14 August, 2011

Waxyaabaha Uu Ka Kooobanyahay Heshiiiska Saddex Geesoodka ah Ee Somaliland

Waxyaabaha Uu Ka Kooobanyahay Heshiiiska Saddex Geesoodka ah Ee Somaliland, China iyo Dawlada Itoobiya Kala Saxeexan Doonaan.

Hargeisa  August 14, 2011 - Weftigii uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gudo galay hawlihii ay u tageen Wadanka Shiinaha ayaa ilaa imika waxa ay gaadheen guulo balaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawlada shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Waxyaalaha ugu waa weyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee ku jira waxa ka mid ah in gaasta Ethiopia laga dhoofiyo dekeda Berbera, isla markaana wadanka shiinuhu gacan ka gaysto sidii loo samayn lahaa dhuumihii qaadi lahaa gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekeda Berbera

Waxa kale oo laysku afgartay in dekeda berbera laga sameeyo xarun balaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliida Ceedhin iyo Gaasta labadaba.

Waxa kale oo heshiiska ku jira in wadanka shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo balaadhinta dekeda berbera oo mashruucaasi uu yahay mid dekeda berbera ka dhigaya mid u adeegi karta geeska afrikada bari oo dhan.

Waxa kale oo heshiiska ku jira wadooyinka xadiidka ah ee tareenadu Maraan iyo wadooyin caadi ah oo isku xidhaaya wadanka Ethiopia iyo Somaliland.

Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan-doonaa xaflad balaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Wadanka Ethiopia, China iyo Somaliland

Maalgashigan iyo mashaariicdan oo noqondoonta horumar laxaad leh oo lagu talaabsaday taasoo wax weyn ka bedelidoonta dhaqaalaha wadanka iyo nolasha bulshada guud ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments: