
Photo File: Hantidhawraha Qaranka Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim
Hantidhawraha guud Ee Qaranka Somaliald Md Maxamuud Aw Cabdi Ibrahim ayaa sheegay in uu mudadii uu xilka hayey ay wax badani u qabsoomeen isla marakana ay waxbadani u dhaman yihiin, sidoo kale waxa uu faah faahin ka bixiyey waxa loo igmaday iyo waajibaadkooda shaqo ee ku waajahan cashuurta yar yar ee la ururiyo taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay hantida qaranka ayna ilaalinayaan oo ay baadhitaano kala duwan ka samayn doonaan , waxaanuu cadeeyey oo uu daboolka ka qaaday in hayado dawlada ka mid ah oo ay baadheeen ay ka soo saareen warbixino kala duwan .
Sidaasi Waxa uu ku seegay handtidhawraha guud Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa taa oo uu ku soo bandhigay waxqabdkii xafiiskiisa mudadii uu xilaka hayey oo ah hal sano waxanuu faah faahin ka bixiyey in ay hantida dawlada Ha yaraato ama Ha badnaato'e in ay daba gali doonaan sidoo kalena wuxuu sheegay in hantida qaranku ay ka timaado cashuurta dadka laga qaado taasna uu ku sifeeyey in ay ilaalinayaa cashuurta dadweynaha ayna ilaalinayaa meel kasta oo ay marto cid baadhana ay u samaynayaan ayna u dhabar adaygayaan dhib iyo caqabad wal oo ka hor timaada, Sidoo kale waxa uu hanti dhawrka guud tilmaamay in markii xilkan loo igmaday ay meel xun maraysay musuq maasuqa iyo lunsiga hantida dadweynuha se hadeer uu sheegay in ay xakameeyeen .
Waxaa uu Hantidhawrku wax laga naxo ku tilmaamay baadhitaan ay ku sameeyeen xarunta agoomaha ee Magaalada Hargaysa taas oo uu sheegay in hanti badani ka maqan tahay .
Md Maxamuud ayaa mar uu ka hadlaayey hawshooda iyo halkay u marayso iyo soo kale Waxay ku sababeeyaan in ruux dambi lagu soo oogo ayaa waxa uu sheegay in ay cadayno waraaqo ah ayhelaan kadibana ay ku soo oogaan xubinta waxa lagu helo
"Anagu ruuxa iskama eedayno se waxaanu ku eedaynaa rasiidh saxeexan iyo check lagu qaatay lacagta taas oo hadii uu ruux is yidhaa lunso ay marag u noqnayso"
Mar uu ka hadlaayey dadka is difaaacaya waxa uu sheegay in aanay iyaga u uulin ruux eedeeyaa se ay iyaga hawshoodu tahay sidii ay u daba gali lahaayeen shilamaanta laga soo ururiyo islaamaha
" Anaga nooma taalo hebel ayaa TV ka soo hadlay iyo mid ayaa wax qoray hawshayadu waxa tahay in aanu daba galno shilimaanta lga soo ururiyey Islaamaha hawshayadiina waxaanu iminka dhamaynay %60 waxa kaliya oo noo hadhay %40 "
Mar uu ka hadlaayey baadhitaanka Waxa uu sheegay in dawlada Hoose ee Buco ay baadheen tan Gabiilayna ay baadheen se ka Hargaysa ay iminka ku socoto baadhitaanku
" Dowladaha Hoose ee Burco iyo Gabiilay waanu baadhanay tan Hargaysana waxaa ku socda baadhitaankii Waxaanaan idiin sheegayaa in Dawlada Hoose ee Hargasaysa ay tahay meesha kaliya ee Xatooyada ugu badani ka dhacdo ee aanu aragno Abid Somaliyadii hore iyo tan Somalilandba waxaanu haynaana waa cadaymo mid aanu ka hadhaynona maaha si wanaagsan way noogu socotaa nagamana joogsanyso Dowaldaha hoose ee kalena waanu baadhi doonaa inshaalaah"
Hantidhawrka ayaa mar uu ka hadlaayey Xubnihii uu soo eedeeyey ayaa waxa uu sheegay in qofku hadii aanay waxba ku maqnayn in aanuu soo carareen ee uu halkiisa fadhiyi laaha
"Waxaa jira warbixino badan oo iminka la mariyo xaga saxaafada oo ku saabsan baadhitaanadan aanu wadno, qofku hadii aanay waxba ku maqnayn soo muu carcarareen ayaan u malaynayaa lakiin carar iyo buuq iyo qaylo ayuu run moodaa waxaanu soo dhamaysanay badhitaano badan kuwaasna eedooda ayaanu gudbinaynaa qofka hadii qodob sharci ah loo soo cuskaday isaga ayey u taalaa hadii uu qalinaayo iyo hadii uu qadanoyaba"
Hantidhawrka guud ayaa baryahan isaga laftiisa lagu eedaynayey in uu galay musus maasuq baahasan oo xaga waqtiga ah iyo hawlaha xafiiskiisa ah taas oo la sheegay in aanuu hawshiisa siday tahay u gudan ee uu xafiiskiisa xilga uu doonona yimaado xilga uu doona ka baxo , sidoo kale waxa lagu eedaynayey saraakiil u shaqeeya dawladaha hoose ee Burco iyo Hargaysa in uu jeelka isaga taaxaay walina aanuu ku cadayn Dambiga uu ku soo eedeeyey taas oo ay dadku ku tilmaameen nin laga dambeeyo oo la doonayo in uu kharbud iyo kala dambayn laan uu ka abuuro dalka.
Warqabadka Togaherer
Xafiiska Hargaysa
No comments:
Post a Comment