20 February, 2012

Badhsaab Ku Xigeenkii Gobolka Saanaag C/Casiis Xasan Siciid, Oo Goor Dhoweyd Ku Geeryoodey Magaaladda Hargeysa.

Badhsaab Ku Xigeenkii Gobolka Saanaag C/Casiis Xasan Siciid, Oo Goor Dhoweyd Ku Geeryoodey Magaaladda Hargeysa.

Marxuum C/Casiis Xasan Siciid, ayaa muddo ka badan Todobo sanno waxa uu ahaa Badhsaab ku xigeenkii gobolka Sanaag, waxana uu ahaa masuul sarre oo ka tirsan....
Hargeysa (GNS)- ALLE naxariistii janno ha ka waraabiyee waxa goor dhoweyd magaaladda Hargeysa ku geeryoodey Badhsaab ku xigeenkii gobolka sanaag C/Casiis Xasan Siciid.

Marxuumka ayaa ku xanuusanayay maalmihii ugu danbeeyay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana Xaaladd Caafimaad loo geeyay Dalka Itoobiya gaar ahaan Magaaladda Addis-ababa, balse markii uu caafimaadkiisu ka soo yara reeyay ayaa lagu soo celiyay Magaaladda Hargeysa.

Marxuum C/Casiis Xasan Siciid, ayaa muddo ka badan Todobo sanno waxa uu ahaa Badhsaab ku xigeenkii gobolka Sanaag, waxana uu ahaa masuul sarre oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, sidoo kalle waxa uu ku jirey waxgaradka iyo aqoonyahanadda Gobolka Sanaag.

Dhamaan hawl wadeenadda iyo shqaalaha Gabiley news waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyaskii, Qarabaddii iyo Qarankii uu ka baxay Marxuumku, waxana ay isaga ALLE uga baryayaan in uu naxariistii janno ka waraabiyo, Aamiin Aamiin Aamiin

Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment