19 July, 2009

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabtay Xildhibaan Baarlamaanka

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabtay Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Cabdalle Xaaji Cali oo ka mid ah Barlamaanka Dawladda Soomaaliya, kaas oo Khamiistii ka soo degay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Cabdalle Xaaji Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, isla markaana hore u ahaan jiray Maayarka Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Baarlamaanka Dawladda Soomaaliya. Hase ahaatee, markii uu dalka ku soo laabtay ayaa wuxuu sheegay in uu quus ka joogo Dawlad adag oo ka dhalata Soomaaliya, sidaas darteed uu Somalilad dib ugu soo noqday.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay kala noqotay cafis ay hore ugu fidisay, ka dib markii ay ku eedaysay in aanu si cad u sheegin in uu iska casilay Xilkii uu Soomaaliya ka hayay iyo in kale. Isla markaana shaaca ka qaadin mawqifkiisa ku aaddan Goonni-isu-taagga Somaliland.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


No comments: