16 July, 2009

Qabashada sharciga baalmarsan ee weriyeyaasha Idaacadda

Qabashada sharciga baalmarsan ee weriyeyaasha Idaacadda madaxa banaan ee Radio Horyaal
 

Ahmed H NurAhmed H Nur
Radio Horyaal International Spokesperson

Qabashada sharciga baalmarsan ee weriyeyaasha Idaacadda madaxa banaan ee Radio Horyaal – Codka Shacabka Somaliland.



Sida ay ku caan baxday, xakuumadda Rayaale ee sharci darrada iyo xukun maroorsiga ku fadhiga ayey caado u tahay caga juglaynta iyo cabudhinta shacbiga Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa u tamar badan xasarad abuurka iyo ku tacadiga ummaddii u dooratay in ay wax u qabtaaan. Mar walba oo ay qaawanaato aafaadka ka dhasha talo xumada talo xumadooda, ayaa xukuumaddu isku daydaa in ay ku qariso caga juglayn iyo qiiq ay ka aloosto meel aan cudurku oolin. Waxa la yidhi baribaa nin yari ku yidhi mid isaga ka weynaa oo sagagar ahaa, waar nacas baad tahay. Sagagarkiiba innta uu xanaaqay ku tuntay kii yara. Ninkii yarabaa iska gacay isagoo hardoofooyin qaba, markaasuu ku yidhii kii weynaa ee nacaska ahaa. Jiroo aniga i dishay oo iga xoogweynid, walleese fariid kuma noqotid. Xukuumadda Rayaale ee sida qaldan ugu adeegsata dadka xooggii iyo awoodii Dawladnimo ee loogu talagalay in ay dadka iyo dalka ku ilaaliso, ku fariidoobimayso ku tumashada shacbiga aan waxba gaysan.

Wax qabad u noqonmayso cubudhintaa saxaafaddu. Dhibaatooyinka Somaliland ka taagan, oo ay ku jirto ta labadan shacab ee walaalah ah ee Ceelbardaale la iskaga horkeenay, waxa ka mas'uul ah Daahir Rayaale iyo inta u adeegta. Dhalinyarada tabaruca ku shaqeeya ee Radio Horyaal, kuwa Haatuf, kuwa Jamhuuria iyo weriyeyaasha kale ee Somaliland kama mas'uul aha. Haddii ay xumaanah xukuumaddu maleegto dadka u sheegen denbi may gelin, ee waxay guteen oo u hayaan ummadda shaqo qaran oo aad u qiimo badan.

Waxaanu xukummadda Rayaale ka codsanaynaa in ay suxufiyiinta Radio Horyaal ee sharci darada lagu qafaashay xorriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso. Waxaanu xukuumadda ka codsanayna in ka waantoowdo in ay u dhaqanto sida sagagarkaa inan ka yar ku tuntay!

Ahmed H Nur
Radio Horyaal International Spokesperson.

No comments: