02 March, 2011

Ergo Laga Dhex Waday Wasiirada Daakhiliga, Xannaanada Xoolaha iyo Xubno Kale oo Burburay

Ergo Laga Dhex Waday Wasiirada Daakhiliga, Xannaanada Xoolaha iyo
Xubno Kale oo Burburay

Hargeysa-Warar Wargeysaka "Yool" helay, ayaa sheegay inay burbureen
waan-waan koox Xildhibaano ahi ka dhex wadeen Wasiirada Daakhiliga, X.
Xoolaha iyo Xidhiidhiyaha Arimaha Bulshada ee Madaxweynaha oo
beryahan-ba uu ka dhex aloosanaa khilaaf gaamuray oo aan si cad loo
ogeyn halkuu salka ku hayo, balse sida dadka qaarkood sheegayaan la
kowsaday dhismaha Xukuumadda cusub oo markii hore Xubnaha qaarkood ay
filayeen in iyagu gadh-wadeen ka noqon doonaan haddii KULMIYE
guulaysto Xukuumada cusub, balse markii danbe uu xaalku noqday mid
sidaa ka duwen.

Isku daygan hadda lagu damacsanaa in lagu heshiisiiyo mas'uulinyiinta
xukuumada ku jira, balse aan isu san banaanayn, ayaa sida ay Wargeyska
"Yool" u sheegeen Ilo-looga qaateena, waxa xubnaha ergada
dhex-dhexaadinta isu xilsaaray ka mid ah Xildhibaan Maxamed X Yuusuf
(Waabeeyo) iyo Xil Maxamed Nuur Carraale (Duur), kuwaasoo sida
ilahaasi tibaaxeen Todobaadkii ina dhaafay kulan ay la yeesheen
Madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyeen in ay hawshaa geli doonaan.

Haseyeeshee, waxa wararku intaa ku darayaan in markii kooxda ergada
ahi la xidhiidheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo xidhiidhiyaha
arimaha bulshada oo iyagu isku dhinaca ah ay diideen in waan-waan laga
dhexgalo iyaga iyo Wasiirka Daakhiliga Dr. Gaboose oo isaguna shinaca,
balse Ilahaasi ma sheegin in Wasiirka Daakhligu uu dhinaciisa
ogolaaday iyo inuu diiday toona.

Khilaafkan soo kala dhexgalay xubnahan isku haybta ah ee ku jira
Xukuudda Siilaanyo, ayaa waxa dad badani aaminsan yihiin in murankoodu
yahay mid salka ku haya loolan la xidhiidha gacan ku haynta kalsoonida
beesha iyo cidda Xukuumadda u daba fadhiisan lahayd talada beesha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku jirin in labadan garab ay
Guushu raaci doonto dhinaca Madaxweyne Silaanyo uu ka raalida ka
yahay.


Wargyska YOOL

No comments: