11 August, 2011

Wasaaradda Waxbarashada oo Hanti-dhawraha ku tilmaantay inuu Qar-jafayo, Iclaamisayna Wakhtiga la soo Dhejinayo Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah

Wasaaradda Waxbarashada oo Hanti-dhawraha ku tilmaantay inuu Qar-jafayo, Iclaamisayna Wakhtiga la soo Dhejinayo Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah

"Hanti-dhawruhu Agaasimihii iyo Gabadhii uu xidhayba wax cadayn ah  uma Hayo,  Imtixaankuna waa sir Qaran laakiin waxa  la soo dhejinayaa Bishan sideedaad.." Yuusuf Sh. Faarax

Hargeysa(Waaheen)-Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ayaa mar kale si adag isaga Difaacday Eeddo Musuqmaasuq oo uu dhawaan Hantidhawrka Guud u soo jeediyay.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Waxbarashada oo Xalay Wargeyska Waaheen la soo Xidhiidhay  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Eedahaha uu Hanti-dhawrku u soo jeediyay Wasaaradooda, waxaanu ku dooday inaanu Hanti-dhawruhu shaqadiisa garanayn oo  uu qar jafayo.

"Anigoo ku hadlaya Afka Wasaarada Waxbarashada waxaan halkan ka cadaynayaa Eeddaha uu Hanti-dhawrka guud u soo jeediyay Wasaarada Waxbarashada inaanay waxba ka jirin, wasaarada Waxbarashaduna waxay ka shaqaysaa Barbaarinta ubadka iyo Macalimiinta ee Musuqmaasuq ma soo gali karo, waayo Maaliyad kama shaqayso, mida kale kharashka Wasaarada Waxbarashada waxa jaangooya Wasaarada Maaliyada, waxaanu  Boqolkiiba Sagaashan ku baxaa Mushaharka Macalimiinta iyo kharashaadka Wasaarada, markaa Hanti-dhawrku waxa uu garan waayay shaqadiisii  oo qarbuu Jafayaa ayaan qabaa anigu" ayuu yidhi Kormeere Sare Yuusuf Sh.Faarax Cadar.

Waxaanu Intaasi raaciyay "hadii Musuq maasuq cid loo qabanayo hanta-dhawrku waxa uu markii ugu horaysayba ka bilaabay baadhitaanadiisa Masuuliyiintii Maaliyada ee Xukuumaddi Riyaale, kuwaasna ilaa hada waxba kamuu qaban ee muxuu ugu soo meeraysanayaa Wasaarada Waxbarashada"ayuu yidhi Afhayeenkan u hadlay Wasaarada Waxbarashada.

Waxaanu sidoo kale ku dooday "aniga waxaa I wakiishay Masuuliyiinta Wasaarada oo dhan oo ay ugu wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Hay'ada Imtixaanaadka qaranka, Markaa waxay ahayd  Maxamuud dheere  inuu ka xidhooda inuu ku sheego Musuq-maasuq  Hay'adii Barbaarinta Ubadka iyo aqoonta dalka u xilsaarnayd".

Sidoo kale Afhayeenkani waxa uu difaacay Agaasimihii Maamulka Lacagta ee Wasaarada Waxbarashada Ibraahim Gadiid iyo Qasnajigii Wasaaradaasi oo muddo dhawr bilood ah Hanti-dhawraha guud  ugu Xidhan Eeddo Musuq-maasuq,kuwaasoo uu cadeeyay  inaanu ilaa hada Hanti-dhawruhu wax cadayn ah hor keenin Maxakamadda horteeda "Agaasimihii hore ee Maamulka lacagta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Gabadhii Khasnajiga ahayd ee hada u xidhan wali wax cadayn ah kuma hayo oo Maxakamadda muu keenin, waraaqo aan soconayn ayuunbuu keenaa Maxakamada , walina waa Eedaysanayaal ilaa wakhtigaasi, hadii ay dambi musuq galena lagu cadeeyo,  waxa soo gelaya oo iyaguna qayb ka noqonaya  Wasiirkii hore iyo Agaasimihii hore, laakiin Wasiirada Wasaaradan joogta ee Sam Sam Cabdi Aadan waa Wasiir Nadiif ah oo Macalimad soo ahaan jirtay, in musuq-maasuq lagu eeddeeyana uma qalanto".

Waxa kale oo uu ka hadlay Sarkaalkan u hadlay Wasaarada Waxbarashadu xiliga la soo dhejinayo Intixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe "Imtixaanku waa sir Qaran oo in la sheego maaha, laakiin waxa la soo dhejinayaa Bishan sideedaad marka ay dhamaato, waxaanad kala xidhiidhi kartaa Guddoomiyaha Imtixaanadka Qaranka".

Short URL: http://waaheen.com/?p=19531

No comments: