27 December, 2010

Xildhibaano Soo Dhaweeyay Baadhista Hanti dhawrka ee Laamaha Dawlada Berbe

Xildhibaano Soo Dhaweeyay Baadhista Hanti dhawrka ee Laamaha Dawlada Berbera


Hargeysa (Somaliland.org)- Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiilada
iyo deegaanka Berbera ayaa shalay soo dhaweeyay talaabada uu hanti
dhawrka guud ku baadhayo laamaha dawlada ee magaalada Berbera iyo
gobolka Saaxil.

Mudaneyaashaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa'id oo ay shalay
ku qabteen magaalada Hargeysa. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka
mid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka
Saaxil, oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay baadhista hanti
dhawrka guud ka waddo laamaha dawlada ee magaalada Berbera iyo
gobolka Saaxil.

Xildhibaanka oo arrintan ka hadlayay wuxuu yidhi "Waxaan doonayaa
inaan ka hadlo hawl galada hanti dhawrka guud ee dalku ay sameeyeen
beryahan dambe, waxaanu soo dhawaynayaa kal iyo laab haddii aan ahay
Xildhibaan laga soo doortay Gobolka Saaxil hawl galka hanti dhawrka
guud uu ku galay ee uu ku baadhayo laamaha dawlada ee gobolka Saaxil.
Haddii la yidhaahdo hantidii ummadda cidii lunsatay yaan la baadhin.
Taas macnaheedu waxa weeye qofka sidaasi u hadlayaa waa qaran dumis.
Waxaan leeyahay ha la soo dhaweeyo hanti dhawrka oo hawshiisa faraha
ha looga qaado."

Md. Maxamed Faarax Qabille, wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay
soo dhawaynayaan baadhista hanti dhawrka waxaanu yidhi "Aragtidan
qabaa waa reer Saaxil waa dad ilbax ah waa dad iyagu u baahnaa
hirgelinta sharciga, waxay ahaayeen dad qaba haraad qaranimo sharciga
ku shaqaynaya. Gacan ciddi ma siinayso cid hanti ummaddeed cuntay."

Xildhibaanku wuxuu ka hadlay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah
odayaasha iyo waxgardka Gabilay oo ku baaqay in xukuumaddu ay ka
joojiso gobolkaasi baadhis hanti dhawrku ka wado Hayadaha dawlada
waxaanu yidhi "Anigoo shacbiga reer Gabilay aad u jecel waxaan ka
xumahay ka soo yeedhay hadalka odayaashii maalin dhawayd ka soo
yeedhay ee ay yidhaahdeen hanti dhawrka Gabilay ha laga daayo. Waxaan
leeyahay arrintaasi waxay ka dhigan tahay qaran dhan oo xidida loo
saaray."

Xildhibaan Cawad Cali Suggulle, oo isna ka tirsan Golaha deegaanka ee
degmada Berbera ayaa soo dhaweeyay baadhista hanti dhawrka oo uu ku
tilmaamay tallaabo ay muddo sideed sanadood ah u jeelanayeen isagoo
arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi "Muddo siddeed sanadood ah oo
aanu ka tirsanayn Golaha deegaanka Berbera waxa na ragaadiyay oo meel
aanu ka marno waynay inta marka uu waraaqaha kala furo ayay dawlada
sare la soo hadli jiray oo ay ku amri jirtay inuu dib u soo noqdo."

"In hantidii ummadda la daba galo oo wax la is weydiiyo waa wax
ILAAHAY loogu mahad naqo waana wixii aynu doorashada u galay. Waxaanu
maalmihii la soo dhaafay maqlaynay Maayarkayaga oo ka hawl galayay
sidii uu isu hortaagi lahaa hawshan hanti dhawrku wado.dhaqdhaqaaqa
hanti dhawrku waa talaabo reer Berbera u oomanaayeen,"ayuu yidhi M,d
Cawad Cali Sugulle.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: