09 January, 2011

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED (SIILAANYO) waxa uu maanta Go'aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale

Hargaysa,-Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
waxa uu maanta Go'aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday,
waxaanu Madaxweynuhu Go,aankaa ku yidhi.

Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u
dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku
dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii
iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa.

Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku
haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan
ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiyaan Malayshiyaadka labada
beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi
dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada,
Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa
ee ka garsooray arrintan.

Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo
jidkii dheeraa ee loosoo maray.

Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee
isaaran waxaan go'aamiyay: -

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay
in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay
oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada
daaqikaraan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u
celinaysa cidii lahayd.

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii
dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii
ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda
Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaandoonin
ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgelikara ciidamada
Qaranka JSL.

5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa beelaha
Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.

Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -

Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,

Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga
garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood,

Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.


ALLAA MAHAD LEH


Xirsi Cali X. Xasan

Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL

No comments: