Hargeysa -- Xukuumadda Somaliland ayaa weeraro ku soo qaaday qaar ka
mid ah wargeysyada madaxabanaan ee dalka ka soo baxa. Xukuumadda oo u
muuqata inay damqeen wararka iyo faalooyinka kala duwan ee ay
warbaahintu ka qorto masuuliyiinta, ayaa maxkamadaha u gudbiyay
dacwado kala duwan oo la xidhiidha warar iyo macluumaad laga qoray.
Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa warqad yeedhmo ah u soo qortay
Wargeyska Saxafi, ka dib markii uu Wasiirka duulista iyo hawada
Maxamuud Xaashi Cabdi xeer ilaalinta u gudbiyay dacwad ka dhan ah
war uu wargeysku ka qoray oo uu ku sheegay inuu lunsaday lacag
malaayiin Dollar ah oo ay dawladda Kuwat ugu deeqday in Somaliland
mashaariic lagaga hirgeliyo. Sidaas oo kale isla maxkamadda gobalka
Hargeysa ayaa iyaduna qoraalo yeedhmo ah u dirtay Wargeyska Waaheen oo
isna ay dacwado kala duwan ka gudbiyeen hay'adda korontada Hargeysa
iyo taliyaha ciidanka Booliska.
Wargeyska Hargeisa Star, ayaa isna looga yeedhay maxkamadda, ka dib
markii uu dacweeyay chief of cabinet-ka madaxtoyada Xirsi Cali Xaaji
Xasan oo uu Wargeysku ku sheegay inuu lunsaday lacag gaadhaysa nus
malyuun dollar.
Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay ka
gubanayso wararka ay qoraan warbaahinta madaxabanaani, waxaanay u
muuqdaan rag ka damqaday saxaafadda oo xilligii ay mucaaradka ahaayeen
ay ku doodi jireen inaan saxafiga la cabudhin karin. Lamana saadaalin
karo sida ay masuuliyiintani soo bandhigga dhaliilahooda ugu adkaysan
karaan mudada shanta sannadood ah ee loo doortay inay xilka hayaan,
maadaama oo ay bilo gudahood ku damqadeen.
Wargeyska Geeska Afrika
No comments:
Post a Comment