred mission we all seek to accomplish.
I will let no stone unturned to remedy any grudge or resentment any Party feels, I will bring all of us, the three political Parties and their leadership to unite for the common good of our Somaliland. We cannot avoid disunity at these critical times. We have one enemy. That enemy is neither mine nor yours it is our enemy, and we have to unite against him. I welcome my yesterday adversaries as my brothers, with open hand and clean heart to preserve the unity of the nation. United we can move mountains, divided we will fail.
Needless to say, what we share is overwhelmingly more than the tiny differences we have.

Thank You and Allah bless you.
Long live Somaliland, Viva Kulmiye. May peace and Allah’s mercy be with us all.   
HE MR. MUSE BIHI ABDI
 PRESIDENT ELECT,

REPUBLIC OF SOMALILAND

http://samotalis.blogspot.com/

15 November, 2017

WARKA LA TALIYAHA MADAXWAYNAHA SOMALILAND DHANKA ARIMAHA DHAQAALAHA OO W...





MUSTASHAR AXMED CARWO OO QARANKA, KOMISHANKA DOORASHOOYINKA, SEDDEXDA XISBI QARAN SIDA NABADDA AH EE NIDAAMSAN EE DOORASHADA LOO GALAY ISAGA OO KU TILMAAMAY INAY TAHAY GUUL QARAN OO MUWAADIN KASTA MUCAARID IYO MUXAAFIDBA LEEYAHAY...WAXUUNA KA HADLAY XILIGAN XASAASIGA AH ISAGA OO KU BAAQAY...



http://samotalis.blogspot.com/

30 September, 2017

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

Mustashar Axmed Xasan Carwo


Waxa aan si taxadir leh idiinku soo qadimi doonaa kuna qoran af iyo hab shacab weynha aan aqoon dhaqaale lahayn loo fahamsiiyo, barnaamajka Murashaxiinta Madaxtooyada ee Kulmiye ay ummadda u soo qadimayn oo noqonaysa axdi ay la galeen bulsho weynta Somaliland.
Dhaqaalahu kuma kooban hawl maalmeedka Wasaaradda Maaliyadda ee waa mid xukuumad iyo shacbiba siyaabo kala gedisan u taabanaaya. Uma jeedo cashuurta oo si dhab ah u taabanaysa ruux kasta oo dalka ku siman amba siyaaraba u yimaada muwaadin iyo ajnabiba. Waxaan u jeedaa in dhaqdhaqaaga ganacsi iyo wax soo saarkuba si toos ah u taabanaayo dhaqaalaha kordhis amba dhimisba. Si sahlan haddaan u bayaamiyo oon matal u qaadano hawlaha Wasaaradaha Wax soo saarka leh sida: Beeraha, Xoolaha, Ganacsiga iyo Wershadaha, Macdanta iyo Tamarta, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Deegaanka,Duulista iyo Dekedaha, Kaluumeysiga iyo Biyaha intaba waxay yihiin qaar si toos ah u abuura dhaqaalaha. Intaas kuma koobna ee waxaaba la yidhaahda dhaqdhaqaaq kasta oo admigu sameeyaa dhaqaalaha ayuu cilaaqaad la leeyahay. Haddaba iyada oo barnaamajku si gooni gooni ah u eegaayo Wasaaradaha wax soo saarka, aan ku bilowno sida barnaamajku u qoran yahay, qodobada ugu muhiimsan inaga oo diiradda saari doonaa doorka wasaaradda Maaliyadda.
1.       La-dagaalanka saboolnimada.
Waajibka saran xukuumad dadkeeda danaysaa, waxa kow ka ah inay nolosha dadweynha kor u qaado. Waxa safka hore ka galaaya inay danyarta noloshooda si toos ah hore u qaado inta kareenkeeda ah. Si taas loo dhaqaajiyo, waxa barnaamajku balan qaadayaa :

  • ·         Waxa kor loo qaadi doonaa dakhliga danyarta, iyadoo la siin doono awood dhaqaale oy u furtaan meherado iyo ganacsiyo yaryar.
  •       WAxuu dhiirigelin doonaa sidii loo samayn lahaa hay’ado maaliyadeed oo kaaliya bulshada danyarta ah
  • ·         Waxuu xoogga saari doonaa sidii ayna bulshadu u kala tegteen ooyna u abuurmeen dabaqado dhaqaale oo aad u kala sareeya.
Aan faalayno sida seddexdan qodob ay u hirgeli karaan. Hay’adha maaliadeed wax ka mid ah sanduuq loo xadido danyarta ooy xukuumaddu hormood ka tahay bal se ay gacan laga heli doono muwaadinka qurbo jooga ah, iyo kuwa gudahaba iyo isla markaas Xukuumadaha saaxiibka aynu nahay iyo hayadaha caalamiga ah.  Waxa la dheeri gelin doonaa abuurista iskaashatooyin iyo shuraake ay danyartu wax isku darsato, lagana caawiyo suuqaynta wax soo saarkooda miyi, beeraley iyo magaalaba. Iskaashatooyin Beero iyo Kalluumeysato. Waxa Iyana la gacan qaban doonaa in danyarta la siiyo mudnaan gaar ah dhinaca shaqaaleenta iyo bixinta waxbarasho.

Waxa jira mawaadiic si dadban u gargaaraaya danyarta sida: La dagaalanka Sicir Bararka iyo xoojinta isticmaalka shilinka, ilaalinta suuqa xorta ah iyo la dagaalanka monoboliga, iyo tan ugu weyn ee ah casriyeynta maamulka iyo yoolka cashuuraha. Dalkeena manta cashuurahu wax yar mooyee waa qaar ku dhisan Cashuurta Dadban oo u badan tan kastamka ee bedeecadaha la saaro. Taas oo culeeskeedu (Tax burden) uu si gaar ah ugu dhaco danyarta. Waxa inta awoodeena ah si joogta ah loo hore marin doonaa cashuurta tooska ah (Direct Tax) ee la saaro macaashka muwaadinka. Taas oo u dhow cadaaladda, kuna dhisan waxa ruuxu macaasho sharkad iyo fardiba. Halka manta Matalan cashuurta raashinka ay danyarta iyo qanigu isku si u sarantay. Kolka cashuurta tooska ah hore loo mariyo waxa suurtagal noqonaysa in cashuurta raashinka la dhimo amba aan marna la kordhin.
 Iftiimin yar, waxa ruuxa danyarta ihi dakhligiisa 80% ilaa 100% ku bixiyaa raashin iyo labiskiisa, kolka maal qabeenku ay tahay wax aan macno lahayn oo sifiro badani ka horeeyaan numab la soo qaadan karo. Taas ayaa ka dhigeysa in culeeska cashuurta kastamku si aad u xad dhaaf ah ugu dhacdo danyarta.
Mawaadiicdan sida dadban u taabanaaya danyarta, iyaga oo tafaasiil ah ayeynu mar kale booqan doonaa Insha Allah.
Barnaamakan oo hadafkiisu yahay inaynu si hawl yar u fahamsiino muwaadinka oo uu qiimeynteeda ku siiyo codkiisa Murashaxiinta Kulmiye ee axdigan la galay, waxaan si kookooban oo sahlan idiinku soo bandhigi doonaa silsilado maqaalo gagaaban ah iyo Video dhinaca Facebook iyo YouTube ka  ah, Insha Allah.

Halkan ka daawo video ahaan:

https://www.youtube.com/watch?v=6N-bi6X2AUg&feature=youtu.be

Tan iyo tu kale salaami korkiina ha ahaato.

U CODEE KULMIYE SI AAD U HESHO BARNAAMAJKAN NOLOSHAADA KOR U QAADAAYA.

Mustashar Axmed Xasan Carwo



http://samotalis.blogspot.com/

13 September, 2017

Somaliland: The 2018 Somaliland National Budget in Conjunction with Presidential Election.

Somaliland: The 2018 National Budget in conjunction with Presidential Election
Ahmed H Arwo,
Somaliland Presidential Economic Advisor



This year Somaliland national budget needs broader consideration, as it is nearly certain that new leadership will take power at the start of the year. The governing party leadership should have their input in the coming budget. The vision of Presidential candidate of the governing party should be given top priority. By any standard review and revised budget by the new leadership is a must.  This is normal as a governing party ensures continuity of its plans and injects new projects and schemes seen as essential by the new leadership. 

The idea of preparing and planning for better budgeting is within the principle of better accountability. It is cornerstone for enhanced resource management and strengthening good governance. It ought to give an amble time for discussion, consultation, and review prior to its approval in Executive and the Legislative bodies. On the other hand, nearly every item in the budget is flexible, and the government has the possibility of redirecting expenditure or making changes in both revenue and expenditure. That flexibility calls for broad involvement and practical participation of line Ministers throughout its preparation.
Budgeting as part and parcel of national planning starts with President’s vision shared with and committed by the cabinet and tunnelled down through government hierarchy. Leadership provides prioritized resource allocation and targets on social, economic and industrial activities of the nation.

The National Budget has to be developed and properly linked with National Development Plan. There ought to be coordination between all government departments in executing their duties to serve a common purpose and to realize leadership vision. Above all cooperation between MoF(Ministry of Finance) and MoP (Ministry of Planning) is a requisite for a viable and visionary plan that can be tied up with fiscal frameworks both medium and operational.

KULMIYE government led by HE President Ahmed Mohamed Silanyo, improved public confidence in government. Expectation was high. This made all our budgets highly stretched which calls out for continuous undertaking to make it achievable. It reflects more than anything else, the desire of the government to reserve no energy in serving public for better quality of life. A budget increase from a mere 45 Million US Dollars in 2010 to over $363 Million for 2017 budget is beyond normal growth.

Dedication to financial efficiency both at collection and distribution points played a momentous role in this colossal increase.

Despite extraordinary energy and commitment to enhance the know-how of our staff, yet the capacity and technical know-how is comparably low. With that in mind, collection of data and its analysis should be improved for better decision making. That is necessary to formulate fair and progressive budget across the nation.

Though a remarkable improvement is made in due course, yet we have not realised all ingredients of modern budget.
 The new KULMIYE Presidential Candidate Mr. Muse Bihi, more than once accentuated his vision regarding financial control and good governance built upon premises to engage war on corruption and mismanagement. This calls for proper, well defined budget where rules and roles are clearly defined, and responsibilities and authorites are unmistakably distinct. Mr. Bihi also underlined the need of fair and equal distribution of resources.
 Budget with that vision needs careful and in-depth analysis of all variables and factors that influence both macro and micro-economy across the nation, by sector and by district. Hefty this task is, it cannot be realised within one budget term but should be the target to realise it, sooner possible and of course within the term of Bihi’s Presidency. 
 A comprehensive and inclusive planning covering all sectors of government departments and agencies is necessary.

The following has to be considered for an input:

Economic parameters i.e. future rate of inflation, and exchange rate.
Macroeconomic statement, covering GNP and employment level.
Coordinated and shared Budget priorities
Departmental ceilings and targets.
Regional and district sub-budgets (Devolution)
Agreed organization of budget preparation (Timeline schedule)

All these necessitates inter-ministerial coordination and across board cooperation of all departments and agencies.

For better forecasting the following are necessary:

Line ministers are responsible and liable for drawing and implementing policies in their sector. In line with overall targets and priorities, they should be responsible for developing sectoral policies and budgets.
Ministries should have professional capacities to collect and analyse essential information needed for trade-offs among projects and programmes.
They should be responsible to formulate guidelines for their departments and dissecting their draft budgets.
Ministry of Finance has the leading role in budget preparation, coordination, reporting, monitoring and controlling.
MoF should have sufficient authority and power to ensure both fiscal targets and strategic prioritization among sectors.
MoF establishes guidelines for preparing Ministries’ programmes.
It reviews line ministers’ requests, scrutinizes, and adjusts against fiscal policies.
MoF facilitates decisions on major policy choices and allocation of resources, but do not make these decisions all alone.
Equally MoF has to review and screen requests, and not prepare them.


Complex interdependency of macroeconomic constraints as well as government revenue and expenditure needs technical and statistical in-depth analysis. A higher economy growth will most likely lead to increased employment and a corresponding increase in income tax revenue. Higher incomes tend to increase consumption with a resulting increase in custom duties of goo ds. A drop in the unemployment level will have the same effect as it will increase direct tax rev enue. Vice versa results will be achieved from opposite economic trend.


CONCLUSION:

 Visionary input must be the guiding principle and should be physically present.
 Regional involvement will enhance democratization of national resources allocation.
 Due to lack of technical capacity in most Ministries and with good faith, MoF is obliged to extend its contribution taking an extra burden to complete budgetary processes.
 Complete practical review of budget system in each and every level is necessary in order to improve fiscal management.
 A full-fledged civil service reform to raise public sector efficiency is positive and essential contribution to good governance and accountability needed for better budgeting and efficient resource management.

Complex interdependency of macroeconomic constraints as well as government revenue and expenditure needs, technical and statistical in-depth analysis. A higher economy growth will most likely lead to increased employment and a corresponding increase in income tax revenue. Higher income tends to increase consumption with a resulting increase in custom duties of goods. A drop in the unemployment level will have the same effect as it will increase direct tax revenue. Vice versa results will be achieved from opposite economic trend.

 According to the vision of fair distribution of national resources, as Presidential candidate Mr. Bihi underscored, tax reforms are essential to enhance the principle of affordability, and fairness. A progressive system of taxation will reduce the heavy burden of indirect tax on the citizens at the lowest level of economy ladder. 


Ahmed H Arwo
Somaliland Presidential Senior Economic Advisor


https://www.facebook.com/aharwo/

http://samotalis.blogspot.com/

30 August, 2017

Aqoonyahan Mustashar Ahmed Hassan Arwo oo ka hadlay arrimo xasaasi ah







Aqoonyahan Mustashar Axmed Carwo, La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha ahna kaadiriinta xisbiga Kulmiye ayaa ka waramay arrimo xasaasi ah oo la xidhiidha xisbiyada, doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo deganada.



http://samotalis.blogspot.com/

30 July, 2017

Lataliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee Arimaha Dhaqaalaha



Waa hadal kooban oon ka jeediyey xik-wareejintii Wasiir Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir Axmed Xaaji Daahir, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Tiknolojiyada iyo Cilmi Baadhista....Xisbinimo qoto dheer, Kulmiyenimo dhab ah iyo arrimo xiiso badan oo Kulmiye nagu dhex martay.

http://samotalis.blogspot.com/

13 June, 2017

SOCDAALKII GURMAD EE GALBEEDKA....AXMED CARWO


Shalay 11 June 2017, waxaanu Hargeysa ka baxnay 7.30 subaxnimo, waxaanu ahayn wafdi uu hogaaminaayo Murashaxa M/W Kulmiye Muuse Biixi. Waxaa socdaalku ahaa gurmad iyo socdaal Xog raadin ah. Gurmud u jeeda magaalooyinka Wajaale iyo Borama oo shuban biyood ka dilaacay.
1-Isbitaalka Wajaale, waxa nalagu siiyey Xog waran iyo tafaasiil buuxda shubanka oo hadda si haaboon loo mareeyey, tirada dhimashada iyo bukaan socodka cusubina ay aad hoos ugu dhaceen. Waxa maamulku ka cowday leydhka oon line Ku xidhnayn shirkadda ugu dhowina ka dalabtay $2500.00, oo rakibaad ah iyo lacag ay ugu baahan yihiin nadaafadda guud iyo biyo gelin. Waxa kale ooy sheegeen shaqaale Ku meel gaadha oon guno helin.

Murashax Muuse, waxuu bogaadin iyo mahadnaq shaqaale dabadeed uu halkii ugu dhiibay Maamulka isbitaalka Wajaale lacag dhan $22,500. isagoo ku taaktaaksaday sida ay waajib u tahay in wadajir loo gurmado, shacbi iyo xukuumad iyo xisbigeeduba xiliyada adag ee ina soo mara. Waxa iyana halkaas wasaaradda caafimadku ku dhiibtay xooga daawo ah, iyaga oo balan qaaday dawooyin kale oo dhakhso uso gaadhi doona, ooyna marna jirin daawo yaraan, ee ay qorshe dhan fuliyeen oo la xidhiidh baahiyaha daawooyinka ee dalka guud ahaan.
Lacagtaas ooy tabaruc ahaan xisbiga u soo gudbiyeen taageerayaashu.
Waxas aad ugu farxay maamulka iyo shaqaalaha oo runtii kaga fal celiyey farxad iyo mahadnaq.Iyoo balan buuxa ku qaaday inay heegan u yihiin u adeega bulshada xaalad kasta oo taagan.
2-Waxa noo xigtay Isbitaalka Dhexe ee Borama. Warbiixn maamulka caafimaadka iyo maamulka gobalka iyo degmada, dabadeed waxa Murashax Muuse ku gudoonsiiyey lacag dhan $30,000.00 (Sodon Kun oo Dollar), taas oo ka kabi doonta baahiyaha ay sheegeen ooy ugu weyntay tan la xidhiidha shaqaalaha mu meel gaadhka ah. Murashaxu waxuu si tafatiran ula dardaarmay ilaalinta nadafadda guud, isaga oo la hadlaaya bulshada gaar ahaan dan yarta oo la sheegay inay labada xaafadood ee ay u badan yihiin ay tiro ahaan ugu badan yahay xanuunku, xafadaha Shacabka iyo Cismaan Nuur. Waxuu kiu booriyey inay maqlaan dardaranka iyo talooyinka dhakhaatirta iyo adeegayaasha caafimaad. Waxuu xusay shaqaalaha caafimaadka qaybta nadaafada iyo ka-kaaliyaasha xanuun jiifka kaadida, iyo saxadada ka guraaya, kana nadiifinaaya, kolka badan keena xataa ka cabsoodo inay soo galaan gudaha isbitaalka.Image may contain: 1 person
Waxa iyana Wasaaradda Caafimaadka iyo Maaliyadu ku wareejiyeen kaalmo daawo oo mug weyn, iyaga oo xaqiijiyey inay hayaan qorshe isku filaan helitaanka daawo ee dalka guud ahaan. Waxa iyana baabuur qalabaysan iyo shaqalaha ka hawl galaayey dhinaca nadaafadda iyo buufinta meelaha looga baahdo guddonsiiyey Golaha Deegaanka ee Caasimadda, Hargeysa.
3- Waxa iyana aanu booqanay xabsiga Dhexe ee Borama, iyada oo si taxadir leh oo ku dhisan maamulka xabsiga iyo ilaalinta maxaabiista aanu gudaha u galnay. Kormeerka dabadeed waxa hadal kooban ka jeediyey Murashaxa iyo Wasiirka Madaxtooyada, kana hadlay daryeelka iyo gurmadka caafimaad ee ay qaybna siiyeen, balana ay qaadeen. Waxa wasiirku sheegay inay dhexso loo dhaqaajin doona dhismaha xabsiga cusub oo dhul weyn loo dayray. WAxa kale oo wasiirku ugu bushaareeyey in Madaxweyne Axmed Maxamed u fidiyey cafis guud maxaabiista aan ku xidhnayn xaq aadmi, barakada bishan Ramadan. Taas oo wajigii maxaabiista u bedeshay mid farxad iyo mahadnaq isagu jira, oo aad ugu sacab tumeen.Image may contain: 1 person
Intaas kolka socdaalkii rasmiga ahaa ku dhammaaday, waxa isla maalintiiba noqday qaybtii xukuumadda, waxaanu ku soo hadhnay intayadii xisbiga ee uu hogaaminaayey Murashaxu.
Waxaana habeenkii oo dhan ay noo ahayd kulamo wadajir iyo koox kooxba aanu u galnay, oonu la kulanay hawlwadeenada xisbiga Kulmiye ee Degmada, iyo Gobalkaba, iyo Xildhibaanada Golaha Deeganka xisbiga oo ah 14 xildhibaan Waxaanu dhegeysi iyo doodba la galnay sidii loo dardar gelin lahaa hawlgalka xisbiga, iyo sidii waxqabadka iyo talooyinka loo mideyn lahaa. Waxaanu dhegeysan afkaar xoor ah oo lagu qiimeeyey kaalinta xisbiga iyo hanashada guusha dariiq loo maraayo. Waxaanu isla meel dhignay in wadajir loo dhaqaajiyo talaabooyin horumar ah oo lagu rumeeyo guusha xisbiga. Hadafkuna ahaado in mar walba la tiigsado hormar ka sareeyey kolba halka la joogo. Horumarku ma leh meel uu isku taago, waana in la helaa qorshe lagu jeexo guusha muuqata ee hanashada qalbiga dadweynha si aynu u hantino mar labaad hoggaanka dalka.
Runtii waxuu ii ahaa aniga socdaal waxqabad, socdaal is qiimeyn ku dhisan runta iyo waaqica jira, iyo hawl wadeeno u guntaday ka midho dhalinta doorashada Madaxtooyadal. Waxay hawlwadeenada iyo haldoorka shacbigu balan qadeen inay Awdal tahay gobal taageero u haya xukuumadda iyo xisbigeeda, ayna ka go'antay xaqiijinta guusha Kulmiye. Dhinaca hogaanku waxuu balan qaaday inay caqabad kasta oo jirta ay xalin doonaan, ayna keeni doonaan qorshe iyo dariiq cad oo min hogaan ilaa xubin xisbiyeed tuulo lagu wado shaqeeyo, hawsha qalbigeednuna tahay isku duubnanta bulshada gobalka iyo maamulka gobalka ee xisbiga, ayna tahay tan lagu rumeyn karo hiigsiga Kulmiye, waxii taageero ah ee dabada ka yimaadaana tahay badhi taar uun. Waa in Gobalku isku tashadaa, oo ay wadajir ku hawl galaan waxii ay hogaanka uga baahdaana diyaar loo yahay taakulo iyo talaba. Wadajirka iyo wadashaqaynta Gobalka ayaa dhalinaysa in isku xidhka maamulka dhexe ee xisbiga iyo Gobaku wuu noqdo mid dhammeys ah oo waxtar ah. Waana taas tan aanu ka soo shaqaynay oon u soo jeexnay tubtii loo hirgelin lahaa.
Socdaal xukuumad iyo xisbiba ku soo dhammaaday guul iyo wanaag.
Waxaanu isla maalintii xigtay Isniinta 12/06/2017 ka soo ambabaxnay Borama 8.30 subaxnimo.


Guul iyo midnimo.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
063 4242077


http://samotalis.blogspot.com/

08 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO GEERIDA MARXUUM KEENADIID C/KARIM JAAMAC

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta, qaraabada iyo xisbiga Kulmiye U.K, ee uu ka baxay

Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo 7/05/2017 ku geeriyooday dalka Ingiriiska ee U.K. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa gobalka Sool ee ay xuduntiisu ku aasnayd.

Keenadiid waxuu xisbiga Kulmiye si xamaasad leh oo niyad ah ugu soo biiray socdaalkii kal hore Guddoomiye Muuse Biixi oon la socday ku tegay U.K. Waxa xusid mudan inuu ku biiristiisa ku sababeeyey murashaxnimda Muuse.
Marxuum Keenadiid waxuu ahaa nin aftaham ah oo wadaniyad lexaad lihi qalbigiisa fadhido, nin qarannimo ka door biday qabiil, nin mabda' ka raacay mansab. Intaan London joogay qayb ka mid ah socdaalka waxaa si joogto ah wehel ii ahaa Keenadiid oon ka helay xogo badan oo Sool iyo duruufaheeda ah. Nin hammo dheer lahaa ooy u muuqatay Somaliland oo mustaqbal wacan ka soo ifaayo. Nin diyaar u ahaa ololaha doorashooyinka oo uu tabaabushaha ugu jirtay imaatinka dalka iyo inuu qayb libaax ka qaato ololaha KULMIYE.

Waxaan si gaar ah u xusuustaa qudbadii uu ka jeediyey kulankii Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK kana dhacday London iyo tii la midka ahyd ee Murashax Muuse loogu qabtay isla London..qudbad quluubta dadka gashay, oo si xirfad leh oo xikmad, waayo-aragnimo iyo taariikh ka buuxdo uu madasha si heer sare ah uga akhriyey. Waxay ahyd qudbad si cad u bayaamisay shakhsiyadda marxuum Keenadiid.

Alle ha u naxaraiisto Marxuum Keenadiid, qabriga ha u nuuro, hana u waasiciyo, oo ha uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardaws. Ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo duco iyo samir.

Inaa Lillaah wa inaa illeyhi raajacuun.

Mustashar Axmed Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
00252 63 424 2077

http://samotalis.blogspot.com/

17 March, 2017

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Nairobi ( )- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID.
Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.
Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay'adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.

Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.
Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.
Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka BiyahaMd. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

http://samotalis.blogspot.com/

06 December, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM AXMED AADAN CALI (GOODIR)


DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM  AXMED AADAN CALI (GOODIR)



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba, gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo uu ahaa musdambeedka amran.

 Marxuum Axmed waxuu ii ahaa aabbo oo kale nin aad u yaqaanay aabahay oo wax badan iiga sheegay, anna aan fursad u helay inaan la shaqeeyo. Waxuu ahaa nin talooyin badan i siiyey xili aan u baahnaa, nin wax badan oon ku dhaqaaqi lahaa iga qabtay, ii sheegay in siyaasaddu tahay samir iyo dulqaad. Waxuu ahaa nin ila jecel meel weyn iyo xil culus tamartiina xaawilay. Waxuu ii sheegay in kolka wax culus iyo meel adag arrin kaa galo inaan dagaal la qaadin iyo inaan laga cararin ee la xamilo, lana sugu fursad guul lagu gaadho. Waa talo aan ku dhaqmo wanaagna aan ku gaadhay. Waxuu ahaa siyaasi hadal cad oo geesi ku ah fikirkiisa, yaqaanay xiliga weydha la rito iyo xiliga aamuska yahay tabta ugu fiican.

Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) waxa uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo taariikh wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka, waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose, waxa kaloo uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, waxa uu doorka wayn ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee waddanka iyo dadaalladii dawlad dhiska Qaranka Somaliland.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

http://samotalis.blogspot.com




http://samotalis.blogspot.com/

21 November, 2016

Somaliland:Barnaamijka ARRIMAHA BULSHADA Waraysi Lataliyaha Madaxweynaha...



Mustashar Ahmed Arwo oo arrimo badan ka hadlay oo muhiim ah. . Xisbiyada iyo khilaafadka shirarkooda..go'aamada Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cabdirahman maxay ku kala duwan yihiin. . Abaaraha iyo deeq uu bixiyey. ..qurbajoogu siyaasadda dalka ma xoorto ayey ku haystaan. Waa ayo qurbojoog. . .doorashada iyo abaarta culeeskooda. ..iyo...iyo..daawo oo ka bogo.

http://samotalis.blogspot.com/

16 November, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII AFRAAD...MUSTASHAR AXMED CARWO

Qaybtii seddexaad waxaynu ku soo qaadanay socdaalkii Bristol qaybtii maalinnimo oo ahayd kulan haldoorka Jaliyadda iyo Kulmiye iyo kulankii Mayorka Bristol. Waxa xigtay xafladdii habeenimo iyo kulankii laamaha Kulmiye iyo wafdiga. Isla habeenkii maanu seexan ee waxaanu u gudubnay London oonu gaadhnay 3.30kii subaxnimo (3.30 am)

Subaxii balanku waa Golaha Barlamaanka London iyo meel aad nooga durugsan iyo xarunta Mayorka London ee Tower Hill. Saxmad xad dhaaf ah iyo Tower Bridge oo xidhnaa waxay naga qaadatay saacado siyaada ah oonaan ku talo gelin. Waayo waxa noo qorsheysan kulan iyo casuumad ballaadhan oo Jaaliyadda Burco Bari nagu sharaftay oon is lahayn u soo nasta.

Waxa na qaabilay xubin ka tirsan xildhibaanada barlamaanka London, ma aha kuwa degaanka ee waa London Assemble. Waxa albabka hore naga kexeeyey Unmesh Desai AM, iyo Abokor Ciise oo ah muwaadin aad u uga hawl gala arrimaha xisbiga iyo qarankaba oo isagu booqashadan noo diyaariyey. oo si kal xaadhan oo diiran noo qaabilay. Waxuu Mudane Desai nagu soo wareejiyey dhismayaasha xarunta iyo hoolalka shirarka oo kala mug iyo qaab duwan . Intaas dabadeed waxa noo bilaabantay shir muddo dheer qaatay oo Guddoomiyahu ka waramay arrimaha dalkeena, taariikh, dhaqaale iyo kaalinta ay kaga jirto la dagaalanka argagixisada iyo tahriibta iyo waxaa aanu ka rabno dunida ay ugu horeysa xaqqa qarannimo eenu shuruud kasta buuxinay. Mr. Desai waxuu noo caddeeyey kaalinta Jaaliyadda Somaliland kaga jirto doorashadiisa iyo dhismaha magaalada London iyo barlamaankeeda. Waxuuna sheegay inay qaadan doonaan oo uu hormood ka noqon doono in ictiraafka Soomaliland iyo qadyadeeda la hor geeyo Barlamaanka London iyada oon ognahay in goloyaal deegaan aqoonsadeen.

Guddoomiye Muuse biixi waxuu guddoonsiiyey shahaadad sharaf xisbiga Kulmiye uu ku sharfay kaalinta uu kaga jiro Mr. Desai qarannimada Soomaliland.

Waqtigii iyo saxmaddii oo aad u sii korodhay, waxaanu qaadanay inayna nasasho jirin, ee shirka caawa oo ka dhacaaya isla Bariga London aanaan Galbeedkii iyo Hotelkii ku noqon. Waxaanu ku sii nasanay madcam Turki ah. Deedna waxaanu u boqoolnay Bariga Fog ee London, waa casho sharaf ay nagu casuumayn Jaaliyadda Bariga Burco, WAxa joogay boqolaal muwaaadin oo Suldaan leh, oo Xildhibaan Guurti leh, oo Caaqil leh, oo xildhibaano degaan leh odayaal iyo haldoorkii bulshada.

Waxay dhammaan ka hadlayn doorka ay ku lahaayeen guushii xisbiga iyo kaalinta maanta ooy si cad ku balan qaadeen inay ka sii korodho mmoyaane inayna hoos u dhacayn. Guddoomaiyha ayaa dhankiisa u mahadnaqay bulshada Bariga Burco ee degaankoodu yahay afarta Gobal ee lixda Gobal ee hore ka tirsan, Caasimaddana maanta ku leh degaan muhiim ah. WAxuu Guddoomiye Muuse sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo taageerada bulsho weynta Burco Bari oo aanu marna ka shakiyin, meel ay joogaanbana ay u muujiyeen kalgacal, abaal iyo taageero buuxda.

Waxay ahyd habeen farxadeed oo guushii hore ee kulmiye lagu xidhiidhiyey guusha soo socota Insha Allah, loona arkay in tiirarkeedu ay ku qotomaan  xidid dheer oon baacooda dabaylo leexin karin. Bulsho xisbinimada aaminsan, oo mabda isu keenay iyo dhismaha qaranka iyadoo la sii xoojinaayo guulaha uu keenay Madaxweyne Axmed Maxamed iyo ambaqaadka siyaasadiisa midnimada iyo horumarku hagaayo.

Habeen kale iyo guure aanu la hoyanay farxad iyo reynreyn..

Guul iyo Midnimo

Mustashar Axmed Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

10 November, 2016

Somaliland: Lataliye Axmed xasan carwo...qudbaddii Shirkii Laamaha Yurub...


Qudbaddii aan ka jeediyey Shirkii Laamaha Kulmiye ee Yurub iyo Helsinki...Xisbiyadii 60kii ee NUF iyo SNL..siday ololaha doorashada u kala duwanaayeen..Kulmiye siduu ahaa 2014...Imtixaanka Madaxweynahu ka qaaday kaadiriinta Kulmiye siday ahaayeen, yaa se ku guuleystay...Kaga boqo qudbaddan,,iyo arrimo kale oo badan...
http://samotalis.blogspot.com/

03 November, 2016

SOMALILAND: KHUDBADIHII WAFDIGA GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE BRISTOL 12/10/2016







KHUDBADIHII WASIIRADA IYO LA-TALIYAASHA LA SOCDAY GUDDOOMIYHA IYO MURASHAXA MADAXTOOYADA EE KULMIYE MUUSE BIIXI IYO BRISTOL 12 OCTOBER 2016

http://samotalis.blogspot.com/

02 November, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN..QAYBTII SEDDEXAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO

Qaybtan seddexaad waxaan ku soo qaadan doonaa Xafladdii  Bristol iyo booqashadii la xidhiidhay. Labadii cisho ee 10ka iyo 11ka waxaan markii iigu horeysay intaan UK imid gaadhay gurigeygii iyo Cardiff, Guddoomiyahuna waxuu labdaas habeen gaadhay Birmingham. Kulanka maanta waxaanu ka soo kicitimaynaa seddex meelood, Birmigham, Cardiff iyo London oo wafdiga intiisa kale ku sugnayd. Ballanku waa 11.00 subaxnimo iyo Bristol.

Waanu gaadhnay badi wufuuddii reer Kulmiye oo ka kala yimid magaalooyinka UK oo dhan, waxa se dhacday in wafdigii ka imanaayey London ay la kulmeyn jidka oo xidhan shil ka dhacay oogeyd. Waxay ka qaadatay 7 saacadood inay na soo gaadhaan. Kolkaan oganay waxaanu bilownay shaqadii loo yimid. Ugu horreyn waxa noo bilaabmay kulan albaabadu u xidhnaayeen oon la galnay haldoorka iyo aqoonyahanka Bristol ee reer Soomaliland oo dhan. Iyagaa taas dalbaday, anaguna aqbalka ayaanu lahayn.

Waxay ahyd kulan xogwareysi ah oo su'alo iyo fikir xor ah leysku dhaafsaday. Guddoomiyahu waxuu uga jawaabay su'aal kasta si tafatiran oo saraaxad ah. Waxuu tusaaleeyey caqabadaha dalka hor taagan ee dhaqaale yari ah, ee aqoon yari ah, ee ictiraaf la'aan ah iyo haddana guulaha waaweyn ee laga gaadhay intii Kulmiye xukunka hayey iyo qorshaha cilmiyeysan ee u yaal horumarinta dalka.

Waxa xigtay kulan kooban oo odayada iyo waayeelka Kulmiye Bristol ay booqasho, isbarasho iyo salaan ah, si gaar ah waxa kulan kooban nala yeeshay Haldoorka ka soo jeeda Sool iyo Buuhodleh oo noo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin wax qabadka Madaxweynha iyo xukuumadda Kulmiye si gaar ahna u taabtay doorka wacan ee Kulmiye ku lahaa diiwaangelinta goballadaas.

Qadadii oo ahayd mid boqolaal qof lagu casuumay ka dib maanu nasan ee waxa noo qorshaysanaa kulan ballaadhan oonu la lahayn Mayorka Magaalada Bristol Mr. Marvin Rees iyo boqoshada Xarunta degaanka Bristol. Waxa ballanka ka soo shaqeeyey laba hablood oo aad muhiim ugu ah Jaaliaydda Somaliland ee Bristol, waa xildhibaan Hibaaq Jaamac iyo Nuura Abbe. Waxa naloo sharxay shaqo malmeedka Golaha Degaanka, iyo miisaaniyadda Golaha. Guddoomiyahuna waxuu kala hadlay isku xidhka Bristol iyo Somaliland, iyo kaalinta ay kaga jiraan Jaaliyadda Soomaliland ee degan Bristol. Waxa kulan gaar ah dhinac socday barnaamajka mataanaynta Bristol iyo Berbera ooy si gaar ah ugu hawlantay Nuura Aabbe.

Wafdigii London ooy ka mid ahayeen Wasiir Salaymaan Xiglo-toosiye, Wasiir Cabdillaahi Cukuse, Wasiir Cali Shoombe,waxay na soo gaadheen habeenimadii iyaga oo aad u soo daalay bal se aan ka nasan hawsha sugaysa. Waxa noo bilaabantay xafladdii Bristol iyo Cardiff ay wadajirka ku soo abaabuleyn oo meel la kala fadhiisto la waayey, dad badanina ay debedda tubaayeen. Aan idinku dhaafo sawirada xafladdii oo idiin muujinaya farxadda iyo taageerda Kulmiye kala kulmay Bristol ..

Dabcan waxa ugu muhiimsan kulanka Jaaliyadda iyo Wafdigu waa xog-waranka iyo khudbadaha ay ka jeediyaan xubnaha Wadfiga. Aan idinku dhaafo linkan halkan hoose iyo khudbadihii xubnaha wafdiga;
DAAWO OO KA BOGO KHUDBADO MUHIIM AH GUJI LINKAN HOOSE:

https://www.youtube.com/watch?v=J-fw5sVgUtM

Waxa xafladda soo xidhay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi oo kaga hadlay khudbad kooban bal se taabanaysa waayaha dalka, hiigsiga iyo himmilada Kulmiye, wax qabadkiisa, carqaladaha ina horyaal, kaalinta qurbojooga mid qaran iyo mid xisbiba. Guji linkan hoose oo ka boqo khudbad aad u qiimo badan.

DAAWO HIIGSIGA IYO HIMMILADA MURASHA MUJ; MUUSE BIIXI

https://www.youtube.com/watch?v=WOW-26Evjhs


Gun iyo gabogabo..waxa bulshada Bristol caddeysay in xisbigoodu yahay Kulmiye, inay yihiin qurbojoog qalbigoodu ku xisdhan yahay dalka hooyo.

Guul iyo Wadajir

Mustashar Axmed Carwo

samotalis@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

29 October, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII LABAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO

KULANKII HALDOORKA JAALIYADDA SOMALILAND EE UK IYO MURASHAXA MADAXWEYNHA EE KULMIYE

Waxa noo bilaabantay dhinacii labaad ee socdaalka waa kulamadii Murashaxa Madaxweynha ee Kulmiye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Boqoshada hoteelka ee qaraabo, asxaab iyo muwaadin waxa barbar socda kulamo sifo rasmi ah loo agaasimay oo jaaliyad iyo garabo dawladda dalka UK ka tirsanba leh.

Laba xafladood ee Birmingham iyo Sheffield lamaan socon oo wafdiga waxaan kaga daahay Passportkii oo iga lumay, oon bedelkiisa Addis u joogay. Waxaan se ka daawaday Tvga oo xafaldo heer sare oo Murashaxu ku soo bandhigay qaybo ka mid ah barnaamajka Kulmiye ee dorashada 2017 iyo hiigsigiisa iyo hummiladiisa hogaameed.  

Waxa ugu horeysay habeenkii xigtay, habeenkii weynaa ee Kulnakii Madaxweynha een qaytii kowaad kaga soo hadlay. Xafladdan caawa oo ah 9 October 2016, waa hotel kale iyo fagaare xul ah oo haldoor iyo aqoonyahanka Somaliland ay ku casuumeyn Murashaxa iyo xog wareysi inagu cusub. Waa su' aalo aan hore loo shaacin oo ruux kasta fursad loo siiyey inuu Murashaxa ku gano, si loo helo mabda'iisa, dulqaadkiisa, aftahankiisa, aqoontiisa iyo ugu horeyn hogaamintiisa.

Mey ahayn sidii cadada ahyd in su'aalo la soo qoro, deedna la kala doorto. Waa su'aal iyo ninkeeda amba gabadheeda oon hore loo ogayn. Anoo idinku dhaafaaya warbixin kooban oo video ah, aan idin xusuusiyo, qodobada nuxurka jawaabaha Murashaxu ku soo uruurtay oo aad u kooban. Waa ani iyo caqligeyga intaan ka doortay, ee ma aha inta ugu muhuumsanayd, ninba meel ayaa u culus. Barnamajku waxuu socday ku dhowaad seddex saacadood. Markaas waad garan karta inta yar een shegey intay ka tahay.

GUJI HALKAN OO DAAWO:

http://halgannews.net/articles/2187/DaawoHaldoorka-Magaalada-London-Oo-Muuse-Biixi-Suaalo-Ku-Dhego-Barjeeyey-Kulan-Dheerna-La-Qaatay

1- Murashaxu waxuu culays saarayaa nabadgelyada, difaaca qaranka iyo qofka. Waa in la dhisaa ciidan, boliis, sir doon tayo, qalab iyo tababarba leh.Taas si loo helo waa in sharcigu shaqeeya, boliiska iyo garsoorka guud ahaan madax banaanadaan, awood fulineedna yeeshaan, qalab iyo mushahar ay ku hawl galaana la door bido. Waa in sharcigu noqdaa mid loo siman yahay oo lagu kala baxaa, lagu kalsoonaada, lagana baxaa xeer jabjabka.

2- Tayayenta Tacliinta, oo lagu sar jaro baahiyaha qaranka. Iyo in la sameeyo dugsiyo farsamo.
3- In La hirgeliyo barnaamajka Iskaa Wax U qabso iyo Shaqo qaran oo dhalinta lagu siiyo fursad ay dalkooda wax u qabtaan
4- In la dhiso lana hirgeliyo barnaamaj degmo kasta iyo gobal kastaba ay yeelato tartan isboorti oo joogta ah, si dhalinyarada looga baajiyo waqti firaaqaha iyo tahriibta. Tahriibtu waa aafo dunida oo dhan ka taagan, waana in aynu ka yeelano siyaasad cad oo dhiirigelisa shaqo abuurka iyo dhirigelinta isbortiga, iyo wacyigelin joogto ah kuna sabsan la dagaalanka maan dooriyaasha.
5- Dib u eegid ayaa lagu sameyn doonaa nidaamka maaliyadda guud ahaan gaar ahaan habka cashuur qaadista, iyada ooynu horumarinayno cshuurta tooska ah ee ku dhisan awoodda qofka iyo dakhligiisa (Income Tax), iyada oo aynu yareyn doono ku tiirsanaanta cashuurta dadban ( Indirect Tax) ee culayskeedu si gaar ah ugu dhaco dan yarta.
6-Maalgashiga muwaadin iyo ajnabiba waxuu ku dhisnaan doonaa baahida dalka iyo faa'iidoonka guud ee laga helaayo. Waxa la dhiirogelin doonaa wax soo saarka beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha. Dhaqaalaha dalku waxuu ku dhisnaan doonaa in degmooyinka dalka oo dhan la gaadhsiiyo, weliba kuwa dambeeya kor loo qaado, iyadoo la dhiirielinaayo maalgashiga degmooyinkaas.   

Aan u dhaafo qiimeynta intii goob jooga ahayd, walow aan ogahay dareenkooda oo ahaa mid ay ku muujiyeen qushuuc iyo dhoola-caddeyn. Waxaan se ogaaday kolka dadku rabaan inay madaxdooda si niyad san ay u qiimeeyaan inay heli karaan cidda ku habboon hoggaaminta dalka.

Bulshooy qiimee ninkaad hogaaminta dalka u dhiibeyso, hoggaamiye waa nin looga baahan yahay go'aan qaadasho, nin wax dhegeysta, xusuus badan, samir badan, soo maray marxalado go'aan adag, nin dalka la wadaaga nolol iyo taariikh, nin dhaqan iyo diin wanaag leh. Nin dadka la tashada laakiin go'aanka isagu gaadha. Nin sharcigu qabto oon noqon sida kuwa ku faana meel haddii lagu magacaabo waa intaad baneysataa. Kuwaasi hadday hoggaanka qabtaan distoor xidhimaayo, sharcina qabanmaayo

Guul iyo Midnimo, Insha Allah

Mustashar Axmed Xasan Carwo


http://samotalis.blogspot.com/

24 October, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII KOWAAD..AXMED CARWO

Waxa aanu u dhaqaaqnay dalka UK, kooxdayada waxa na hogaaminaaya Madxaweyne Axmed Maxamed oo uu ku weheliyo Guddomiye Muuse Biixi. Madaxweynha oon marna ka nasan shaqo qaran xitaa xiliga uu fasax ku jiro, waxay ahayd inuu ku mashquulay isku-xidhka bulshaweynta Soomaliland gudo iyo qurbaba. Waxa aynu ognay in jaaliyadda U.K tahay halbowlaha Jaaliyadaha Somaliland oon ahayn keliya inay tahay Jaaliyadda ugu tiro iyo tayo badan, bal se ay tahay xundhurta ay soo gaadhi karaan Jaaliyadaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa bar kulanka qurbojooga Soomaliland.

Booqashada gurigu waa joogto, waa is dabo-joog, waa rag iyo dumar, waa ciroole iyo caruur. Waxa weheliya wararkii dalka oo meesha Madaxweyne joogaba waa Madaxtooyo. Dunida maantu waa xafiis joogto ah, is gaadhsiin is haysata, talo darafka ugu fog lagu gaadho oo meel kasta gaadha isla xiligaas, oon daqiiqadi u dhexeyn. Waxa xigta shirar, muwaadinku talo ku dhiibto, iyo mid cabashaba. Waa gogol fidsan iyo dhego furan.

Tii hoos hoose waxay ku soo biyo shubatay maalintii balanka mise aan idhaahdo habeenkii iyo fagaarihii il yartu is qabatay ee London. Goobtu waa hoolka weyn ee Kensington Town Hall, waa dul iyo hoos. Waana 8deedii October 2016. Habeen ku suntan farxad iyo damaashaad.Waa madal kulmisay reer Soomaliland, gole xarago, goob muujisay jaceylka ka dhexeeya shacbi iyo madaxdood. Waa dad qalbiga ka jecel dalkooda, uga yimid meheradahoodii una huray waqti iyo maalba. Niyad san iyo shucuur aan la sifeyn karin.  
Waa badheedhihii Madaxweynha oo uu ku soo koobay qudbad aan waxba dhaafin, wax qabad, carqalado, hiigsi iyo hogo-tusaalayn, dhib iyo dheef waxa la soo maray lix sano iyo dhiidhii ee uu mindida daabkeeda hayey. Waa guulihii Kulmiye oo qodobaysan oo si kooban oo farshaxnimo leh uu Madxweynahu u soo bandhigay. Aan intiina jecel ku dhaafo inaydun gujisaan linkan ood ka bogotaan..boqol iyo kow wax qabad ee tayo iyo tiraba leh, ee taabanaysa dalka hooyo gees ilaa gees..
Dhugo oo dhegeyso....waa tan ee guji halkan:
https://www.youtube.com/watch?v=-z4YPUW0Yjk

Midh kale ayaa raacday... waa mustaqbalka iyo aayaha ummadda.. Madaxweyne waxuu si cad u tilmaamay inuu dalka u soo xulay halyeel uu la jecel yahay inuu halkuu kaga tegay ka sii ambaqaado.Waxuu tilmaamay inuu la jecel yahay guul iyo horumnar xisbigiisa uuna toojka inoogu dhiibay nin ku suntanaa guulaha Kulmiye oon ahayn barbar ka fuul bal se shukaanta muddo hayey, guushii horana ku lahaa bal dahab ah. Waa nin uu Madaxweynuhu tababaray, tijaabiyey, imtixaanay, oo muddo soddon sano ah ay wada shaqyn ka dhexeysay, nin ay qadhaadh iyo macaanba isla soo mareen. Waa nin ugu dambeyntii iyo imtixaankii ugu dambeeyey uu ku siiyey bilad dahab ah. Madaxweyne waxuu inoogu baaqay inaynu is barbar taagno ooynu doorashada Madaxtooyada u codeyno Guddoomiye Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Cabdirahmaan Saylici, si ay u sii wadaan guulaha Kulmiye, wadajirka bulshada, aayaha dalka iyo dadka oo horumar dhaqaale, iyo mid bulsho la gaadhsiiyo.. Waa dardaran waayeel iyo nin in ka badan 50 sano dalkan dantiisa guud ku hawlanaa. Nin cimrigiisa siiyey Soomaliland.



Mid kale ayaa ii raacda. Waa dareenka bulshada goob jooga ka ahyd dhacdadan taariikhiga ah. Shuucuur dal jacey, dareen ixtiraam madaxdooda, calankooda iyo carigooda. Waa dad isaga yimid meel dhadheer , in badanai waxay u soo raaceen diyaarado iyaga oo ka yimid dalalka kale ee Yurub ilaa Maraykan. Waxaa ku duxday  fariin toos ah oo Madaxweynahu u gudbiyey, waxay guntadeen wanaaga aynu ku suganay inaanu ku iman dhayal, in loo baahan yahay dhowristiisa, kobaciisa, ilaalintiisa iyo in wax walba aynu ku eegno danta guud. Yaa ina gaadhsiin kara guul hore leh, yaa inga ilaalin kara cadow iyo kuwa jecel burburkeena. Macalin weyn iyo khabiir aan la labayn ayaa inoo tilmaamay.

Dhugo sawiradan oo wax ku qaado qaran is jecel oo wadajir, hoggaamiye dadkiisa jecel iyana ay ixtiraam iyo qadarin ta ugu sareysa u hayaan.

Dhowaan dadweynha waxa hor iman maalin ay ka taliyaan masiirka mustaqbalka Soomaliland, maalinta doorashada Madaxtooyada Insha SAllah..Dadweynha ayey u taala xaqiijinta himmilada iyo hiigsiga Madaxweynahu soo bandhigay.

Guul iyo Wadajir

Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com.

http://samotalis.blogspot.com/