posted by: Keefkeef Xasan
Xukuumadda oo ka Hadashay Dhacdadii Putland ku Bartilmaameedsatay Weftigii TALEEX
"Haddii aanay Puntland ka noqonin arintaa wixii ka yimaada iyagaa masuuliyadeeda qaadaya, anaguna talaabo ayaanu qaadaynaa haddii aanay ka noqon". -Wasiir Xaabsade & M. M. Abees oo Caawa Shirjaraaid ku Qabtay Hargeysa
Hargeysa(Togaherer)-Xukuumadda Somaliland ayaa Markii u horeysay ka hadashay dhacdadii Maleeshiyadda Putland ku Bartilmaameedsadeen Weftigii uu hogaaminayay Xil. Saleebaan Cali Koore oo ku sii jeeday dhinaca degmada Taleex .
Qafaasheen Wasiirka Warfaafinta Oo sheegay inay Puntland dusha ku qaadi doonto masuuliyada weerarkii weftiga
Wasiirka Wasaarada warfaafinta Md.Axmed Cabdi Xaabsade oo uu weheliyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Axsaabta Md. Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa daboolka ka qaaday in maamul goboleedka Puntland ay mas'uul ka yihiin dhacdadiii saaka lagu bartilmaameedsaday weftigaas oo ka tirsanaa gudidooda isla markaana ugu baaqay maamul goboleedka puntland sii daynta xubnaha ay ka qafaasheen deegaankaas.
Wasiirku waxa uu sheegay in weftigan oo saaka ka ambobaxay magaalada Laascaanood ay jidgooyo u galeen Maleeshiyada Puntland isla markaana ay weerareen weftigaasi oo watay lix baabuur isla markaana ay qafaasheen afar baabuur iyo dadkii saarnaaba oo ay geeyeen Garoowe.
Md. Xaabsade waxa uu intaasi ku daray in Puntland ay dusha u ridan doonto masuuliyada khasaaraha ka dhashay weerarkaasi waxaanu carabka ku dhuftay in xukuumaddiisu ay jawaab ka bixin doonto falkaasi foosha xun.
"Waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhex dhexaadinaysay nabad geliyada waxaanu u sheegaynaa in ay nabad geliyadii ay jabiyeen Puntland. Haddii aanay Puntland ka noqonin arintaa wixii ka yimaada iyagaa masuuliyadeeda qaadaya Itoobiyana waanu u sheegaynaa anaguna talaabo ayaanu qaadaynaa haddii aanay ka noqon". Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.
Md. Xaabsade waxa uu ugu baaqay Puntland inay deg deg u soo daayaan gaadiidka iyo masuuliyiinta ay qafaasheenba, waxaanu xusay inay beesha caalamka ku wargelinayso gardarada maamulka Garoowe.
Wasiirka warfaafintu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray ehelada masuulka ku dhintay weerarkaasi iyo kuwa ku dhaawacmayba.
.
Sidoo kale la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo xisbiyada Maxamed Muuse Abees ayaa sheegay in wax badan ay ka soo qabteen mudadii ay joogeen gobolka Sool gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada,dhaqaajinta maamulka dawlada iyo arrimo kale .
La taliyaha madaxweynaha ee doorashooyinku waxa uu xusay inay bartilmaameed ka dhigteen dadkii dadka layn jiray taasina ay soo celisay sida uu sheegay kala danbayntii iyo nabadgalyadii gobolka Sool waxaanu cambaareeyay weerarkan gaadmada ah.
Warqabadka Togaherer
Xafiiska Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com
No comments:
Post a Comment