Guddida Diiwaaan Gelinta Oo Sharci darro ku tilmaamay Ururada siyaasada ee xafiisyada furtay
Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudidda Diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka, ayaa ururada cusub ee siyaasada ee dhawaan lagu dhawaaqay uga digay dhaqdhaqaaqyada ay xafiisyada kaga furanayaan gobolada dalka ka hor inta laga diiwaan gelinayo.
“Inay ururada siyaasadeed ee cusubi isu abaabulaan inay urur siyaasadeed noqdaan oo ay ku ekaadaan goobaha ay ku samaysanayaan aasaaska ururka ayuu dastuurku u ogol yahay, laakiin waxa mamnuuc ah oo xaaraan ah inay abaabul galaan oo ay xafiisyo furtaan iyagoo aan wali buuxin oo aanaan wali ku dhawaaqin wakhtigii diiwaan gelinta ee xeerku waajibinayay,”ayuu yidhi C/Risaaq Ciyaalle.
Guddoomiyaha diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xafladda aasaaska waa loo ogol yahay urur siyaasadeedyada, ururo wax ku dhawaaqay oo xafladoodii aasaaska uun samaystay oo aan abaabul kale gelini way jiraan kuwaasi waa qaar sax ah. Laakiin kuwa abaabulka sii wada ee xafiisyada furanaya ee magaalooyinka kale tagay ee ka badiyay xafladoodii aasaaska kuwa khaldani waa kuwaas.”
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da “Anaga Guddi ahaan xafiiskayagii wuu furan yahay oo wuu jiraa, intii hore u diyaar garow ayay ahayd, xeer aanu sugaynay oo baarlamaanka gudihiisa ku jiraa wuu jiray laakiin xeerkii hore uun baan ku sii dhaqmaynaa.,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
“Wiigan gudihiisa waanu qabanaynaa mudadii aanu ku dhawaaqi lahayn inay diiwaan gelintu soconayso,”ayuu tilmaamay.
Guddoomiyaha oo la weydiiyay inay sadexdii xisbi ee hore dib loo diiwaan gelinayo iyo inaanay u baahnayn wax diiwaan gelin ah wuxuu yidhi “Xisbiyadii hore u jiray iyagu waxay kaga duwan yihiin ururadda siyaasadda ee cusub suunkii ay haysteen ayay dhulka dhigayaan oo lagula tartamayaa.”

No comments:
Post a Comment