12 November, 2011

Sir Fakatay oo ku saabsan Qaabki loo dilay iyo Goobti lagu dilay Madaxwaynihii hore ee Ciraq Saddaam Xuseen

Sir Fakatay oo ku saabsan Qaabki loo dilay iyo Goobti lagu dilay Madaxwaynihii hore ee Ciraq Saddaam Xuseen
Togaherer



Qormadeenii hore ee ka waramaysay Madaxwaynihii hore ee dalka Ciraq Saddaam xuseen waxanu ku hakinay sacadii uu kasii baxayay jeelka loona waday goobtii lagu dili lahaaa

subaxaas ku begnayd ciidii carafo ee 2007 marku waagu barayay waxaa Saddaam xuseen usoo galay nin ahaa Mas,uulka jeelka oo udhashay dalka markaykanka waxaynu ninkaas kaga waranay qormadeenii hore in uu cadaawad xun uhayn jiray Saddaam se markii uu la dhaqmay uu aad qalbiga ugu furay kana murugooday hogaamiyahaas wayn eee dalkiisii lagu duleenayo ciidamo shisheeya ahina kusoo duleen

Ninkaas ayaa saddaam xuseen usoo galay waxaa kale oo usoo galay Qareenkii Saddaam oo la odhan jiray Khaliil Al-Dulaymi waxay Saddaam ka codsadeen in uu si dag dag ah waraaq codsi ah ugu diro Madaxa diinta kiristanka ee fadhigisu yahay Fatikan ka ku dhex yaala Caasimada talyaaniga ee Rom , waxana saddaam lagu yidhi waxaanu rajaynaynaa hadii ad waraaqdaas imika udirtid Papaha Kiristanka in uu dib udhigi doono xukunkan dilka ah ee lagugu sii wado

Saddaam xuseen intuu doola cadeeyay oo uu soo jaleecay ninkii hadalkaas ku lahaa , ayaa wuxuu ugu jawaabay hadal iyo jawaaab aanu ninkaasi ka filanaynin nin lagu sii wado meeshii lagu dal dali lahaa

Saddaam wuxuu ugu jawaaabay ” waxaan ahay Hogamiye sharci ah oo dadkiisii iyo dalkiisii dhex jooga cadow ka xoog badanina kusoo duulay , se ragu way dagaalamaan kolba mid ayunbaa la jabiyaa se hayga sugin in aan codsi udirto Odayga diinta kiristanka hogamiya oon naftaydan shahiidaysa ee janadii kasii horayso in aan kula gorgortamo sidii looga hakin lahaa taas marnaba hayga sugin naftuna mar ayunbay baxdaa naftaydana si sharaf leh ayay ku baxaysaaa ”

Intaas markii ay is waydarsadeen ayay gaadhay wakhtigii Saddaam lagu qaadi lahaa Diyaarad ah kuwa qumaatiga ukaca , Saddaam wuxuu ka codsaday askarti diyaarada ku qaadi lahayd in aanay indhaha ka xidhin si uu ugu sii raaxaysto muqaalka guud una sii sagootiyo magaaladii uu jeclaa magaaladii uu dhisay magaaladii magaciisa iyo muqaalkiisaba aduunka bartay ee Baqdad

kadibna nimankaasi way ka yeeleen dalabkaas Saddaam waxaanay ku qaden diyaaradaas isagoo aan indhaha ka xidhnayn

Hadaba waxaa fakatay sir ku saabsan goobtii lagu dilay iyo sidii loo dilay

GOOBTII LAGU DILAY

Saddaam goobtii lagu dilay waxay ahayd dhisme wayn oo ahaa saldhiga laga maamulo ciidamadii Ciraq ee dagaalka kula jiray Iran , dagaalkii daba dheera ee dhex maray Ciraq iyo Iran ee socday 8 sano 1980 ilaa 1988 , dhismahaasi wuxuu ahaa dhismihii laga mamuli jiray dagalka iyo ciidamadas la dagalamaya Iran, waxaanay sirta fakatay sheegaysaa in Dawlada Iran ay doortay goobtay in lagu dilo Saddaam iyadoo la kashanaysa Madaxda shiicada ah ee dawlad ku sheega ciraaq haysata

Sirta kale ee fakatay waxay tahay SADDAAM MIYAA LA DILAY MISE WA LA DAL DALAY

Sirtu waxay sheegaysaa Saddaam xuseen in loo soo diyariyay Xadhig dheer oo ka baxsan qanuunka daldalida , xadhigaas waxaa soo diyaariyay Askari maraykan ah se asalkiisu Yahuudi ah ,wuxuu isku beegay xadhiga dhararkiisa iyo tiradii Gantaaladii Saddaam xuseen 1990 uu ku duqeeyay Casima Israil ee Telabib, wuxuu ka dhigay xadhiga dhararkiisa 39 taako oo la mid ah 39 saaruukh ama gantaal oo Saddaam ku ganay Israil

Sirtu waxay shegaysaa in Saddaam markii qoorta loo galiyay xadhiga ee laga hoos bixiyay wixii u ku taagnaa in Saddaam isagoo nool dhulka udhacay , maadama xadhigu dheeraa oo uu khilafsanaa qanuun qiyaasta xadhiga wax lagu daldalo

Sirtu waxay sheegaysaa in kamarada ama aduun waynaha intaas hore ee daldalida la tusay , se markii dambe Saddaam waxaa gacanta ula tagay niman cadaawad xun uhayay o shiico ubadnaa , siday laad iyo garaacid ugu wadeen ayuu ku dhintay siday sheegayso sirta fakatay

Ufiirso Video gan oo cadaynaya xadhiga dhararkiisa iyo muuqalka la inaga tusay Saddam in ay tahay uun markii qoorta xadhiga loo galiyay iyo markii hoos uu udhacay , nimanka ku hareeraysana ay ka muuqato hadalkooda in ay yidhiin Shiico cadaawad u haya xitaa isku dayay in ay ka qaldaan shahaada uu ku dhawaqo Saddaam xuseen



Dahir Shaami
Falanqeeyaha Dhacdoyinka Adunka
Togaherer…Germany

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: