| Guddoomiyaha Degmadda Kood-Buur Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedo Uu Xildhibaan Ismaaciil Caymi |
| Guddoomiyaha Degmadda Kood-Buur Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedo Uu Xildhibaan Ismaaciil Caymis U Soo Jeediyey "Degmadda Ibraahin Koodbuur Waxay Ugu Wado Xidhis Badnayd Oo Ay Ugu Dhul-Boob Badnayd Wakhtigii Uu Ismaaciil Caymis Joogay" Maxamed Warsame Caalim (Timacadde) Hargeysa,(Qaran news)- Guddoomiyaha degmadda Ibraahin Kood-buur Maxamed Warsame Caalim (Tima-cadde) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayn uu Xildhibaan Ismaaciil Caymis ku duray isaga iyo maayar ku xigeenka caasimadda Maxamed C/laahi Uurcadde, kaas oo ku eedeeyey inay ka danbeeyey isku dhicii todobaadkii hore dawladda hoose iyo dad shacab ah ku dhexmaray dhulka xarunta agoomaha ee Hargeysa. waxaanu ku adkaystay in arintu sida uu xildhibaanku u dhigay aanay ahayn, balse uu marin habaabiyey xaqiiqdii dhabta ahayd ee dhacdadaas. Maxamed Warsame (Tima-cadde) waxa uu intaa ku daray in wakhtigan ay ugu rabshad yar tahay degmadda Ibraahin Kood-buur, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyey in wakhtigii ugu xumaa ee degmadaasi uu ahaa markii uu maamuli jiray xildhibaan Ismaaciil Caymis. Mr. Timac-cadde waxa uu tilmaamay inuu isagu lahaa amarkii cagafyada iyo askarta lagu keenay todobaadkii hore dhulka xarunta agoomaha oo uu u yimid goobtaas si uu waddo u baneeyo, isla markaanu waxa uu tibaaxay inaanu waxba kala socon dhacdadaas maayar ku xigeenka caasimaddu. Guddoomiyaha Dawladda hoose ee Degmadda Ibraahin Koodbuur Maxamed Warsame Caalim waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay nagu soo booqday xafiiska Wargeyska Haatuf, isla markaana ka hadlay waxa ka jira eedihii uu xildhibaan Caymis u soo jeediyey. ugu horayna isaga oo ka hadlaya waxa ka jira arintaas, waxa uu yidhi (Tima-cadde) "Ismaaciil Caymis inuu eedii halkaa ka dhacday iska deedefeeyo xaqbuu u lahaa, oo waxba kamuu ogayn, laakiin in eedii uu iska duway uu cid kale saaro xaq umuu lahayn. Eeda uu u soo jeediyey guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka abna ku simaha duqa caasimadda maaha mid uu istaahilayey, waxaanay ahayd eed lagula dul dhacay oo aan xaq loogu lahayn. Meesha xarunta agoomaha agteedana dhul laga boobayey iyo wax laga raray toona may jirin, anigu guddoomiye degmo ahaan anigaa go'aankan gaadhay oo xaafada ayaa iga soo codsatay inaan wado u baneeyo, isla markaana dhul aan ka doonayey ma jirto, Ismaaciil Caymis-na hadii meesha ku ogaa dhul laga daydayo waxaan odhan lahaa wakhtigii aad degmadda joogi jirtay iyo hadu way kala duwan yihiin ee ogow, imika Afur-ba lagama helo hadii wakhtigii Ismaaciil Caymis meesha guryo laga dhisan jiray oo ay dhac-dhac miidhan ahayd, maanta ummadda ayuun baa Tabaruc loogu shaqeeyaa, sidii dawladda cusub u dhalatayna waxa xooga la saaraa sidii shacbiga loo raali galin lahaa. Waxaan mar labaad odhanayaa Ismaaciil waad kula dul kuftay eeda maayar ku xigeenka, waxaanan u kuu sheegayaa inaanu ku simaha maayarku aanu waxbka kala socon arintaas, isla markaana anigaa cagafta watay oo shan askarina watay oo wadada banaynayey. Habayaraatee waxa dhul ah oo aan ka rabay meeshuna ma jirto". S: Waxa jira warar sheegaya in meesha aad u banaynayseen madaxdhaqmeed iyo shakhsiyaad kale, arintaas saw ma jirto? J: Arintaas wax alaala wax ka jiraa ma jirto, madaxdhaqameedka aad sheegayso-na maan arag anigu. Laakiin xubno xaafada ka mid ah ayaa nagu yidhi kaalaya meesha noo baneeya waa Ramadaan oo habeenkii ayaa la socdaaye ayaan jira, markaa Tiinka wadada xidhay ayuun baan anigu u socday. S: Xildhibaan Ismaaciil Caymis waxa uu Haatuf u sheegay in mudadii xukuumadda cusub ay masuuliyiinta dawladda hoose ay qaadaan talaabooyin ay kaga faro qabsanayaan dhulka danta guud ah, arintaas maxaa ka jira? S: Guddoomiye maadaama oo dhulkaas xarunta agoomaha ay deganaayeen dad danyar ahi, iyaga maxaad ka danac-sanaydeen markii aad ka soo dul-degteen? J: Anigu dadkaa maan rarayn, umanaan socon inaan dadkaas meesha ka raro. Dhulkaas ay degan yihiina aniga wax muraad ah oo ii gaar ah oo aan ka rabay may jirin. Laakiin markii aan cagafta iyo askarta meesha keenay waxa shaqada naga joojiyey niman qoryo sita, ka dib waanu ka baxnay meeshii markii danbena si aanaan u dacwaynin oo aan uga hadal qoryaha ay sitaan ayey dumarka iyo caruurta abaabuleen nimankaasi. Ragaasina ilaa hada ma garanayo cid ay yihiin. S: Maadaama dhulkaas ay leedahay xarunta agoomuhu Intii aanad qaadin talaabadaas arinta ma kala hadashay Agaasimaha xaruntaas? J: May kalamaan hadal, wixii wado ah cid-na kalama hadalno ee waanu banaynaa uun, wixii dhul ah ayuun baanu ciday khusayso kala hadlaa. S: Maxaa idiinka qorshaysan dhibaatooyinka inta badan ka dhasha arimaha dhulka ee xaafadda Ibraahin Koodbuur ee aad Guddoomiyaha ka tahay? J: Arimahaa waxyaabo badan ayaa nooga qorshaysan, imika waxa la soo ansixiyey xeerkii dhulka ee dacwadaha, guddida dacwadaha oo maanta Sabtidii noo timid xeerkii ayey noo dhiibeen, waananu soo akhrisanaynaa, waxaana lagu maamuli doonaa arimahaas xeerkaas cusub ee Baarlamaankuna soo ansixiyey. S: Inta badan waxay ku dhaqaaqaan masuuliyiinta dawladda hoose u qaabilsan degmooyinku waxay qaadaan talaabooyin burbur iyo tacadi leh, arintaas maxaad ka odhan lahayd? J: Tacadiga ay dadku sheegaan qof waliba waa sida uu u sheegay, ninwalibana sida uu doonayo ayaanu u fasishaa, Laakiin anaga itaalkaas waxa ay naga tahay dadka wax u qabta. Hadii dad la rarayo ay noqoto iyo hadii waddo la banaynayo ay noqotoba. Markaa anaga marnaba qorshahayaga kuma jirto inaanu dadkayaga waxyeelayno
|
No comments:
Post a Comment