13 January, 2011

M/weyne Siilaanyo Boqol kiiba Boqol u kordhiyey Mushahaarooyinka Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dawlada

M/weyne Siilaanyo Boqol kiiba Boqol u kordhiyey Mushahaarooyinka Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dawlada

http://www.togaherer.com/wp-content/uploads/2010/10/siilaanyo.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Iyo shaqaalaha dawlada loo kordhiyay mushaharkii ay qaadan jireen.

Sida ay caawa Sheegtay Idaacada BBC-da Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) ayaa 100% u kordhiyay mushaharka Ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, waxaanu warku intaasi ku daray in mushahar kordhintan ka  bilaabmayso Bisha January 2011-ka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin wareegtada uu madaxweynuhu mushaharka ugu kordhiyay ciidamada iyo shaqaalaha dawlada .

Balse  Xisbiga Kulmiye ayaa xiligii olalahii doorashada madaxtooyada lagu jiray dadweynaha u soo bandhigay kuna sheegay barnaamijkiisa Xisbi in ciidammadda iyo shaqaalaha dawlada ay mushaharooyinka u kordhiyaan 300%.

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

 

No comments: