DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA Q6
Ahmed Arwo
Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu. Waa qormadii labaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la'aan u qaadanay.
Maanta waxa aynu booqan doonaa dhacdooyin lagu diirsaday oo dalka iyo debedaba ka dhacay iyo daldalool meelaha qaarkood ka muuqaday loona baahan yahay in la daboolo si aan mar danba loogu dhicin. Dhacdooyinku waxay sawir ka bixinayaan hab-dhaqanka habboon ee looga baahan yahay dawlad mas'uul ah. Waxayna si toos ah ula xidhiidhaan qoraaladii hore ee aan waajibaadka iyo fikirka ka danbeeya dawlad-wanaaga aynu ku soo qaadanay, inagoon weli ka faro-xalan qaada-dhigga afkaarta iyo siyaasadda ka dambeysa waajibaadka dawlad mas'uul ah, ayeynu kolba ku nasan doonaa dhacdooyin dalkeena ka dhaca oo inoo tilmaama habka looga baahan yahay dawlad mas'uul ah. Haddaan qoraalada idinka raajiyo, iga raali ahaada, waa haleel waa iyo hawl adduunyo. Waxaan ku dadaali inaan ugu yaraan toddobaadkii hal mar idiin baaqo inta aan soo gunaanadaayo qoraaladan xidhiidhka ah..
Aan gudaha dalka iyo wiigii ina dhaafay ku bilaabo. Waxa hab-dhaqan dawlad mas'uul ah muujiyey Mad/Xigeenka iyo hoggaanka labada xisbi oo si wadajir ah u muujiyey dareenka guud ee dad weynaha iyagoo danta guud sida waajibka ah u wada akay. Waxa lagu diirsaday iskaashiga iyo fahamka Madx/xigeenku ku muujiyey in xilka qaranku waajib ka dhigaayo in mucaaridku ka hadlaan oo ka doodaan idaacadda qaranka iyo TVga, inkastoo markan sababtu ahayd in la muujiyo wadajirka qarannimada Soomaliland. Haddana waa mid aan hore u dhicin. Waana astaan wacan oo u baahan in la joogteeyo. Waxa isna si xamaasad leh, oo ka durugsan xisbiyeysi u qudbadeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiyey Mudane Siilaanyo. Waxaana qurbajoog iyo dal-joogba loo qiray muwaadan danta qaranka ka hor-mariya dantiisa, sidii uu horreyba uga yeelay doorashadii madaxtooyada. Bal dhugo waxa Kiiniya ka dhacaaya iyo 80kii cod iyo sanduuqa weli ku qoofalan gudaha Maxkammadda Sare. Waa wanaag taariikhda u galay Mudane Axmed Mxamed Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.
Waxa raacda go'aan kale oo Madax/xigeenku qaaday. Waxuu go'aamiyedy in la helo dhul loo seero xabaalaha dadweynaha, iyadoo dhibaato badani ka joogtay oo kuwii horreyna la dhistay, dhul kalena loo diiday. Waa go,aan ay ka muuqato mas,uuliyad iyo xilkasnimo.
Aan u dhoofno carro-gaal iyo socdaalka Madaxweynaha. Waxa muuqata in isku-celcelin horumar laga gaadhay socdaalkan, waxa se habboon inuu muddo ahaan soo koobnaado, oo dunida Madaxdu maalin iyo laba ayey hawshooda debedda ku gutaane aanu noqon socdaal loo arko dalxiis iyo qaraabo salaan. Waxa annaga reer Wales, U.K ahaan noo sharaf ah inaanu jaaliyad ahaan mucaarid iyo muxaafidba u guntano danta guud, oon marna ayna na suldaarin xisbinimo. Waxaanu ku guulaysanay inuu tiriiga ictiraaf doonka qaato Xildhibaanka aanu doorano waa Alun Michael. Waana laga dheregsanyahay sida uu kor ugu qaaday nafsiyadii wafdiga Madaxweynaha iyo tan dad weynahaba.
Daldalool yar oo u baahan in la gufeeyo ayaa muuqda. Ugu horreyn Madaxweynaha waxaa waajib ku aha inuu xisbinimada dhan iska dhigo markuu debedda dalka ka joogo.Waxa habbooneed inuu jaaliyadaha si guud u wado arko, amba uu wakiilada seddexda xisbi uu si gaar ah u arko, marna meesha mey qaban inuu gooni u arko xisbiga UDUB sida uu qoray Guudoomiyaha UDUB, UK.
Inta uu UDUB ku yidhi waa inta la faafiyee, ayuunbuu odhan lahaa seddexda xisbi, waxayna noqon lahayd mid dhabaysa nuxurka qudbadiisa ahayd " Ha ku Milmina Xisb iyada". Madaxweyne markaad UDUB gaar u shireysay, miyaanad adigu Jaaliyadda xisbiyeen. Inagoo rajo ka qabna midho-dhalinta socdaalka Madaxweynaha, aynuu dhamman u rajeyno guul. Maanta aan tilmantaas yar ku dhafno waxa dhimman ee sexidda u baahan, inta kale aan dhabarka ka tuurno, oo aan wanaaga dalka laga muujiyey la jaan qaadno. Faalo iyo qiimeyna aan gadaal u dhigano iyo noqoshada wafdiga .
Tilmaan yar oo ishu qabatay. Maalintii Madaxweynahu booqday Barlamaanka Ingiriiska oo ahayd maalin arbaca ah oo xiligu ahaa waqtiga su,aalaha iyo imtixaanka toddobaadlaha ah lagu qarqiyo Ra'iisul Wasaaraha, waxa la arkay Madaxweynaha oo aad ula yaabay imtixaanka iyo huuhda lagu hayo RW. Waxayna ahayd mid aad u tustay dawlad mas'uul ah iyo la xisaabtankeeda. Kollaybana waxuu hoos u qiray sida mucaaridka Soomaalilaand ugu ilka qaboow yahay. "Xamdu Allah, RW ingiriis Alle igama dhigin, oo ninku wuu imtixaaman yahaye…..". Waxay noqotay fursad iyo daris waxbarasho oo muujiyey dimuquraadiyadda iyo xilkeeda oo dhab u shaqaynaaya. Waana faa'iido kale oo safarku keenay. Kolna qiimaheedu ma yara. Alun Michaelna wuu ogaa baahada Madaxda Soomaliland u qabto inay dhab u arkaan sida mas'uuliyadi tahay iyo la-xisaabtanka joogtada ah ee dimuquraadiyadu leedahay. Waa nin aad inoo yaqaan. Sideeduu maalinta iyo waqtiga ugu doortay. Mahadsanid Alun.
Dhinaca kale waxaa dalka yimid Safiir cusub, waxaana xilkii ka nastay oday Cismaan Xasan oo muddo dheer keli la tacaalaayey hawl qaran oo uu hagar la,aan dusha u ritay. Waxaan Madaxweynaha ka dalbayaa inuu Cismaan ku maamuuso shahaadad sharaf qaran iyo inuu ka dhigo xubin sharafeed ku biira Golaha Guurtida. Waxa xus mudan hawsha qaran ee Cismaan hayey oo uu ka bilaabay inuu ahaa badhasaabkii ugu horreeyey ee Hargeysa xilka kala wareegay gumeysigii Ingiriiska.
Safiirka cusub Mudane Aadan Muuse Jibriil waan soo dhoweynayaa waxaanan u rajeynayaa guul iyo inuu noqdo nin kor u qaada wadashaqaynta jaaliyadaha iyo xafiiskiisa. Waxa habboon in maamulka xafiiska iyo socdaalada madaxda laga dhigo qaar nidaam leh (Protocol), oo la joojiyo is-dhexyaaca iyo buuq aan midho dhalinayn. Waa in la helaa cid ummadda matasha oo kulan kasta oo looga baahdo keeni karto talo iyo talaabooyin wax ku ool ah. Sidoo kale waxa habboon in safiirku noqdo mid ku xidhnaada wakiilada xisbiyada, isla markaasna wado-shaqayn iyo is-taakulin la yeesho Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha oo runtii ah nin aad u firfircoon, aqoon dheerna u leh jaaliyadaha iyo xafiisyada dawladda Ingiriiska. Dhammaanteen, waa inoo shaqo iyo wadajir. Si gaar ah waxaa waajib ah in xafiisku ka dheeraado xisbinimada, oo uu noqdo mid qaran oo seddexda xisbi u siman. Taas ayaa keeni karta inaynu noqono jaaliyad u darban danta guud oo dalkooda u keeni karta horukac iyo maamuus ay ka helaan addun-weynaha.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com
.
No comments:
Post a Comment