Wasaaradda Maaliyadda oo xayirtay Qayb ka mid ah Heshiiskii Ganacsi ee Siilaanyo iyo Meles isla qaateen
Madaxwayne Silanyo oo Amar ku bixiyay in la sii daayo inta Heshiis danbe laga saxeexanayo iyo Wasarada oo Doc-wareentay
Hargeysa(GNS) Wasaaradda Maaliyada Kastamkeeda Dekedda Berbera ayaa doraad dib u xayiray Alaabo u soo degay Ganacsatada Itoobiyaanka ah ee Berbera Transit-ka ku soo mariya Alaabahooda, lamina garanayo talaabadan xayiraada ah oo soo noqnoqotay sababta ay ugu kacayaan Masuuliyiinta Maaliyaddu.
Toddobaadkii hore ayuun bay ahayd markii kulan ay Addis ababa ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaare Meles Zenawi kaasoo ay isku soo afgarteen in Heshiiskii Ganacsi ee labada Dal u dhaxeeyay sidiisii loogu dhaqmo sida ku xusan War-saxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo u dhignaa sidan
"Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta (07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra'iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra'iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.
Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.
Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka: Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa, Mudane Aadan Nuux Dhuule, Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye."
Iyadoo ay sidaasi soo saartay xukuumadda Somaliland ayay hadana wararka naga soo gaadhay magaaladda beriberi sheegayaan in Agaasimaha Kastamka Berbera Cali Bulbul ka joojiyay Ganacstada Itoobiyaanka ah inay Dekedda kala baxaan sharaab ay kala oo degeen.
Talaabada uu qaaday Agaasimahaasi ama wasaaradda Maaliyaddu ayaa u muuqanaysa mid ka turjumaysa inay Madaxda Xukuumaddu is tabcaynayaan oo ay isku dhigayaan jilaafooyin hoose. Taasna waxa markhaati ma doon u ah talaabadan ay wasaaraddu ku joojisay iyadoo Madaxweynihii dalka ee soo balanqaaday markii uu dalka ka dhoofay lagu dhaqaaqo talaabo noocan oo kale ah.
________________________________
Published: 2012-02-20
Source: Waaheen

No comments:
Post a Comment