Showing posts with label AHMED ARWO. Show all posts
Showing posts with label AHMED ARWO. Show all posts

17 December, 2017

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN YAASIIN

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, tafiirta, xigto iyo xi gal,  iyo asxaabta Marxuum Xasan Yaasiin Maxamed oo maanta 17/12/2017 lagu aasay Hargeysa. 
Xasan waxuu ahaa oday ka mid ah tiirarka ka hadhsanaa raggii ilaa gumeysigii ka mid ahaa  haldoorka ummadda.Waxuu ahaa nin ehlu kheyr ah oon cidi ka caban, nin af gaaban oo cibaado badan. Waxuu ka mid ahaa odayadii qaybta libaax ka qaatay nabadeenta iyo la soo noqoshada qarannimada 
Somaliland.
Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu Qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo,  ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel iyo asxaabna in Alle waafajiyo samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

01 December, 2017

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED XASAN CARWO GEERIDA CABDIRISAAQ JAAMAC CUMAR.. INA CIYAALE

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED XASAN CARWO GEERIDA CABDIRISAAQ JAAMAC CUMAR.. INA CIYAALE

Waxaan Tacsi u dirayaa ehelkii,tafiirtii,iyo asxaabtii Marxuun Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ina Ciyaale, oo shalay 30 November 2017, lagu aasay magaalada Hargeysa. Cabdirisaaq waxuu ahaa nin bulshaawi ah oo dad wadeen ah. Nin kaftan badan, oo laab furan. Waxuu ku suntanaa dhismaha dimuquraadiyadda dalka heer kasta ooy soo martay, min xiligii nabadeenta iyo aasaaskii qaranka Somaliland, iyo xiligii dhismaha xisbiyada. Waxuu ahaa Guddoomiyaha Komishanka Ilaalinta Xisbiyada iyo Ururada.

Alle ha u naxariistee, waxaa inaga baxay haldoor aan wax badan wadaagnay. Alle ha u naxariisto Cabdirisaaq qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannatul fardaws. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo duco..

Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

04 June, 2017

TERRORISM KILLS MORE MUSLIMS THAN OTHERS


Humanity is at the end. Innocent people are slaughtered in the four corners of the world daily if not by the hour, and most killed are Muslims killed by Muslims and non-Muslims alike.

Last night London was attacked cowardly and in the wildest barbarity. The most international city on the earth, where all faiths live side by side in harmony, where all ethnicities shake hands of greetings every second and where over 100 languages are spoken is attacked.

London is where my faith, Islam, is practised more freely than in many Muslim majority countries.
United Kingdom is the home of Millions of Muslims that found shelter and care after they ran from the killing fields of their own country. I am one of them.

Islam is free of these acts of insane, Satan driven individuals. The holy Quran says: (Whoever kills an innocent life is as if he has killed all of humanity.)... SuratAl-Ma'idah 5:32

The freedom we have in United Kingdom, gives us the opportunity to spread Islam to the entire world. For in these United Kingdom dwells the entire human race. There is no nationality that does not call U.K its home. We can spread Islam, when we practise it in peace and love and when we act as good ambassadors to our serene Islam. Killing innocent people sends bad and contrary messages to the truth of our religion. It is a duty of Muslims to fight and fight with all possible forces this damaging if not killing acts of terror to our sacred belief. It awards wrong impressions against our religion, and serves none but our enemies. We have to be at the first front in the war against this devil occupied demagogues.


Spread peace and love. Follow the kindest of all mankind, our Prophet Mohammed, May Allah give him peace and blessings.

My deep condolences to the innocent victims of these heinous acts. My sympathy to the families of the deceased and wounded, to the government and to the citizens of my United Kingdom.

Don't let terrorism succeed. They want to divide us. Show them, the more they show their ugliness, the more we unite in beauty and harmony. Unite against terrorism, and keep U.K what it is, the heart of civilisation, and the centre of human race.

Ahmed Hassan Arwo
Somaliland Presidential Senior Economic Advisor

http://samotalis.blogspot.com/

16 December, 2015

MAXAA SABABAY MAXAA SE LAGU DAWEEN KARAA SICIR-BARABKA....AXMED CARWO, LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

Waxa beryahanba dalka ka taagnaa sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii
kordhayey. Waana mid aynu wax la wadaagno adduunka, wax badanina ay inaga inagu khaas tahay. Waa mid lagaga bixi karo xanuunkiisa inta badan iskaashi shacbi iyo xukuumad ka yimaada, bal se ay tahay inay aanu dawlad ahaan si wadajir ah uga hawl galno, shukaantana ay  u qabato xukuumaddu. Halkaas su' aal ayaa ku jirta oo ummaddeenu xukuumad iyo dawlad isagu si ayey u adeegsadaan. Aan qayaxo, ee xukuumaddu waa Golaha Fulinta, Dawladduna waa seddexda Gole ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka iyo laamahooda oo dhan.

Mawduucan oo ah mid aad u baxad weyn, una qoto dheer aan kor xaadis ahaan af sahlan oo suuq joogu fahmo aynu ku bayaamino waxa looga jeedo sicir barar. Waxa ay tahay sicirka alaabta iyo mushqaayadda adeegyada oo kor u kaca muddo cayimin. Waxa lagu cabiraa alaabooyin isagu jira cunto dhar, iyo qalab kale oo loo arko daruuri ayna ku jiraan shidaalku oo dal waliba ku bilaabo qiime malintaas uu joogo, deedna bil walba la eego inta celcelis ahaan boqolkiiba kor  amba hoos u dhacday. Waxa la helaa tusaale loo yaqaan CPI (Consumer Price Index) oo ah ascaarta alaabadaas iyo adeegyadaas isku celceliska ah boqolkiiba inta uu ka joogo. Ayaan darro dalkeena weli taas lagama hirgelin. Inaynu nidhaahno sicir barar ayaa jiree mooyee, inta uu leeg yahay iyo kicidiisa boqolkiiba inta sanadka kacday amba bisha korodhay cilmiyan ma sheegi karno.
Waxan xusuustaa in Wasaaradda Qorsheyntu hawshaas laba sano ka hor gashay lama se joogteyn.

Cilmiga dhaqaalaha sicir-barabka waxa jiray hab loola tacaalo, dhawaanahan. waxa soo kordhay noocyo magacyo kale ku soo kordhiyey ooy ka mid yihiin  stagflation oo ah sicir-barar (inflation) ay barbar socoto Deflation ( Sicir hoos u dhac)..matalan sicir bararku badiyaa waxa la socda shaqaalaha oo badan, oo suuqa shaqada leysku eryo, mushaharku kor u kaco, sanadadan danbe iyadoo sicir-barar jiro ayey wehelisaa shaqo la' aan baaxad weyni. Taas oo ka dhigta daaweynte mid kiniino badan oo is burinaaya lagu dabiibo. Waayo daaweynta sicir bararka waxa badiyaa ka dhasha shaqo yareyn. 

Yaanan idinla gelin badweynta dhaqaalaha ee aan dib u fadhiisto oon keena u soo noqono.
Badiyaa sicir bararka waxa keena laguna dabiibaa aan ku soo uruuriyo laba siyaasadeed oo mid waliba leedahy qaybo xoog ah oo u baahan in iskood loo eego:
1- Lacag badan oo suuqa qasha, iyadoon ayna kordhin badeecaddii iyo adeegii suuqa yaalay.Waxaa saameyn ku leh siyaasadda lacagta (Monetary Policy) oo ay (ka mid tahay siyaasadda Bankiga Dhexe ee dulsaarka amaahda (Interest) iyo kaydka Baananka (Bank Reserves) iyo sarifka lacagaha qalaad.
2- Siyaasadda Cashuuraha (Fiscal Policy). Cashuurta dadban ee badeecadda oo kor loo qaado, waxay kicisaa ascaarta. Cashuurta tooska ah ee mushaharka iyo macaash macaashka laga qaadaa waxa lagu sifeeyaa lacag dhaqaalaha bulshada u qaybisa oo waa qaniga ka qaad oo faqiirka wax ugu qabo amba sii..iyadu sida kale ayey u shaqaysaa oo kolka la kordhiyo sicir bararku wuu yaraadaa. Waayo waxay toos u taabata jeebka muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Waayo shilin kasta oo cashuur ahaan loo qaaday ma galo jeeb muwaadin kale.
Afeeftaas dabadeed aan bayaamiyo tan goonida inoo ah ee dalkeena curyaamisay:
1- Waa lacagta doolarka oo noqotay lacagtii dalka teynina noqotay lacag ajnibi ah. Waxa ayaan darro weyn ah in xukuumad iyo shacbiba ayna kalsoonidii lacagteena aynaan siinin. Wax walba waxa lagu iibiyaa waa doolar. Haddaad doolarka haynin waxa loo bedelayaa shilin sida uu shilinku yahay tii ajnabiga ahayd.
  • Waxa cashuuraheena, leysamada, ganaaxyada iwm dhammaan lagu sheegaa doolar, taasi waa  tan xukuumad iyo barlamaanba meel mariyeen.
  • Qandaraasyada iyo iibka xukuumaddu waxuu yahay mid doolar ah, sidoo kale afka miisaaniyadda lagu sheegaa waxaa u asal ah doolar. 
2- Waxa soo raacday lacagta ZAADka oo u dhaqanta sida Debit Card oo ah lacag suuqa si xooli ah u gashay. Ogow in lacagtaasi tahay mid aan meel fadhiyin ee ay tahay mid wareegeysa. Haddii lacagtaas mar qudha la wado doono, waa sida Baananka oo lama heli karo. Kolka isticmaalkeedu kordhaba waa lacag cusub oo suuqa gashay.
  • Lacgtan wax kayd ah oo Bankiga dhexe ka qaaday ma jirto, si uu u xakameeyo sicir bararka waxa Bankiyada dhexe ay maamulaan kayd marna ay kordhiyaan marna ay dhimaan ooy ka qaadaan Bankiyada iyo Hayadaha la shaqada ah.
TALOOYIN IYO DAAWEYN.

Arrimahan la xidhiidha dalkeenu, waa iyada oo shaqo la'aan jirto ayey haddana ina hayaa sicir barar, daaweynteeduna waa laba iska hor yimaada , hase yeeshee waxaan u arkaa keyna mid macmal ah oo la farsameyn karo, walow waqti iyo juhdi u baahan yahay. Sicir bararkeenu waa mid aynu si sahlan gacmaheena ugu sameynay.

1- Sharci aan lagu dhaqmeyn waa inaan la sameyn. Waayo waxa ka abuurma sharciga oon laga baqan iyo isagoo ilka beela oo sahayda shuruucda oon la ixtiraamin. Waa in laga fiirsadaa oo lagu sar jaraa awoodeena aqooneed, kartideena, iyo fahamka bulshada iwm
2- Waa inaynu hirgelinaa isticmaalka shilinka ooy hormood ka ahaataa xukuumaddu. Waa in cashuuraha, leysamada, ganaaxyada, fiiyada jaamacadaha, iskuulada, tigidhada dayuuradaha iwm dhammaan lagu sar jaraa shilinka lagu bixiyaa shilinka, lagu qaadaa shilinka bes, aan marna afka la soo marin lacag kale. Taas waxa xigi doona in ganacsatada iyo bulshada laga mamnuuco dukaameysiga aan ahyn shilinka.
  • Waxaan u soo taagnaa lacagta baabur wareejinta oo leygu yidhi doolar ku bixi. Sidoo kale ayaa leysanka baabuurta iyo cashuurta wado-marinta ay ku salaysantay doolar. Waxaas oo dhan waa in lagu bedelaa shilin oon lacag ajnabi la ag dhigin.
  • Wakaaladda Biyaha oon moodaayey in shilinka keliya wax lagu qaado. Waxa ka dhex furan shaqaalihii oo qaar noqdeen sariflayaal, ciddi doolar la tagta ka qabata.
Ogow kolka dhaqaalaheenu kordhaba in baahida doolarku kordheyso illeyn iyadaa wax lagu iibiyaayey. Taas oo ka dhigeysa in dalabka doolarku mar walba kordhaayo, oo sababaysa qiimo dhaca shilinka. Ma jirto dunida dal labaad oo dhaqankani ka socdaa.

3- Sarifka doolarka waxa sar gooya tiro yar oo jumladley ah ee ma aha suuq xor ah oo sariflayaasha debedda fadhiyaa qaarna kuwaas ayey u shaqeeyaan qaar habeenkii ayey dib uga iibiyaan jumladyaasha. Kaalintaasi waa tii Bankiga dhexe.
  • Waa in la xoojiya Bankiga Dhexe si uu u qaato waajibaadka dhaqaalaha ka saaran. Waa inuu helaa awood uu suuqa sarifka ku maamuli karo ( Open Market) sidoo kale waa in sharci laga sameeyaa ZAADka oo u dhaqmaaya sida Debit Cardka , iyo awood uu ku hanto in Baananku ku soo xareeyaan Bank Reserve..kaydka baananka oo uu isagu kolba uu ku sar jaro la-dagaalanka sicir bararka iyo qiimaha lacagta.
  • Wasaaradaha, Wakaladaha, Dawladaha Hoose, iyo Hay'adaha xukuumaddu iyo Golayaasha Barlamaanka dhammaan waa inay xisaabtooda bankigu ahaataa Shilin bes ooy ka furnaantaa Bankiga Dhexe oo keliya.
  • Xisaabaaadka Bankiyada Ganacsig ee loo yaqaan Current Accounts dhammaan waa inay ahaadeen Shilin. Waa inaanu jirin jeeg aan ahyn Circular Cheque Baananku bixiyaan oo lacag ajnabi ahi. 
4- Waa inaynu helnaa lacag waraaqo ah oo jeebka lagu qaadan karo. Taas waxa weeyaan inaynu daabacno waraaqo 10.000, 20kun ilaa 100kun ah. Ogow dalal badan ayaa waraaqahoodu sidan yihiin sida Biljigii hore, Jabaanka iyo Chineska.
  • Taas bedelkeedu waa tii aynu hore u samaynay ee ahayd inaynu 100 shilin hal shilin ka dhignay. Taasi wa lacagta oo dhammaan la bedelo waana mid khrash badan oo hawl badan. Waxa ka habboon inaynu daabacno waraaqo lacageed ilaa 100kun ah oo ah tan kor ku xusan.
  • Waxa loo baahan yahay in la dhiirigeliyo isticmaalka Bankiyada oo weliba la abuuro Baan Ganacsi oo Dawladdu leedahay amba Baan saamiley ah oo bulsho dhan u furan oo saamiga laga dhigo ilaa 10 doolar, kuwa hadda jirana laga dhigo Baanan saamiley ah oo bulshada dhammaan u furan.
5-Lacagta qurbojoogu soo diro iyo lacagta dheeriga ah ee muwaadinku haysto waa in loo helaa hab dhiirigeliyaa inay qayb ka qaataan kaydka dhaqaale iyo maalgashiga. Dadkeenu maanta wax yar ooy meel dhigtaan ma leh, waayo meel ay dhigtaan ayaan jirin. Waa in la helaa hab loo fududeeyo abuurista shirkadaha saamileyda ah oo qof waliba ilaa 10 doolar gashan karo iyo wax ka yarba.
  • Waxa aynu ognay in maalgashiga ugu badan ee qurbojoogu yahay dhulka oo sicirkiisu ka qaalisan yahay magaalooyinka dunida ugu qaalisan. Waayo ma hayaan meel kale ooy wax ku duwadaan. Lacagtaasi dheeriga ah ee meel la dhigto la la' yahay qayb weyn ayey ka tahay sicir bararka.
  • Waa in la sameeyaa sharci dhammeystiran oo la xidhiidha dhismaha shirkadaha iyo kormeerkeeda, iyo hay'addii ilaalin lahayd.
6- Qorshaha dhow, dhexe iyo fogba waa in diirada la saaraa sida loo dhimi lahaa kaalinta ay cashuuraha dadbani (Indirect Tax) kaga jiraan dakhliga xukuumadda. Taas bedelkeed waa in kor loo qaado soo uruurinta caashuuraha tooska ah ( Income Tax) si loo helo nidaam cashuureed oo ku dhisan cadlaalad bulsho (Social Justice), isla markaasna kow ka noqonaaya la dagaalanka sicir bararka iyo maamulka iyo maareynta lacagta.
  • Tani waxay u baahantay tayayeynta shaqaalaha cashuuraha iyo hanti-dhowrka. Waa in la helaa shaqaale aqoon xisaabeed leh oo qiimeyn kara dakhliga gancasatada, iyo muwaadiniinta haysta mehnadaha xorta ah.
  • Sidoo kale waa in la helaa sharciyo tafatiran oo la xidhiidha cashuuraha nooc kastaba, kuwaas oo toos u sheegaaya ciqaabta ay leedahay cashuur bixin la'aantu. 
  • Waa in la helaa hantidhowr iyo xisaabiyaale licence leh oo sanad walba lagu waajibiyo in ganacsatadu soo diyaariyaan xisaab xidh ay ka soo ansixiyeen hantidhowrka madax banaan. Taasna waxa loo baahan yahay in sharcigeeda laga hawl galo. Waxay shaqo u furi doontaa dhalinyarada badan ee mihnadan soo bartay.
7- Iyadoo ay badan yihiin arrimaha la xidhiidha sicir bararku, aan maanta idinku dhaafo qodobkan oo ah in la helo CPI (Consumer Price Index) oo ah tilmaame ka kooban ascaarta alaabta inoogu muhiimsan celcelis ahaan oo la boqoleeyey, si aynu dhab u ogaano sicir bararku kolba heerka uu joogo.

Mawduucan oo aad u ballaadhan waxaan ku eegay il-shimbireed ee waxaan ka tegey iyo waxaanan si wacan idiinku iftiimin, raaligelin ayaan ka bixiyey. Talooyinka faahfahintooda iyo qaar gaar ahba iyada waxaan u xidhay xukuumadda aan la-taliyaha u ahay. Waa iga baraarujin iyo xadiga hawsha inoo taal leeg-tahay iyo baahida loo qabo inaan arrintan la siyaasadeen ee xisbiyo, xukuumad iyo dadweynaba aynu wadajir uga hawl galno. 

Dabcan mas'uuliyadda kowaad waxa leh xukuumadda, hase yeeshee damqasho ayey leedahay daaweynteedu, taas hadday mucaaridku siyaasadeeyaan bulshadana war dusha ka malabeysan la siiyo, hoostana dacar ah, waa iinta dimuquraadiyada oo xukuumaddu ku dhiiranmeyso.

Sidaas iyo Wadajir
Guul iyo Gobannimo

Mustashaar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

eci.advisor@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

31 August, 2015

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, iyo tacsida Marxuum Xaaji Daahir Cilmi

Tacsi Geerida marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, waxuu tacsi iyo murugo la qaybsanayaa shacab iyo xukuumadda Soomaliland guud ahaan geerida ku timid marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale. Waxuuna si gaar ah u tacsiyadeynayaa ehelka, ubadka, tafiirta, xaaska, qaraabada iyo qoyska reer marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale
Axmed oo ka waramaaya Marxuumku waxuu yidhi"waxuu ahaa nin aan cidi kaga horreyn dhismaha qarannimada Soomaliland, ilaa kifaaxii kicinta gumeysiga iyo dib ula soo noqoshada qarannimada Soomaliland. WAxuu ahaa haldoorka safka hore kaga jiray dhismaha dawladnimo ee Somaliland si gaar ah shirkii Boorame. waxuu ahaa nin taariikh badan u soo joogay oo waayo arag siyaasi iyo mid dhaqnba leh. Waxaan gaar iyana tacsida u dirayaa beelweynta Awdal ee uu ka soo jeeday Xaajigu.


Xaaji Daahir Alle ha u naxariisto hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws,  . Illaahay heyna waafajiyo inaynu u duceyno haldoorka inaga baxay. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo iimaan.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com


https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

25 June, 2015

26-ka Juun Waa Maalinta Qarannimada Soomaliland: Ahmed Arwo


Ahmed Arwo


Waa qarannimo 55tan jirsatay, waa da' kolka loo eego cimriga aadmiga laakiin waa shabaab kolka loo eego cimriga dawladaha. Maanta waxa inala gudboon inaynu qiimeheeda siino, walow ay jiraan duruufo aynu ku kala qaybsanay oo ka dhashay gaabis siiyaasi oo dhammaan aynu ka mas'uul nahay mucaarid iyo muxaafidba. Eedda ugu weyna ay leeyihiin Golaha Wakiilada ee shacbiga matalo oo noqday gaabis guntii. Waa Golaha ku fadhiya Sharciga dib u eegidda qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada oon la'aanteed aan la helayn doorasho xor oo xalaal ah. Intaas u dhaafimaayo oo ma rabo inay damaashaadka inaga leexiso iyo maalintii aynu dalkeena ka xorreynay gumeysi aan diin iyo dhaqan iyo midab midna inala wadaagin ee aynu ku luuqaynaynay: waa ayaantii maaloodigii meesha daran ka yimid  aynu ka dhoofinay dalkeena Soomaliland. Maalin farxaddu ina mideysay.

Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah. Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland. Iyadaa u sal ah oo dhashay halgamadii ina soo maray ee uu ugu dambeeyey kii SNM ee aynu dib u dhisnay jamhuuriyaddii labaad kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadii aynu ku luminay haybaddii 26ka Juun. 

26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.

Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.

Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.


Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda iyo wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu ka horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee siyaasiga jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa in taliska Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland sida uu u aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo kuwa Kenya, horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo markaynu u baahannay inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul aynu ku badbaadno.

Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.

Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.

Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay qarannimada Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee sharciyeynaysa qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga ayaa caydhiyey isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa sidoo kale soo celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay qarannimada Soomaliland..

Waa Ramadaan iyo Jimce ee aan ku soo afjaro duco iyo Aalle ka cabsi. Allow quluubtayada isku soo duw, Alle nabada noo adkee, Allow naga dhig kuwa isu dulqaata, is cafiya, isu naxa, is tusa xaqqa, iska waaniya qaladka, is toosiya oo is tilmaama iyagoon is caayeen, is huruufeyn, is ceebeynayn, Allow madaxda iyo masuuliinta ku hadee xaqqa iyo tubta toosan, Allow ka dhig shacbiga kuwa arka wanaaga, kuwa ka kora eexda qabiil iyo dacaayadda beenta ah. Allow Islaamka dhammaan meesha dab ka baxaayo bakhtii oo u gogol gogosha nabadda, Allow inta baahan u gargaar, inta xanuunsan caafimaad sareecan ah sii. Allow raxmadaada u shub, Allow barakada bishan soon na waafaji, allow naga yeel kuwa aad ka xorreyso naarta, Allow maytidayo iyo tan islaamka u nacariiso. Allow Inankii Maxamed oo Ramadaantii hoer caafimaad qabay haatana agtaada u dheeelmaday u naxariiso, qabriga u waasici, u nuur ugana dhig beer ka tirsan fardawsta sare. Allow baari, waalidkii adeeca oon dalabkayo aax marna ka odhan, oo naftiisa taayada ka hor mariya ayuu ahaa ee Allow ugu naxariis jaceylka uu noo qabay, anagana naga dhaaf waxaanu ka gaasirnay. Wa salalaahu calaa siyidaana  wa nabiyaana Maxamed caleyhu salaam.  

GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH EE 28KA JUUN

http://www.youtube.com/watch?v=Fo0bE5t2gdg

Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay. 

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


http://samotalis.blogspot.com/

16 June, 2015

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA GEERIDA Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
GEERIDA Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim


La-taliyaha Madaxweynaha JSL  ee Dhaqaalaha, ganacsiga iyo Maalgashiga Mustashaar Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, iyo oday-dhaqmeedka kale iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16/06/2015. Waxuuna si gaar ah u tacsyadeynayaa reerka uu Suldaanka u ahaa.

waxaanu  tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,
Suldaanku waxuu ahaa  tiir ka baxay hogaanka dhaqanka kana soo shaqeeyey  nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, iyo ganacsade weyn oo qayb muuqata ka qaatay horumarka dhaqaale ee dalka.

Mustashaar Axmed Carwo waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo oo uu u nuuro.  Innagana dhammaan ina waafajiyo duco iyo samir.

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

15 June, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi ka dirayaa geerida Marxuum Suldaan Xiis Barre

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi ka dirayaa geerida Marxuum Suldaan Xiis Barre



La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Shacabka Somaliland Gaar ahaana qoyskii iyo eheladii, salaadiinta, bulshaweynta uu Suldaanka u ahaa oon ka mid ahay, degtana degmooyinka Gobalka Maroodijeex, Saaxil iyo Lughaya ,isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxadinta leh ee ku timid Marxuum Suldaan Xiise Barre yuusuf oo 13/06/2015 si qarannimo ah loogu aasay Hargeysa. 

Waxuu ahaa Suldaan gacan, hoo iyo talaba ku lahaa halgankii SNM, Mujaahid geesinimo kaga qayb galay oo qoriga tunka saaray,, aftahan cidda uu taageera ku raaxaysato hadalkiisa, cidda uu ka soo horjeedaana dhibsato. Nin hadal cad oon gabashada aqoon. Waxaan ku xusuusan doonaa dhacdooyin dhowr ah oon u soo joogay iyo ereyadii aan cid kale odhan karayn ee isagu isu xilqaamay.

Ubadka, Tafiirta, Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii,dhamaan Shacabka Somaliland gaar ahaan degaankiisa Maroodi jeex iyo gobalada ku qabsan, Illaahay ha waafajiyo Samir, iimaan; iyo duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha JSL
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

Temp: 00966 533454981
Saudi Arabia

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

26 May, 2015

SICIR BARARKA, ZAADKA IYO QIIMAHA DOOLARKA

SICIR BARARKA, ZAADKA IYO QIIMAHA DOOLARKA

Waxaa ayaamahan Wasaaradda Maaliyaddu ku hawlantay la-dagaalanka sicir bararka oo ah hadaf weyn una baahan in bulshada loo iftiimiyo danta ku jirta iyo culayska laga dulqaadaayo. Waxa ayaan darro ah in warbaahinta dalku ayna danaynin waxa sida tooska ah u taabanaaya nolosha muwaadinka. Mucaaridkuna noqday mid aan dhaafsanayn dan shakhsi keliya oo kursi loo doonaayo. Laga hadlimayo waxa dadka loo qaban doono, lagana hawl gali maayo waxa hadda socda. Ma lihi ha laga baxo xukun doonka mucaaridka oo waa mid qaranku u dhisan yahay, laakiin mucaaridku ha la yimaado barnamajyo ummadda wax tara, hana ka qayb qaaaan kuwa socda ee ummadda lagu hormarinaayo, hadduu dhaliil u hayana ha keeno dhaliisha oo wadata toosinteeda.

Maanta waxaan wax ka odhan doonaa sida loogu baahan yahay in qiimaha doolarka ee cunaha iskaga keen duubay aynu iskaga furno.
  
Waxa xukuumad ahaan lagu dhaqaaqay arrin aad u wacan oo ahayd in lala dagaalamo sicir bararka curyaamiyey nolasha danyarta oo waliba ah mid aynu inagu si toos ah u abuurnay oon lahayn sal nidaam dhaqaale bal se ku yimid talo xumo aan la qorshayn. Arrintaas waxa muuqata in la xagal daacinaayo oo cid dano gaar ah lihi carqaladeynayso.

Waxay ahayd bilow wacan in ZAADka iyo lacagaha kale ee electronic ahi noqdaan qaar ah Shilinka Soomaliland.
·      Taas waa in lagu qasbaa oon sinaba looga yeelin xal dhexe oo oggolaanay inay isbarbar socdaa mid doolar ah iyo  mid shilin ihi, waayo cidina ma qaadanayso kan shilinka ah oo dadku waxay u barteen doolar.
·      Teeda kale waa in xukuummaddu cashuuraha iyo biilasha kale dhammaan ku qaadaa Shilin, kuna bixisaa shiln.
·      Waa in wax kasta lagu kala iibsadaa shilinka. Kuna qasabtaa in lacagta wax lagu kala iibsanayaa dhmmaan meel kasta ay ahaataa shilinka.
·      Qandaraas iyo shaqooyinka muwaadin iyo ajanabiba dhammaan waa in lagu bixiyaa laguna xayeysiiyaa shilinka Somaliland

Ma dhici karto inuu kolna hoos u dhaco qiimaha dolarku waayo lacagta dalka ayey noqotay oo kolka khrash kordhaba iyo kolka dhaqaale kordhaba waxa kordhaya dalabka doolarka. Lamana jabin karo oo dalabkiisa ayuunbaa sii kordhaaya.
Arrintani waxay dhib weyn ku haysaa shaqaalaha xukuumadda, ciidamada, iyo dan yarta guud ahaan, waana dadka loo baahan yahay in la dhowro nolashooda, lana taakuliyo. Waa mid dalka dhaqaalihiisa kor u qaadaysa kolka lacagta dalka ee aynu inagu tooska u maamulnaa yeelato qiimo ka sareeya kan manta.

Lacagteena dalka gudihiisa ku noqotay lacag ajnabi, kolka tii ajanabiga ahyd noqotay mid qaran, waa nidaam halis ku ah caafimaadka dhaqaale, oo ka baxay xakameynta xukuumadda. Marna lama maareyn karo sicir bararka ilaa lacagta qaranku hesho maqaamka ay leedahay.

La-taliyaha Madaxwynha ee 
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga

Axmed Xasan Carwo

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

19 May, 2015

HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO MAALGASHIGA MUDANE AXMED CARWO

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shacab weynha Soomaliland yar iyo weyn, rag iyo dumar, qurbojoog iyo dal joog, miyi iyo magaalo, mucaarid iyo muxaafid gaar ahaan hoggaanka dalka ee u hormoodka u yahay Madaxweynha Axmed Maxamed iyo Kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo qoyskooda, Shir Guddoonka Labada Gole Guurtida iyoWakiilada iyo Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, La-taliyaasha Madaxweynha, Golaha Xukuumadda , Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha xukuumadda dhammaan. Waxaan leeyahay ku ciid caafimaad, nabad iyo horumar.

Damaashadka dadkeenu waa astaan muujinaysa dal jaceyl dhab ah iyo ummad u darban danta guud, ilaalinta qarannimo iyo difaaca dalka. Waxay u quus gooysay in badan oo kolka khilaaf dimuquraadi ihi ina dhex maro u qaadata in ay cadaawadooda inagu soo dhex tuuri karaan. Inta wanaaga inala jecel waxay ka goysay nabar ku taagnaa, qurbojoog badan oo jaceylka dalku nugleeyey, waxay ka daweysay walaac iyo werwer ay la seexan waayeen.

Dal ma burburo dadkiisu sidan u jecel yahay, cadow ma dhexgalo ummad u soo jeeda danta guud, khilaaf daawo looma waayo kolka dadku ka horeysiiyaan danta guud danta gaaban ee gaarka ah.

Sanadkan waxa yaraa wufuudii dalka ka iman jirtay, iyo xataa kuwii gudaha loo diri jiray, jaaliyad waliba iyadaa is maamushay, tuulo waliba iyadaa si meereysay, magaalo waliba iyadaa isku tashatay. Waxa muuqatay inay nidaam ahaan iyo tiro iyo tayaba ka fiican tahay kuwii hore kolkii dadka loo daayey tooda. Alleele waa tijaabo lagu guuleysatay.

18 May xukuumadi ma leh, gobal ma leh, kooxi ma leh, waa maalin qaran, waa malin midnimo, waa dharaar caruur iyo ciroole aynu muujinay dal jaceyl jaarkeena ku yar, lana odhan karo inagaa dunida ugu horeyna.

Nin aanu saaxib nahay ayaa email ii soo diray..waxu yidhi xaaskeygii ayaan fariin u diray waxaan ku idhi...waxaan kuu jeceley sida reer Soomaliland calankooda u jecel yihiin, waxaanan sacadaha aad iga maqantay u tirsadaa sida reer Soomaliland maalinta 18 May ay u tirsadaan...Waa dhab inaan dunida sida aynu calanka ugu labisano ayna cidi inagu gaadheen, iyo dabaaldegga maalinteena 18ka May.

Ha noolaato Soomaliland, faataxadana u mara oo u ducee intii u dhimmatay soo celinta xornimada iyo intii gumeysigii Yurub inaga xoreysay. Ducada u raaci in Alle Soomali mey ay joogtaba siiyo nabad iyo horumar, Islaamka guud ahaana ka bakhtiiyo colaadaha meel walba ka holcaaya.

Guul iyo gobannimo
  
Ahmed Hassan Arwo

https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

17 May, 2015

18KA MAY WAA MAALIN MIDNIMO OO QARANKU U DHAN YAHAY -AXMED CARWO

Waa afar iyo labaatan jir. Waa qaangaadh dhammeys ah. Waxa reer Somaliland debed iyo gudaba, dhalaan, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, miyi iyo magaalo, waxay is-dhaafsanayaan salaan iyo bogaadin kal iyo lab ah



Waa mahad AllE oo dalkeena Somaliland waxuu ku sugan yahay nabad, ammaan, barkhad iyo baddhaadhe. Waxa dhiman waa aqoonsi caalami ah, waa mid aynu ku gaadhi doono samir, wadajir iyo dedaal, iyo mahadda Alle.

Qaranimada Soomaliland waxa loo huray dhiig, maal iyo nool. Waxa lagu helay kifaax hubaysan oo ururkii SNM ku guulaysatay. Waxaana lagu fooladeeyey Burco 18kii May 1991, kolkii qalin iyo qalbiba ay ku midoobeen beelahii SNM iyo beelihii ka baxsanaa ururka, ka dib markii dood dheer oo cad, si siman loo gorfeeyey.Waxa leysku raacay in lala soo noqdo qaranimadii luntay 1960, waxaana la dhisay dawlad ay hogaaminayso SNM muddo laba sano ah. Waxaana Madaxweynahii u horeeyey noqday Cabdirahmaan Axmed Cali Allah ha u naxariistee. Waxaa la dhisay Guurti lagu soo daray beelihii darafyada iyo xukuumad loo dhan yahay oo beelahu kulmisay.

SNM waxy noqtay jabhadii u horreysay dunida ee hab dimuquraadi ah ku dhisan, iyadoo horeba tijaabada dimuquraadiga ku guulaysatay oo shan hoggaamiye kala bedeshay mudadii tobanka sano ee halganku socday. SNM oo raacaysa habdhaqankaas waxay dhistay dawlad ka koban 17 wasiir oon lahayn ku-xigeeno iyo wasiir dawlayaal. Waxayna noqotay mid si taam ah u fulisa mudadii ay qabsatay. Inkastoo qas siyaasi ihi dhaliyey isku dhac, haddana waxay noqtay mid talada u celisa dadweynaha oo ay hagayaan guurtida beelaha Soomaliland oo dhan. Waxaana dhacday in Boorame oo ah magaalo madax beel aan SNM ahayni noqotay halka lagu amboqaado horusocodka Soomaliland. Waxa xilkii ku wareegay Madaxweyne aan ka tirsanayn halkankii SNM, Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaa xigay Madxweyne Daahir Riyaale oo ka tirsan beelahii ka maqnaa ururkii SNM oo nasiib u yeeshay inuu noqdo Madaxweynahi u horeeyey ee si toos ah loo doortay. Waxayna dhammeysay seddex marxaladood oo dalku soo maray muujisayna in talada dalka loo siman yahay.

Waxa xigtay doorashadii labaad ee Madaxtooyada 2010, waxayna guul weyni ku raacday xisbiga KULMIYE, waxaana Madaxweyne noqday Axmed Maxamed kuxigeena Cabdiraxmaan Saylici oo ah hoggaanka maanta. Guushaasi waxay kor u qaaday dimuquraadiyadda Soomaliland oo noqotay kolkii ugu horreysay taariikhda Soomaaliyeed guud ahaan ee mucaarid doorasho ku guuleysto, isla markaasna geeska Africa kow ka ahyd, dunida seddexadna guud ahaan ku ah naadir iyo teel teel.

Illaahay mahadi ha ka gaadhee, dalku waa nabad, dadkuna waa dar niyad wacan oo ididiilo wanaagsan hiigsanaaya. Waxa jirta colaad inagu xeeran, waxa jirta qabyaalad curyaamisay qaranka, waxa jirta dhutis dhaqaale, Waxa se hubaal ah in xukuumadda Axmed Maxamed wax weyn qabatay oo marag ma doon ah, maanta ujeedadu ma aha inaan taas taabto, waayo mucaaridkaan rabaa inay la farxaan. Waxa dhimman waa qaar u baahan wadajir iyo gacmaha oo aynu is qabsano. Waa bedel dhaqanka qabiilka ee siyaasadda galay, mana aha mid xisbi keliye bedeli karo, waa mid mucaarid iyo muxaafidba u baahan. Dawladnimadu waa guri oo kale oo haddii meel dilaacdo oon dilaacaas la gufeen ay galaafan doonto guriga oo dhan. Waxa dalku qaatay nidaam dimuquraadi ah oo ku salaysan axsaabta badan. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa tartan xisbiyada dhex mara Tartanaku waxa ka dhasha mucaarid iyo muxaafid. Mid waliba xil gooni ah oo u gaar ah ayaa saran.

Muxaafid waa kan haya awoodii dawladnimo, waxa shacbi weyne kula xisaaabtamayaa wax qabadkooda. Waa se in looga dambeeya maamulka, oo waxa sharcigu u baneeyey lagu jiq siinin. Waxa laga rabaa ma aha wax ayna awood dhaqaale amba farsamo u lahayn, waa mid lagu qiyaasaayo dhaqaalha yare e dalku leeyahay, iyo aqoonta aan fidsanayn ee jirta. Togba waa ku taagtii, dawsladna waa ku tamarteed.

Mucaaridda u daa dhaliil iyo dhaleecayn. Taas waxaa raacda inay dhaliisha raaciyaan waxa ay la iman karaan si ay ku toosiyaan. Waxay la imanayaan barnaamaj siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ay dadweynaha soo hor dhigaan. Ma aha inay waqtigooda ku dhammeeyaan casho sharaf qurbaha ah iyo xafladdu gudaha ah iyo makarafoon aan weedha ka baxaysa loo fiirsan.

Kaalinta dadweyne waa inay la socdaan labada garab, oo ay danta guud ku cabiraan si ay u kala doortaan. Dadweynaha intiisa badani waa inay noqdaan dar u dhego fudud qiimeynta arrimaha socda, ayna u kala raacaan marba meesha danta guud ku jirto. Guntuna waa garabka ay u bataan kan shukaanta ay u dhiibayaan. Dadku ha ka koro dan gaaban, dhuuni maalmeed iyo nin neceyb iyo reer jaceyl.

Tartanku ma aha mid ina ilowsiiya qaranimadeena, midnimada dal iyo danaha badan ee aynu ka simannay. Waa geed ka go'an inaynu qaranimada wado daafacno. Waa inaynu wadajir ugu halganaa ictiraafka. Waa inagoo kala xisbi ah wado shaqaynaa, sharkado wada dhisanaa, ururo bulsho wada maamulnaa. Ogow wax qabadka xukuumaddu dadka waa u siman yahay. Jidka la dhiso, dugsiga la bineeyo, ceelka la qodo, shaqaalaha mushaharka loo kordhiyo, cisbitaalka la dhiso, garoomada ciyaaraha, iyo madaarada  midna reer ma leh. Waa mid loo siman yahay.

Waxaan bogaadin u dirayaa dadweynah Soomaaliland meel ay joogaanba, dawlad iyo mucaarad, yar iyo weynba, gudo iyo debedba. Si gaar ah waxaan u hambalyeenayaa Madaxweynha Soomaaliland Axmed Maxamed iyo ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guurtida, Wakiilada, La-taliyaasha Madaxweynha, Ciidanka Qaranka booliis iyo Militariba, Hoggaamada Xisbiyada, iyo xisbiyahanka dhabta ah. Waxaan leeyahay meel fiican ayeynu maraynaa, inta dhimman waa is faham iyo isla jaan qaad iyo dulqaad leysu yeesho, cadowga oo leyska jiro iyo danta guud oo loo wado guntado, iyo Illaahay oo la mahad iyo nabadda aynu ku suganay oonu wado ilaalino.

DHAMMAAN KU CIIDA NABAD, CAAFIMAAD, WANAAG IYO FARXAD.
SOOMALILAND HA NOOLAATO

Guul iyo Mahad Allah

Ahmed Arwo

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA JSL

DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
https://www.facebook.com/home.php 


http://samotalis.blogspot.com/

08 May, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Reer Xasan Nuur Faarax


La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u ehelka Marxuum Xasan Nuur Faarax oo Hargeysa lagu aasay maanta .
.
Marxuumku wuxuu ahaa oday qaali ah oo dhaqan iyo siyaasadba ka taliya, nin af gaaban oon hadal ka duulin, xajiin iyo xan aan aqoonin, waxtar mooyee aan wax yeelo looga baran. Yaraantey waxuu ahaa ragga madaxa ii salaaxa isagoo ahaa saxiib dhab ah oo aabahay maalin walba la joogay. Waxay geeridana i xusuusisay laba saaxiib oo hortii dhintay oo seddexdoodi ahaayeen garabka midig ee aabahay waa Gafas  iyo Xaashi Dacar Alle dhammaantood qabriga ha u nuuro hoogana dhigo beer ka tirsan jannatul fardaws.

Ubadka, Tafiirtii Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii,  gaar ahaan reer Xasan Nuur iyo si gaar ah walaalkay Cabdiraxmaan oo uu sodog u ahaa iyo dhammaan ehelkiisa ballaadhan ee daafaha dunida kala jooga.iyo deegaanka Maroodi-jeex ee uu ka soo jeeday, Illaahay ha waafajiyo Samir iyo duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin

http://samotalis.blogspot.com/


http://samotalis.blogspot.com/

01 May, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud

http://samotalis.blogspot.com/

29 April, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud



http://samotalis.blogspot.com/

22 April, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaalaha -1







Ganacsiga xorta ihi waxuu u baahan yahay suuq xor ah. Xornimada suuqu waxay u baahantay sharciyo iyo hayado ilaaliya . Dhiirigelinta suuq furan oo tartan nidaamsan leh waa furaha horumarka dhaqaale, taas waxa lid ku ah suuq in yar u xidhan oo abuura monopoly. Adeegyada daruuriga ah sida biyaha, gaasta, nalka iwm waxay u baahan yihiin qawaaniin ilaalisa xaqqa muwaadinka iyo in ayna u gacan gelin shakhsiyaad yar. Waxa ugu habboon inay noqdaan shirkado u furan dhammaan muwaadiniinta oo lahaanshahu yahay mid furan oo qof waliba inta uu doono maal gelin karo iyo xiliga uu doono.

http://samotalis.blogspot.com/

12 April, 2015

Waa Taxanihii talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin -17


Waa seddex dhacdo oon nasiib u helay inaan xubin sharafeed goobjoog ka ahaado. Waa madalo farxad reynreyn iyo hanbalyo aan lagaga masuugin. Waa barxad shacni iyo wanaag dhammeeyey, waa goobo dhalin iyo waayeel u kala hadhin. Waa fagaare rag iyo dumar kulmisay waa garoon mucaarid iyo muxaafid garbaha isku hayaan... Waa meel Soomaliland mideysay seddexda midab ee calanku meel walba ka muuqdo dhar ahaan iyo bilad ahaanba... Waa guul iyo hanbalyo.



07 April, 2015

6da April 1981 iyo taariikhda SNM -2







Mey jirin internet, FB Twitter, Tviyada tirada badan, wargeysyada iyo mobileku, telefoonka dhowr qof ayaa lahaa..dhegeyso sida aan warka u fidin jirnay..SNM cid ka cadhoota waa la wayey walow carqalado badan iyo hanti badan lagu bixiyey in la kala jabiyo...mucaarid iyo muxaafid intuba xad ayey lahaayeeen aan la dhaafin. Ninka qaldan jilibkiisa ayaa qaban jiray, xeer jajab ma shaqayn ee xeerka ayaa lagu kala bixi jiray. Shan guddoomiye ayaa 10kii sano ee halganku jiray la doortay, waana iyada tan dhabada dimuquraadiyada inoo hawl yareysay...Beesha Habar Awal sagaal ayaa London aanu ku deganayn, badina afar ayuunbaa joogtay, oo inta kale seamen bad mareen ah ayey ahaayeen, waxaanu se lahayn codka veto..kkkkk Tiradayada iyo miisanka codkayagy isma lahayn..waayo labada beelood ee ku badnaa ayaanu u ahayn cid ay ku kalsoon yihiin ee kala saarta..Gar diid muu jirin. Qaladka intaan la go'aamin ayuu ruuxu qaadan jiray...Midnimo, eex la'aan iyo xaq ku dirir ayaa jiray. Dulqaad iyo hubsiimo ayaa wax lagu maamuli jiray. Bilow wacan oo bushaare wata ayey SNM ku bilaabantay.


http://samotalis.blogspot.com/

06 April, 2015

6da April iyo Taariikhda SNM







Waa barnaamaj khaas ah oon wax yar ka iftiimin doono maalintii SNM London lagaga dhawaaqay6 June 1981, oon goobjoog u ahaa iyo midnimadii ka muuqatay ergooyinkii jaaliyadaha ka kala yimid...Taariikhda 6da April waxay tahay mid SNM ay la wadaagto maalin kale oo taariilhi ah in yar ayaa se taqaan...Hadafkii SNM wax badan waa la xaqiijiyey, waxa se maqan xubin weyn oo muhiim ah taas oo loo baahan yahay inaynu wadajir uga hawlgalno..geedigu wuu socdaa ee ha daalina, dhankuna waa soo dhow yahay ee ha niyad jabin, sahanka badiya oo beelweynta Soomaliland ha la dejiyo meel noole u wacan, nabad ah oo barwaaqo ah..Guul, midnimo  iyo nabad iyo caano.

http://samotalis.blogspot.com/

02 April, 2015

GUUSHA TAN YAR IYO TAN WEYNIBA WEY MACAANTAY- ICTIRAAFKU YAR YAREYSI MA LEH BY AHMED ARWO


GUUSHA TAN YAR IYO TAN WEYNIBA WEY MACAANTAY- ICTIRAAFKU YAR YAREYSI MA LEH- AHMED ARWO 

 Mandaqaddan Wales iyo Galbeedka Ingland ( Wales & West) waxay u ahayd toddobaad damaashaad. Umay kala hadhin oo khamiistii waxa kulanku ahaa Golha Deagaanka Cardiff iyo ayaan taariikhda inoo gashay.
Waxaan nasiib u yeeshay hawl muddo dheer aanu ku hawlanayn oo bilaabantay xiligii aan guddoomiyha ka aha Jaaliyadda Wales oon in ka badan 10 sano Guddoomiye u ahaa inaan goob joog u ahaado hawsha ooy Guddoomiyha I bedelay horeyna u ahaa Guddoomiye xigeen Cabdirahmaan Cawad iyo isla nin aan hawshan ka daalin oo weli ah Maamulaha Jaaliyadda Cabdikarim Cabi Aadan iyo ma daalaha gacan yaraha Ibraahim Carab iyo guddi 10 rag ah iyo 2 hablood oo isu xilsaaray inay diiradda saaraan ictiraafka Soomaliland ee degaanka Wales.

Kamay midho dhaliyeen haddaan bulsho weyntu ku taageerin ooyna culus saarin mas’uuliinta Golaha degaanka. Waxa dhacdadani soo martay maraaxil badan. Wax walba wax ka horeeya barashada iyo iib geynta Soomaliland. Taasi waxay bilaabantay xiligii halganka SNM, oo Cardiff ay hormood ka ahayd taakulinta qaxootigii Itoobiya u qaxay ooy u heshay oggolaansho in ehelkooda loo keeno. Waxa barbar socday banana baxyo iyo taageero dhaqaale ee SNM. Waana la ogaa qayladii Siyaad Bare ee BBCda kol kuu lahaa ..Waar Cardiff ma SNM baa leh…
Buuga Mujaahidad Raaqiya Oomaar halganka ka qortay ..(A government at war with its own people) waxuu inta badan ku salaysan yahay qaxootigii ugu horeeyey ee Cardiff soo gaadha iyo wareysigoodii.
Kamaanu hadhin ee 1991 bilo ka dib xorreyntii dalka waxa noo yimid wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirkii arrimaha debedda AHU Yuusuf Cali Guray Sheekh, waxaanu ku goolaysanay in calanka Somaliland la sudho isla guriga khamiistii aqoonsiga buuxa siiyey oo uu sudhnaa muddo toddobaad ah.
  Waxa xigtay 2006 kolkii Golaha Barlamaanka Wales la aasaasay inaan u helno casuumad rasmi aha oo Guddoomiyha Wakiilada uu ka mid noqdo wufuudda sida rasmiga ah Boqoradda UK ay u fidisay, isaga iyo ku-xigeenkiisa oon ku yimid bedelka Guddoomiyaha Guurtida oo hawl yeeshay.
Waxa xigtay inaanu 15 xildhibaan u fidino laba toddobaad ooy ku yimaadaan UK si ay toos ugu bartaan hawlha Barlamanka UK iyo kan Wales...

Waxa intaas socotay inaan isku hayno bulshada mucaarid iyo muxaafid oo aniga oo Kulmiye ahaa haddana aanaan marna ka moogaan la shaqaynta xukuumaddii Riyaale anagoo Wasiiro si is dabo joog ah  u casuumna. Waxaanu xiligaas ku guulaysanay barnaamaj qiimo weyn lahaa oo aan laba sano socday is barasho weyna gaadhay oo ahaa Wales Somaliland Link. Waxa aanu isku xidh u samaynay iskuulo, iyo isbitaalo. Waxaana xigtay laba cisho oo bandhig hawleed Soomaliland u khaas ah uu qabanqaabiyey Barlamaanka Wales oo uu furay Wasiirka Koowaad ee Wales Rhodri Morgan.
Waxa Iyana aan la iloobi Karin sida joogtada ah ee madaxda xisbiyadu ilaa ayaantii la sameeyey ilaa manta ay Cardiff hormood ka tahay soo dhowyntooda iyo xafladaha xisbiyada si bulshadu ugu xidhnaato dalkooda hooyo.
Anigoon magacaabayn ooy tiro aad u badan tahay madaxda noo timid iyo kuwa dalkan u dhashay ee nala hawl galay, aan si gaar ah ugu mahad naqno guddiga 15ka ah ee hawshan muddada soo socotay, iyo mas’uuliinta Golah Deganka, Golha Barlamanka Wales iyo Barlamanka Westminster.  Jaaliyadda Reer Cardiff iyo guud ahaan Wales waan ku faanaa waayo waa dad ayna iskaga qaldamin danta guud ee qaranka iyo tan xisbigu. Waa duul kolkay xisbi tahayna kaalinta hore kaga jira seddexda xisbi kolkay qaran tahayna gacmaha is qabsada oo siidhi keliya loogu yeedho.

Waxa Iyana aan aad  ugu mahadnaqayaa Bristol oo dabaal degga Cardiff aad uga soo qayb gashay iyo si gaar ah xafladdii ay axadda noo qabteen ee nooc ka duwan kuwii aynu naqaanay u habeeyeen. Hab heer sare oo faa’iido badan ayey ahayd. Halka mas’uuliinta ay ka bataan dadka soo dhaweynaaya oo khudbadaha badi qaata iyo qudbadaha oo isku nooc noqda, waxay keeneyn in mas’uul kasta takhasuuskiisa iyo arrimo gooni ah laga wareysto. Waxaan aad ula yaabay dhegeysiga ayna sanqadhi baxayn muddada dheer ee xafladdu socotay. Waalow ay su’aalaha noo jilciyeen ma laha  waa bilow 00 wey noo tudheen kkkkkk, waxaan qabaa in habkaas loo wado oo mas’uuliintu noqdaan qaar lala xisaabtamo ooyna noqon qaar is dhegeysta ee ay noqdaan qaar la dhegeysto waxna la weydiiyo.
Ha yareysanina guusha manta, waxa xigta waa tan barlamanka Wales oo duba bilaabantay. Dariiqa yar kan weyn ayuu kugu ridaa, guushuna mid yar iyo  id weynba waa macaan


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


http://samotalis.blogspot.com/

30 March, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland......




La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland ,Shacabka Somaliland Gaar ahaana qoyskii iyo eheladii ,isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxadinta Lahayd ee ku timi Marxuum Xildhibaan Prof. Mohamed Barkhad Miigane,oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday magaalada Boorama,marxuumkan oo ka mid ahaa mudanayaasha aqalka wakilada ee Awdal laga soo doortay.
.
Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.
Ubadka, Tafiirtii Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba gaar ahaan degaankiisa Awdal, Ilaahay Illaahay ha waafajiyo Samir & duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin

http://samotalis.blogspot.com/