WARSAXAAFADEED
Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation
Ku: Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland
Cc: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Taariikh:18 February 2012
Qoraal #:TWF-118022012
Ujeeddo: Biyo la'aanta baahsan ee ka jirta xarunta Ganacsiga Somaliland ee magaalada Tog-wajaale
Marka hore waxaan Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland,mudane, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, aan u soo gudbinayanaa salaan qadarin & sharafba mudan,waxaanan kuugu hambalyeyneynaa dadaalka aad ugu jirto sidii aad wax uga qaban lahayd biyo la'aanta ka jirta degaano badan oo dalkeenna ka mid ah.
Bishii December 6,2011 , waxaad mudane Wasiir shir saxaafadeed ku shaacisay, in Midawga Yurub ay $31 Malyan oo Dollar ku bixinayso biyo balaadhinta afar magaallo oo ay ku jirto magaalada Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale, una qoondeeysay lacag dhan $2 Malyan oo Dollar .
Magaalada Tog-wajaale,oo maalinba maalinta ka danbeysaa ay si xawliya u kordhayso shacabka ku nool iyo baayac mushrarkuba,kuna taalla xuduuda Somaliland iyo Dalka Ethiopiya,waxay baahi aad u ballaadhani ka haysataa dhinaca biyaha.
Mudane Wasiir,waxay Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation, kaa codsanaysaa inaad war bixin naga siiso halka mashruuca biyaha ee Tog-wajaale marayo & waqtiga aad u qorsheysay.
Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation
Guddoomiye,Eng.Maxamed Cali Muse
TogwajaaleFoundation@Gmail.com
No comments:
Post a Comment