Afhayeenka kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Raadiyaha Andolus ee ku hadla afka kooxda Shabaab ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in kooxda ay isaga baxday gebi ahaanba gudaha Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay isaga baxday Muqdisho taa oo ku macneeyey kadib markii kooxda lagala wareegay fariisamo aad muhiim ugu ahaa Muqdisho iyo sidoo kale ciidamo Amerikaan ah iyo kuwa Faransiis ah oo uu sheegay inay ka barbar dagaalamayaan ciidamada dawlada KMG iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tibaaxay in kooxda ay aad u jeceshahay taageerayaasheeda ha ahaadaano haweenka, dhalanyarada, aqoonyahanada iyo ganacsatada aysana marna dayaceenin isagoo intaa ku daray in xaaladaha dagaal ay isbadaleen sidaa awgeed ay iyagu badaleen islamarkaana laga dareemi doono xeryaha dawlada KMG iyo kuwa AMISOM isagoo sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay mar waliba dhex taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna ka dhicinayaan cid waliba oo ku xad gudbeyso waa sida uu hadalka u dhigaye.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa hadalkiisa ka muuqatay in dagaalada fool ka foolka ah ay u badalayaan kuwa is-midaamin iyo dagaalada ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah (hit and run).
Si kastaba wararka saakay sida rasmiga ah loo helayo ayaa xaqiijinaya in kooxda Shabaab ay gebi ahaanba faarujiyeen fariisamaha dagaalka ay ku lahaayeen gudaha Muqdisho iyadoo lagu soo waramayo in kooxda ay hubkeeda iyo dagaalyahaneeda ay ku sii qulqulayeen wadooyinka gala labada Shabeele ee kala ah Shabeelada dhexe magaalada Jowhar iyo shabelada hoose kuwaa oo hakad galiyey gawaaridii ku safreysay wadooyinkaasi.
Dadka ku nool deeganada ay kooxdaani faarujisay islamarkaana ay maamuli jirtay ayaa saakay si damaashad ah u wada maramaya deeganada ay kooxdaasi ka joogeen Muqdisho waxa ay farxad ka muujinayaan ka bixitaanka kooxda Shabaab kuwaa oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kooxdaaan oo ka baxday Muqdisho waxa ayna sheegeen in kooxdaasi ay ku heyn jireen waxyaabo ka baxsan diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, waxa ayna ka wada hadlayaan warbaahinta Muqdisho iyagoo ku tilmaamay arinaakasi hawo neecaw ah oo soo martay.
Axmed Kulan
No comments:
Post a Comment