qoraalkan oo shabakada wararka ee Somaliland.Org ay nuqul ka mid ah heshay waxa lagu sheegay in todobadii bilood ee u horeeyay sanadkii 2010-kii ay 16 kastam oo dalka ku yaala ka soo xarootay lacag dhan 137,351,539,039 sl shilin, halka todobadii bilood ee u horaysay ee sanadkan 2011 ay ka soo xeeroodeen kastamadaasi lacag dhan 201,111,672,363 sl shilin. waxa farqiga labadaasi xisaabood u dhaxeeyaa uu noqonayaa 63,760,133,324 sl shilin.
Korodhkan ku dhaw 50%, waxa uu muujinayaa in aanay waxba ka jirin wararkii sheegayay in uu hoos u dhacay dakhligii dalku, balse uu kordhay labanlaab, iyada oo aanay jirin wax cashuur ah oo la kordhiyay.
Tallaabadan, ayaa guul u ah xukuumaddan sanad jirka ah ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxanay muujinaysaa guusha ay wasaaradda maaliyaddu ka gaadhay in ay kordhiso dakhli cashuureedka qaranka.
No comments:
Post a Comment